< Ayuub 27 >

1 Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi,
ויסף איוב שאת משלו ויאמר
2 Waxaan ku dhaartay Ilaaha nool oo xaqayga iga qaaday, Kaasoo ah Ilaaha Qaadirka ah oo naftayda dhibay;
חי-אל הסיר משפטי ושדי המר נפשי
3 (Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa, Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.)
כי-כל-עוד נשמתי בי ורוח אלוה באפי
4 Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan, Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo.
אם-תדברנה שפתי עולה ולשוני אם-יהגה רמיה
5 Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo, Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo.
חלילה לי אם-אצדיק אתכם עד-אגוע-- לא-אסיר תמתי ממני
6 Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo, Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan.
בצדקתי החזקתי ולא ארפה לא-יחרף לבבי מימי
7 Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.
יהי כרשע איבי ומתקוממי כעול
8 In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay, Markii Ilaah naftiisa qaado?
כי מה-תקות חנף כי יבצע כי ישל אלוה נפשו
9 Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?
הצעקתו ישמע אל-- כי-תבוא עליו צרה
10 Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa? Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa?
אם-על-שדי יתענג יקרא אלוה בכל-עת
11 Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.
אורה אתכם ביד-אל אשר עם-שדי לא אכחד
12 Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen, Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen?
הן-אתם כלכם חזיתם ולמה-זה הבל תהבלו
13 Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo, Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan.
זה חלק-אדם רשע עם-אל ונחלת עריצים משדי יקחו
14 Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef, Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan.
אם-ירבו בניו למו-חרב וצאצאיו לא ישבעו-לחם
15 Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan.
שרידיו במות יקברו ואלמנתיו לא תבכינה
16 In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale, Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale,
אם-יצבר כעפר כסף וכחמר יכין מלבוש
17 Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin.
יכין וצדיק ילבש וכסף נקי יחלק
18 Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto.
בנה כעש ביתו וכסכה עשה נצר
19 Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro.
עשיר ישכב ולא יאסף עיניו פקח ואיננו
20 Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah, Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan.
תשיגהו כמים בלהות לילה גנבתו סופה
21 Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa, Oo meeshiisana way ka xaaqdaa.
ישאהו קדים וילך וישערהו ממקמו
22 Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.
וישלך עליו ולא יחמל מידו ברוח יברח
23 Dadku way ku sacbin doonaan isaga, Oo meeshiisana foodhi bay kaga saari doonaan.
ישפק עלימו כפימו וישרק עליו ממקמו

< Ayuub 27 >