< Esteer 1 >

1 Wakhtigii Ahashwerus (Ahashweruskaasu wuxuu ahaa kii xukumi jiray Hindiya iyo Itoobiya inta ka dhex leh, oo u talin jiray boqol iyo toddoba iyo labaatan gobol)
Katika siku za utawala wa Ahasuero (huyu ni Ahasuero aliyetawala toka India hadi Ethiopa, zaidi ya majimbo 127),
2 markii Boqor Ahashwerus uu ku fadhiistay carshigii boqortooyadiisa oo ku yiil Shuushan oo ahayd hoygii boqorka,
katika siku hizo Mfalme Ahasuero aliketi katika kiti chake cha utawala katika ngome ya Shushani.
3 sannaddii saddexaad oo boqornimadiisa ayuu martiqaad u sameeyey amiirradiisii iyo addoommadiisii oo dhan, taas oo ay hortiisa joogeen xooggii Faaris iyo Maaday, iyo dadkii gobta ahaa iyo amiirradii gobollada.
mwaka wa tatu wa utawala wake aliwaandalia sherehe viongozi na watumwa wake wote. Waliohudhuria katika sherehe hiyo walikuwa wakuu wa jeshi la Uajemi na Umedi, watu wenye vyeo, na viongozi wa majimbo.
4 Oo wuxuu soo bannaan dhigay maalkii boqortooyadiisa ammaanta badnayd, iyo sharaftii haybaddiisa sarraysa, intii maalmo badan ah oo gaadha boqol iyo siddeetan maalmood.
Mfalme akaweka wazi utajiri na utukufu wa ufalme wake na heshima ya ukufu wa ukuu alio upata kwa siku nyingi, kwa siku180.
5 Oo markii maalmahaasu dhammaadeen ayuu boqorku diyaafad u sameeyey dadkii Shuushan oo hoygii boqorka ahayd joogay oo dhan, yar iyo weynba, intii toddoba maalmood ah, oo diyaafaddiina waxaa lagu dhigay barxaddii beerta ku dhex tiil hoygii boqorka.
Siku hizi zilipotimia, Mfalme aliaandaa karamu iliyodumu kwa siku saba. Karamu hii ilikuwa kwa watu wote walioishi katika ikulu ya Shushani, tangu mkubwa hadi mdogo. Behewa la bustani ya ikulu ya mfalme ndiyo karamu ilipofanyikia.
6 Oo waxaa meeshaas ka laalaaday daahyo ah caddaan iyo cagaar iyo buluug, oo waxaa ku xidhnaa xadhko laga sameeyey maro wanaagsan iyo dhar guduudan oo sudhan siddooyin lacag ah iyo tiirar marmar ah. Sariiruhuna waxay ahaayeen dahab iyo lacag, oo waxaa la dhigay meel siman oo laga sameeyey marmar ah casaan iyo caddaan iyo huruud iyo madow.
Behewa la bustani lilipambwa kwa mapazia meupe ya pamba na urujuani, yalifungwa kwa kamba za kitani safi na zambarau, yakiwa yametundikwa kwa pete za fedha na nguzo za marimari. Kulikuwa na makochi ya dhahabu na fedha juu ya sakafu ya marimari, mawe mekundu na meupe, na ya manjano na meusi.
7 Oo waxaa dadka cabniin lagu siiyey weelal dahab ah (oo weelashana midba midka kale wuu ka duwanaa), oo khamrigii boqorkuna wuu badnaa sidii ay ahayd deeqsinimadii boqorku.
Vinywaji viliandaliwa katika vikombe vya dhahabu. Na kila kikombe kilikuwa ni cha kipekee na kwa sababu ya ukarimu wa mfalme kulikuwa mvinyo mwingi.
8 Oo cabniinkuna wuxuu waafaqsanaa qaynuunka, dirqina ma jirin, waayo, boqorku wuxuu madaxdii gurigiisa oo dhan ku amray inay nin kasta u yeelaan siduu doonayo.
Mfalme aliwambia wahudumu watu wagawiwe vinywaji kwa kila mtu kulingana na matakwa yake. Maana tayari mfalme alikuwa ametoa agizo kwa watumishi wa ikulu kuwafanyia wageni kulingana na matakwa ya kila mgeni.
9 Oo weliba Boqorad Washtiina waxay dumarkii diyaafad ugu samaysay hoygii reer boqor oo uu Boqor Ahashwerus lahaa.
Wanawake nao walikuwa wamealikwa katika karamu na Malkia Vashiti katika ikulu ya Mfalme Ahusuero.
10 Oo maalintii toddobaad boqorkii, isagoo qalbigiisu khamri ku faraxsan yahay, wuxuu amray toddobadii midiidin oo Boqor Ahashwerus ka adeegi jiray oo ahaa Mehuumaan, Bista, Xarboona, Bigtaa, Abagta, Seetar, iyo Karkas,
katika siku ya saba moyo wa mfalme ulipokuwa na furaha kwa sababu ya mvinyo, aliwaagiza Mehumani, Biztha, Harbona, Bigtha, Abagtha, Zethari na Karkas (hawa saba ndio waliohudumu mbele ya mfalme)
11 oo wuxuu iyagii ku amray inay Boqorad Washtii hortiisa keenaan, iyadoo qabta taajkii boqornimada, si quruxdeeda loo tuso dadka iyo amiirrada, waayo, iyadu waxay lahayd suurad wanaagsan oo in la fiirsado ku fiican.
kumleta Malkia Vashiti akiwa katika mavazi yake ya kimalkia. Akiwa na lengo la kuwaonyesha watu na maakida urembo wake, maana alikuwa mrembo.
12 Laakiinse boqoraddii Washtii ahayd way diidday inay ku timaado amarkii boqorku ugu soo dhiibay midiidinnada. Sidaas daraaddeed boqorkii aad buu u xanaaqay, oo cadhadiisiina wuu la gubtay.
Pamoja na maagizo ya Mfalme, Malkia Vashiti alikataa kwenda kama alivyokuwa amewaagiza viongozi wake. Hivyo mfalme akakasirika sana; ghadhabu yake ikawaka ndani yake
13 Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba,
Mfalme akawandea wenye hekima, waliofahamu nyakati (kwa kuwa huu ndio uliokuwa utaratibu wa mfalme kuhusu wale waliokuwa watalaamu wa sheria na hukumu.
14 oo waxaa isaga ku xigay Karshena, Shetaar, Admata, Tarshiish, Meres, Marsena, iyo Memuukaan oo ahaa toddobadii amiir oo Faaris iyo Maaday, oo arkay boqorka wejigiisa, oo fadhiyey boqortooyada derejadeeda kowaad),
Carshena, Shethar, Admatha, Tarshish, Meres, Marsena, na Memucan, majimbo saba ya Uajemi na Umedi walikuwa karibu na mfalme na walikuwa na vyeo vikubwa katika ufalme.
15 oo wuxuu ku yidhi, War maxaan ku samaynaa Boqorad Washtii sida sharciga waafaqsan? Maxaa yeelay, iyadu ma ay yeelin yeedhiddii Boqor Ahashwerus iyada midiidinnada ugu sii dhiibay.
Katika kutafsiri nini kifanyike kwa mjibu wa sheria kutoka na mgomo wa Malkia Vashiti dhidi ya agizo la mfalme Ahusiero kwa Malkia Vashiti.
16 Markaasaa Memuukaan jawaabay, oo wuxuu boqorkii iyo amiirradii hortooda ka yidhi, Boqorad Washtii boqorka oo keliya ma ay xumayn, laakiinse waxay xumaysay amiirrada oo dhan, iyo dadka deggan Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan.
Mmoja wao aliyejulikana kwa jina la Memukani alisema mbele ya Mfalme na mbele ya viongozi, Malkia Vashiti hajamkosea tu mfame na wakuu na watu wote walio katika majimbo ya mfale Ahusiero.
17 Haddaba wixii ay boqoraddu samaysay wuu wada gaadhi doonaa dumarka oo dhan, kolkaasay nimankooda quudhsan doonaan markii warkan loo sheego, oo lagu yidhaahdo, Boqorkii Ahashwerus wuxuu amray in Boqorad Washtii hortiisa la keeno, laakiinse ma ay iman.
kwa kuwa jambo la malkia litafahamika kwa wanawake wote. watawatendea waume zao vibaya. Watasema, 'Mfalme Ahusiero Malkia Vashiti hakumtii mme wake, Mfalme Ahusiero alipotaka ahudhurie mbele yake.'
18 Haddaba isla maantadan amiiradaha Faaris iyo Maaday oo maqlay wixii ay boqoraddu samaysay, sidaasoo kalay ku odhan doonaan boqorka amiirradiisa oo dhan. Oo saas aawadeed waxaa kici doona quudhsasho iyo xanaaq badan.
Kabla ya siku hii wanawake wa wakuu wa Uajemi na Umedi walipata taarifa ya mgomo wa malkia Vashiti watawatendea waume zao, viongozi wa mfalme. kutakuwa na ghasia na nyingi hasira.
19 Haddaba haddii boqorku raalli ka yahay, amar boqornimo ha bixiyo, oo amarkaasna si aan loo beddelin ha lagu dhex qoro qaynuunnada reer Faaris iyo reer Maaday, inaanay boqoradda Washtii mar dambe iman Boqor Ahashwerus hortiisa. Boqorkuna boqoradnimadeedii ha siiyo mid kale oo iyada ka wanaagsan.
kama ni jambo jema kwa mfalme, ruhusu tangazo litolewe, na iwe katika sheria ya Waajemi na Wamedi, ambao haiwezi kutanguliwa, kwamba Vashiti hatakuja tena mbele za mfalme kama malkia. Nafasi ya Vashiti apewe mwingine ambaye ni bora zaidi ya Vashiti.
20 Oo marka boqorka amarkiisa uu bixin doono lagu faafiyo boqortooyadiisa oo dhan (waayo, way weyn tahay) ayaa dumarka oo dhammu nimankooda maamuusi doonaan, yar iyo weynba.
Tangazo la mfalme litakapotolewa katika ufalme wote, wanawake wote watawaheshimu waume zao, tangu mwenye cheo hadi asiye na cheo.”
21 Oo odhaahdaasu waxay ka farxisay boqorkii iyo amiirradii oo dhanba, kolkaasuu boqorkii yeelay sidii uu Memuukaan yidhi.
Ushauri huu ulikuwa mzuri kwa mfalme na wakuu wengine, mfalme akafamya kama Memkani alivyopendekeza.
22 Oo wuxuu warqado u diray boqorka gobolladiisii oo dhan, oo gobol walba wuxuu ugu qoray fartiisii, oo dad kastana wuxuu ugu qoray afkoodii, si nin kastaa ugu taliyo reerkiisa oo uu ku sheego afka dadkiisu ku hadlo.
Akatuma barua katika majimbo yote ya mfalme, kwa kilajambo na andiko lake, na watu kwa makabila yao. Aliamuru kwamba kila mme awe msimamizi katika nyumba yake mwenyewe. Tangazo hili lilitolewa katika lungha ya kila mtu katika ufalme.

< Esteer 1 >