< Yashuuca 17 >

1 Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.
默納協是若瑟的長子,他的支派抽籤分得了一份土地。默納協的長子,基肋阿得的父親瑪基爾,因為是個戰士,分得了基肋阿得和巴商。
2 Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.
默納協的其餘子孫,赫肋克的子孫,阿斯黎耳的子孫,舍根的子孫,赫斐爾的子孫,舍米達的子孫:這些人按照家族,都是若瑟之子默納協後代的男丁。
3 Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.
但是默納協的玄孫,瑪基爾的曾孫,基肋阿得的鯀子,赫斐爾的兒子,責羅斐哈得沒有兒子,只有女兒,他的女兒名叫瑪赫拉、米耳加和提爾匝。
4 Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.
她們來到司祭厄肋阿責爾和農的兒子若蘇厄、並首領們面前說:「上主曾吩咐過梅瑟,在我們弟兄們中,也分給我們一份產業。」若蘇厄遂照上主所吩咐的,使她們在伯叔中間,也分得了一份產業。
5 Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;
這樣,除約旦河東的基肋阿得和巴商二地外,尚有十分歸屬於默納協,
6 maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.
因為默納協的孫女,在默納協的孫子中也獲得產業;不過基肋阿得屬於默納協其餘的子孫。
7 Oo soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax.
默納協的地界,是從阿協爾起,到舍根對面的米革默塔特,再折向南,直達雅史布和恩塔普亞。
8 Oo dalkii Tafuu'axna waxaa iska lahaa reer Manaseh; laakiinse Tafuu'ax tii ku tiil soohdinta waxaa iska lahaa reer Efrayim.
普亞地歸默納協,但默納協邊界上的特普亞城,卻屬厄弗辣因子孫。
9 Oo soohdintu waxay u baxday durdurkii Qaanaah, oo durdurka xagga koonfureed ka ahaa. Magaalooyinkaas ku dhex yiil magaalooyinkii reer Manaseh waxaa lahaa reer Efrayim. Soohdintii Efrayimna waxay ahayd durdurka xaggiisa woqooyi, oo waxaa soohdintii dhammaadkeedu ahaa badda.
邊界由此向下伸至卡納谷;谷南的成市屬厄弗辣因,是厄弗辣因在默納協城市所有的城市。默納協的境界是由谷北,直到大海。
10 Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.
南面屬厄弗辣因,北面屬默納協,以海為界;北接阿協爾,東部鄰依撒加爾。
11 Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.
默納協在依撒加爾和阿協爾境內,有貝特商和所屬村鎮;依貝肋罕和所屬村鎮,多爾居民和所屬村鎮,還有恩多爾居民和所屬村鎮,塔納客居民和所屬村鎮,默基多居民和所屬村鎮,共三區。
12 Laakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan.
但是默納協子孫未能將這些城中的土人趕走,客納罕人仍然居住在這地區內。
13 Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin.
當以色列子民強冊盛以後,迫使客納罕人做苦工,卻沒有將他們完全趕走。
14 Oo reerkii Yuusuf Yashuuca bay la hadleen, oo ku yidhaahdeen, Maxaad qayb keliya dhaxal noogu siisay? Maxaa yeelay, annagu waxaannu nahay dad badan, oo Rabbigu waa na barakeeyey ilaa haatan.
若瑟的子孫對若蘇厄說:「上主這樣祝福我們,我們又是人數最多的一族,你為什麼只叫我們抽一籤,分一份土地作產業呢﹖
15 Markaasaa Yashuuca wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad dad badan tihiin, haddaba kaca oo duudda taga, oo waxaad soo goosataan dalka reer Feris iyo kan reer Rafaa; maxaa yeelay, dalka buuraha leh oo reer Efrayim waa idinku cidhiidhi.
若蘇厄對他們說:「如果你們人數眾多,厄弗辣因為你們太癥狹小,可甘培黎齊人和勒法因人的地方去,砍伐森林中的樹木。」
16 Markaasaa reerkii Yuusuf waxay yidhaahdeen, Dalka buuraha lahu naguma filna; oo reer Kancaanka deggan dalka dooxada leh oo dhammu waxay leeyihiin gaadhifardood bir ah, kuwooda deggan Beytshe'aan iyo magaalooyinkeeda, iyo kuwooda deggan dooxadii Yesreceelba.
若瑟的子孫回答說:「這山區為我們仍不夠,何況住在盆地,即住在貝特商和所屬村鎮,以及住在依次勒耳盆地的一切客納罕人,都擁有鐵車。」
17 Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;
若蘇厄對若瑟家,即對厄弗辣因和默納協人說:「你們人數眾多,勢力強大,不能只抽一籤,
18 laakiinse dalka buuraha leh idinkaa yeelan doona; waayo, in kastoo uu duud yahay, waad jari doontaan, oo meelaha laga baxona idinkaa yeelan doona, maxaa yeelay, waxaad eryi doontaan reer Kancaan in kastay leeyihiin gaadhifardood bir ah, oo ay xoog badan yihiin.
因此,山地也應歸於你們;那裏雖是森林,盡可砍伐,開闢的土地自然歸於你們。客納罕人雖然擁有鐵車,勢力強大,但你們必能將他們趕走。」

< Yashuuca 17 >