< Mezmurlar 90 >
1 Tanrı adamı Musa'nın duası Ya Rab, barınak oldun bize Kuşaklar boyunca.
Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
2 Dağlar var olmadan, Daha evreni ve dünyayı yaratmadan, Öncesizlikten sonsuzluğa dek Tanrı sensin.
Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
3 İnsanı toprağa döndürürsün, “Ey insanoğulları, toprağa dönün!” diyerek.
Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
4 Çünkü senin gözünde bin yıl Geçmiş bir gün, dün gibi, Bir gece nöbeti gibidir.
Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
5 İnsanları bir düş gibi siler, süpürürsün, Sabah biten ot misali:
Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
6 Sabah filizlenir, büyür, Akşam solar, kurur.
Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
7 Eriyip bitiyoruz senin öfkenden, Kızgınlığından dehşete düşüyoruz.
Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
8 Suçlarımızı önüne, Gizli günahlarımızı yüzünün ışığına çıkardın.
Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
9 Gazabından kısalıyor günlerimiz, Bir soluk gibi tükeniyor yıllarımız.
Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
10 Ömrümüz yetmiş yıl sürüyor, Bilemedin seksen, o da sağlıklıysak; En güzel yıllar da zahmetle, kederle geçiyor, Çabucak bitiyor, uçup gidiyoruz.
Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
11 Kim bilir gazabının gücünü? Çünkü öfken sana duyulan korku kadar güçlüdür.
Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
12 Bu yüzden günlerimizi saymayı bize öğret ki, Bilgelik kazanalım.
Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
13 Vazgeç, ya RAB! Öfken ne zamana dek sürecek? Acı kullarına!
Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Sabah bizi sevginle doyur, Ömrümüz boyunca sevinçle haykıralım.
Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Kaç gün bizi sıkıntıya soktunsa, Kaç yıl çile çektirdinse, O kadar sevindir bizi.
Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Yaptıkların kullarına, Görkemin onların çocuklarına görünsün.
Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Tanrımız Rab bizden hoşnut kalsın. Ellerimizin emeğini boşa çıkarma. Evet, ellerimizin emeğini boşa çıkarma.
Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.