Preface
Read
+
Publisher
Nainoia, Inc.
PO Box 462, Bellefonte, PA 16823
(814) 470-8028
Nainoia Inc, Publisher
LinkedIn/NAINOIA-INC
Third Party Publisher Resources
Request Custom Formatted Verses
Please contact us below
Submit your proposed corrections
I understand that the Aionian Bible republishes public domain and Creative Commons Bible texts and that volunteers may be needed to present the original text accurately. I also understand that apocryphal text is removed and most variant verse numbering is mapped to the English standard. I have entered my corrections under the verse(s) below. Proposed corrections to the Somali Bible, Job Chapter 27 https://www.AionianBible.org/Bibles/Somali---Somali-Bible/Job/27 1) Oo haddana Ayuub ayaa hadalkiisii sii waday, oo wuxuu yidhi, 2) Waxaan ku dhaartay Ilaaha nool oo xaqayga iga qaaday, Kaasoo ah Ilaaha Qaadirka ah oo naftayda dhibay; 3) (Waayo, naftaydii weli waa igu jirtaa, Oo ruuxii Ilaahna weli wuxuu ku jiraa sankayga labadiisa dul.) 4) Hubaal bushimahaygu xaqdarro ku hadli maayaan, Oo carrabkayguna khiyaano sheegi maayo. 5) Ilaah ha iga fogeeyo inaan xaq idinka dhigo, Jeeraan dhinto daacadnimadayda iska tuuri maayo. 6) Xaqnimadayda waan xajisanayaa, oo iska sii dayn maayo, Oo qalbigaygu i ceebayn maayo intaan noolahay oo dhan. 7) Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo. 8) In kastoo uu faa'iido helo, cibaadalaawaha rajadiisu waa maxay, Markii Ilaah naftiisa qaado? 9) Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado? 10) Miyuu Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doonaa? Oo miyuu goor kasta Ilaah baryi doonaa? 11) Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo. 12) Bal eega, idinku kulligiin waad aragteen, Haddaba bal maxaad dhammaantiin nacasyo u wada noqoteen? 13) Intanu waa qaybta uu Ilaah ninkii sharrow ah u kaydiyo, Iyo dhaxalka kuwa dadka dulma ay Ilaaha Qaadirka ah ka helaan. 14) Carruurtiisu hadday tarmaan, kolleyba waxaa dili doonta seef, Oo carruurtiisuna cunto kama dhergi doonaan. 15) Kuwii isaga ka hadhana dhimashaa xabaali doonta, Oo carmalladiisuna uma ay barooran doonaan. 16) In kastoo uu lacag u taalaysto sida ciidda oo kale, Oo uu dharna u diyaarsado sida dhoobada oo kale, 17) Isagaa diyaarin doona, laakiinse waxaa xidhan doona kan xaqa ah, Oo lacagtana waxaa qaybsan doona kan aan xaqa qabin. 18) Gurigiisa wuxuu u dhisaa sida buul caaro oo kale, Iyo sida waab waardiye samaysto. 19) Isagoo taajir ah ayuu seexdaa, laakiinse lama soo ururin doono, Indhihiisuu kala qaadaa, oo waxba ma jiro. 20) Naxdin baa isaga qarqin doonta sida biyo daad ah, Oo habeenkiina waxaa isaga la tegi doona duufaan. 21) Waxaa isaga kaxaysa dabaysha bari, oo isna wuu tagaa, Oo meeshiisana way ka xaaqdaa. 22) Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo. 23) Dadku way ku sacbin doonaan isaga, Oo meeshiisana foodhi bay kaga saari doonaan. Additional comments?
Refresh Captcha
The world's first Holy Bible un-translation!