< Yashuuca 18 >

1 Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.
這地方即然已被征服,以色列子民的全會眾就都聚集到史羅,在那裏整起了會慕。
2 Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.
以色列子民中,還有七個支派沒有分到產業。
3 Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?
若蘇厄對以色列子民說:「你們遲遲不去,承受上主你們祖先的天主賜與你們的土地,要到時候呢﹖
4 Haddaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan.
你們應由每反派推選三人,我好派他們去走遍全境,按照各支派應得的產業,畫成圖樣,然後回來見我。
5 Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.
他們應將那地分成七份,猶大保有自己在南方的土地,若瑟家族保有自己在北方的土地。
6 Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.
你們應將那地畫成七份,把圖樣帶來見我,使我好在這裏,於上主我們的天主面前,為你們抽籤。
7 Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.
肋未人在你們中間不應有產業,因為上主司祭的品位,就是他們的產業。至於加得、勒烏本和默納協和默納協半個支派,在約旦河東岸已分得了產業,那是上主的僕人梅瑟分給他們的。」
8 Markaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa.
這些人準備出發時,若蘇厄吩咐這些去繪圖的人說:「你們去走遍這地,畫成圖樣,然後回來見我,我要在史羅在上主面前為你們抽籤。」
9 Markaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal.
這些人就去走遍全境,將所有城市分成七分,寫在書冊上,回到史羅營中呈給若蘇厄。
10 Markaasaa Yashuuca Shiiloh ugu saami riday iyagii Rabbiga hortiisa; oo halkaasaa Yashuuca reer binu Israa'iil ugu qaybshay dalkii sidii ay u kala qaybsanaayeen.
若蘇厄便在史羅於上主面前,為他們抽籤,在那裏按照他們的分法,將地畫分給了以色列子民。
11 Oo qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf.
本雅明支派安他們的家族,抽籤分得的產業,是在猶大子孫和若瑟子孫中間。
12 Oo soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen.
北邊邊界起自約旦河,沿耶利哥北邊的山坡往上,至西面山地,直達貝特阿文曠野;
13 Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed.
再由此經路次,沿路即貝特耳南山坡下,下至阿塔洛特阿達爾,與在下貝特曷龍南部的山相接,
14 Oo soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed.
西邊的邊界由此轉彎,折向南方,由貝特曷龍對面的山向南折,直到猶大人的克黎雅特巴爾,即克黎雅特耶阿陵城:這是西界。
15 Oo waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax;
南界是從克黎雅特耶阿陵的邊界起,向加斤伸展,直到乃費托亞水泉;
16 oo soohdintu waxay ku dhaadhacday meesha ugu fog buurta ku hor taal dooxadii ina Xinnom, taasoo ku taal xagga woqooyi oo dooxada reer Rafaa, oo waxay ku dhaadhacday ilaa dooxadii Xinnom, iyo ilaa dhinaca reer Yebuus xaggooda koonfureed, oo waxay kaloo sii martay Ceyn Rogeel,
由此往下直到位於勒法因不原北部,本希農山谷對面的山角;然後往下,經希農山谷,下至耶步斯人山腰南部,直到洛革耳泉;
17 oo waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
由此轉北,出舍默士水泉,直至阿杜明山坡對面的革里羅特,再下至勒烏本人波罕的盤石;
18 oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;
由此經貝特阿辣巴對面山腰的北部,直下到阿辣巴,
19 oo soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed.
再經貝特曷拉山脊向北,止於鹽海北端,約旦河南口,:這是南界。
20 Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.
東邊以約旦河為界以上是本雅明子孫,按照家族,分得土地的四面邊界。
21 Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,
本雅明支派子孫按照家族,分得的城市:有耶利哥、貝特曷革拉、厄默各刻漆茲、
22 iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,
背叛貝特阿辣巴、責瑪辣因、貝特耳、
23 iyo Cawiim, iyo Faaraah, iyo Cofraah,
阿威、帕辣、敖斐辣、
24 iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
革法爾阿摩尼、敖弗尼和革巴:共計十二座城和所屬村鎮。
25 iyo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod,
基貝紅、辣瑪、貝洛特、
26 iyo Misfaah, iyo Kefiiraah, iyo Mosaah,
米茲培、革非辣摩匝勒、
27 iyo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah,
耿依爾耳、塔辣拉、
28 iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.
責拉、厄肋夫、耶步斯即耶路撒冷、基貝亞和克黎雅特耶阿陵:共計十四座城和所屬村鎮:以上是本雅明子孫,按照家族分得的產業。

< Yashuuca 18 >