< Sabuurradii 144 >

1 Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,
לדוד ברוך יהוה צורי-- המלמד ידי לקרב אצבעותי למלחמה
2 Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.
חסדי ומצודתי משגבי ומפלטי-לי מגני ובו חסיתי הרודד עמי תחתי
3 Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga?
יהוה--מה-אדם ותדעהו בן-אנוש ותחשבהו
4 Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
אדם להבל דמה ימיו כצל עובר
5 Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
יהוה הט-שמיך ותרד גע בהרים ויעשנו
6 Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
ברוק ברק ותפיצם שלח חציך ותהמם
7 Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha,
שלח ידיך ממרום פצני והצילני ממים רבים מיד בני נכר
8 Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
אשר פיהם דבר-שוא וימינם ימין שקר
9 Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
אלהים--שיר חדש אשירה לך בנבל עשור אזמרה-לך
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
הנותן תשועה למלכים הפוצה את-דוד עבדו--מחרב רעה
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
פצני והצילני מיד בני-נכר אשר פיהם דבר-שוא וימינם ימין שקר
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray, Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
אשר בנינו כנטעים-- מגדלים בנעוריהם בנותינו כזוית-- מחטבות תבנית היכל
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah, Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
מזוינו מלאים-- מפיקים מזן אל-זן צאוננו מאליפות מרבבות-- בחוצותינו
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
אלופינו מסבלים אין-פרץ ואין יוצאת ואין צוחה ברחבתינו
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
אשרי העם שככה לו אשרי העם שיהוה אלהיו

< Sabuurradii 144 >