Preface
Read
+
Publisher
Nainoia, Inc.
PO Box 462, Bellefonte, PA 16823
(814) 470-8028
Nainoia Inc, Publisher
LinkedIn/NAINOIA-INC
Third Party Publisher Resources
Request Custom Formatted Verses
Please contact us below
Submit your proposed corrections
I understand that the Aionian Bible republishes public domain and Creative Commons Bible texts and that volunteers may be needed to present the original text accurately. I also understand that apocryphal text is removed and most variant verse numbering is mapped to the English standard. I have entered my corrections under the verse(s) below. Proposed corrections to the Somali Bible, Psalms Chapter 144 https://www.AionianBible.org/Bibles/Somali---Somali-Bible/Psalms/144 1) Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara, 2) Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya. 3) Rabbiyow, waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha oo aad ka fikirtaa isaga? 4) Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha. 5) Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan. 6) Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi. 7) Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha, 8) Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed. 9) Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa, Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh. 10) Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh. 11) I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha, Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed. 12) Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray, Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka, 13) Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah, Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga, 14) Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan, Markaan la arag weerarid iyo qaxid, Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda, 15) Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay, Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay. Additional comments?
Refresh Captcha
The world's first Holy Bible un-translation!