< Esteer 3 >

1 Oo waxyaalahaas dabadeed Boqor Ahashwerus wuxuu dalliciyey oo kursigiisii ka sarraysiiyey amiirradii isaga la joogay oo dhan Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag, oo isaga wuu hore mariyey.
אחר הדברים האלה גדל המלך אחשורוש את המן בן המדתא האגגי--וינשאהו וישם את כסאו מעל כל השרים אשר אתו
2 Oo waxaa Haamaan u foororsaday oo u sujuuday boqorka addoommadiisii iriddiisa joogay oo dhan, waayo, boqorka ayaa in saas loo yeelo amray. Laakiinse Mordekay uma uu foororsan, umana sujuudin.
וכל עבדי המלך אשר בשער המלך כרעים ומשתחוים להמן--כי כן צוה לו המלך ומרדכי--לא יכרע ולא ישתחוה
3 Markaasaa addoommadii boqorka oo joogay boqorka iriddiisa waxay Mordekay ku yidhaahdeen, War maxaad u jebinaysaa boqorka amarkiisa?
ויאמרו עבדי המלך אשר בשער המלך--למרדכי מדוע אתה עובר את מצות המלך
4 Haddaba waxaa dhacday, markay maalin kasta saas ku lahaayeen, laakiinse isagu uusan dheg u dhigin, inay warkaas Haamaan u sheegeen inay arkaan bal wuxuu xaalka Mordekay noqdo, waayo, wuxuu iyagii u sheegay inuu Yuhuud yahay.
ויהי באמרם (כאמרם) אליו יום ויום ולא שמע אליהם ויגידו להמן לראות היעמדו דברי מרדכי--כי הגיד להם אשר הוא יהודי
5 Haamaanna markuu arkay inaan Mordekay u foororsan oo aanu u sujuudin, ayuu Haamaan aad u cadhooday.
וירא המן--כי אין מרדכי כרע ומשתחוה לו וימלא המן חמה
6 Laakiinse wuu quudhsaday inuu Mordekay oo qudha gacanta saaro, waayo, waxaa isaga loo sheegay Mordekay qabiilkiisa; oo sidaas daraaddeed Haamaan wuxuu doonayay inuu wada baabbi'iyo Yuhuudda boqortooyada Ahashwerus deggan oo dhan, kuwaasoo ahaa Mordekay qabiilkiisii.
ויבז בעיניו לשלח יד במרדכי לבדו--כי הגידו לו את עם מרדכי ויבקש המן להשמיד את כל היהודים אשר בכל מלכות אחשורוש--עם מרדכי
7 Oo sannaddii laba iyo tobnaad oo Boqor Ahashwerus, bisheedii kowaad taasoo ah bisha Niisaan ayay Haamaan hortiisa ku rideen saami magiciisa la yidhaahdo Fuur, oo taasuna waxay socotay maalin ka maalin, iyo bil ka bil, ilaa bishii laba iyo tobnaad oo ah bisha Adaar.
בחדש הראשון הוא חדש ניסן בשנת שתים עשרה למלך אחשורוש הפיל פור הוא הגורל לפני המן מיום ליום ומחדש לחדש שנים עשר--הוא חדש אדר
8 Markaasaa Haamaan wuxuu Boqor Ahashwerus ku yidhi, Waxaa jira dad ku wada dhex firidhsan dadyowga deggan gobollada boqortooyadaada oo dhan, qaynuunnadooduna way ka wada duwan yihiin kuwa dadyowga kale oo dhan. Iyaguna qaynuunnada boqorka ma dhawraan. Sidaas daraaddeed, boqorow, inaad iska daysid faa'iido kuugu ma jirto.
ויאמר המן למלך אחשורוש--ישנו עם אחד מפזר ומפרד בין העמים בכל מדינות מלכותך ודתיהם שנות מכל עם ואת דתי המלך אינם עשים ולמלך אין שוה להניחם
9 Haddaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha la qoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaa toban kun oo talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa boqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagu maalkaas geliyaan khasnadaha boqorka.
אם על המלך טוב יכתב לאבדם ועשרת אלפים ככר כסף אשקול על ידי עשי המלאכה להביא אל גנזי המלך
10 Markaasaa boqorkii wuxuu gacantiisa ka siibay kaatunkiisii oo wuxuu siiyey Haamaan ina Hamedaata oo ahaa reer Agag ee weliba ahaa cadowgii Yuhuudda.
ויסר המלך את טבעתו מעל ידו ויתנה להמן בן המדתא האגגי--צרר היהודים
11 Kolkaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Lacagta adigaa lagu siiyey, oo weliba dadkana waxaad ku samaysaa wax alla wixii kula wanaagsan.
ויאמר המלך להמן הכסף נתון לך והעם לעשות בו כטוב בעיניך
12 Oo bishii kowaad maalinteedii saddex iyo tobnaad ayaa loo wada yeedhay boqorka karraaniyadiisii oo dhan, oo waxaa la qoray kulli wixii Haamaan ku amray boqorka saraakiishiisii iyo taliyayaashii gobollada oo dhan xukumayay, iyo amiirradii u talinayay dad kasta, oo gobol kasta waxaa loogu qoray afkiisii. Oo waxaa lagu qoray Boqorka Ahashwerus magiciisa, waxaana lagu shaabadeeyey boqorka kaatunkiisii.
ויקראו ספרי המלך בחדש הראשון בשלושה עשר יום בו ויכתב ככל אשר צוה המן אל אחשדרפני המלך ואל הפחות אשר על מדינה ומדינה ואל שרי עם ועם מדינה ומדינה ככתבה ועם ועם כלשונו בשם המלך אחשורש נכתב ונחתם בטבעת המלך
13 Oo warqadona waxaa loo dhiibay warqaadayaal, oo waxaa loo diray boqorka gobolladiisii oo dhan, in Yuhuudda oo dhan la wada baabbi'iyo, oo la wada laayo, oo la halaago dhammaantood, yar iyo weyn, iyo dhallaanka iyo dumarkaba, bisha Adaar oo ah bisha laba iyo tobnaad, maalinteeda saddex iyo tobnaad, iyo in maalkoodana booli ahaan loo dhaco.
ונשלוח ספרים ביד הרצים אל כל מדינות המלך--להשמיד להרג ולאבד את כל היהודים מנער ועד זקן טף ונשים ביום אחד בשלושה עשר לחדש שנים עשר הוא חדש אדר ושללם לבוז
14 Oo waxaa dadyowga oo dhan lagu dhex faafiyey warqaddii la qoray naqilkeedii, oo leh amar ha la wada siiyo gobollada oo dhan inay diyaar u noqdaan maalintaas.
פתשגן הכתב להנתן דת בכל מדינה ומדינה גלוי לכל העמים--להיות עתדים ליום הזה
15 Oo warqaadayaashiina haddiiba degdeg bay ugu ambabbexeen boqorka amarkiisii, oo Shuushan oo ahayd hoygii boqorkana amarkii waa lagu bixiyey. Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u fadhiisteen inay wax cabbaan; laakiinse magaaladii Shuushan oo dhammu way ka wareertay.
הרצים יצאו דחופים בדבר המלך והדת נתנה בשושן הבירה והמלך והמן ישבו לשתות והעיר שושן נבוכה

< Esteer 3 >