< Ayuub 17 >

1 Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar.
Roho yangu imemezwa, na siku zangu zimekwisha; kaburi lipo tayari kwa ajili yangu mimi.
2 Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo, Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda.
Hakika kuna wenye mzaha pamoja nami; ni lazima daima jicho langu litazame kukasirisha kwao.
3 Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo; Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya?
Nipe sasa ahadi, uwe uthibitisho kwangu mimi pamoja na wewe mwenyewe; nani mwingine yuko pale ambaye atanisaidia mimi?
4 Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay, Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid.
Kwa kuwa wewe Mungu umemeitunza mioyo yao kutoka katika ufahamu; kwa hiyo, wewe hautawaheshimisha wao juu yangu mimi.
5 Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
Yeye ambaye huwapinga rafiki zake hadharani, kwa ajili ya tuzo, macho ya watoto wake yatashindwa kuona.
6 Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan.
Lakini amenifanya mimi kuwa neno la kuzungumziwa na watu; wao wananitemea mate katika uso wangu mimi.
7 Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale.
Jicho langu pia halioni vizuri kwa sababu ya huzuni; sehemu zangu zote za mwili ni nyembamba kama vivuli.
8 Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.
Watu wanyoofu watapendezwa na hiki; mtu asiye na hatia atajitia yeye mwenyewe juu ya kushindana dhidi ya watu wasiomcha Mungu.
9 Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa.
Mtu mwenye haki ataendelea katika njia yake; yeye ambaye ana mikono iliyo safi ataendelea kuwa mwenye nguvu zaidi na zaidi.
10 Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono.
Lakini kama ilivyo kwenu ninyi nyote, njooni sasa; Mimi sitampata mtu mwenye hekima miongoni mwenu ninyi.
11 Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qasdigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een.
Siku zangu zimepita; mipango yangu imenyamazishwa na hivyo ni matumaini ya moyo wangu.
12 Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka.
Watu hawa, wenye kukejeli, badili usiku kuwa mchana; mchana uko karibu kuwa giza.
13 Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado, (Sheol h7585)
Tangu mimi nitazame katika Kuzimu kama nyumbani kwangu; tangu Mimi nimetandaza kiti changu katika giza; (Sheol h7585)
14 Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay,
tangu Mimi nimesema na shimo 'Wewe ni baba yangu,' na kwa funza, 'Wewe ni mama yangu au dada yangu;
15 Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?
liko wapi tena tumaini langu? Kama kwa tumaini langu, nani awezaye kuona chochote?
16 Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno. (Sheol h7585)
Tumaini litakwenda pamoja na mimi katika milango ya Kuzimu wakati sisi tutakapokwenda katika mavumbi? (Sheol h7585)

< Ayuub 17 >