< Sharciga Kunoqoshadiisa 21 >

1 Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay,
Ka ngʼato onegi moyud ka oriere piny e pap kama Jehova Nyasaye ma Nyasachu miyou mondo ukaw kendo ok ongʼere malongʼo ngʼama onege,
2 markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan,
to jodongu gi jongʼad bura nodhi mondo opim gi tol chakre kama ringre ngʼatno nitie nyaka e mier machiegni kode.
3 oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin,
Eka jodongo manie dala machiegni kod ringre ngʼatno nokaw nyaroya mapok otiyo, kata mapok otwe e jok,
4 oo odayaasha magaaladaasu waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen.
kendo gilor kode e holo kama pok opur kata pidhoe cham, kochomo aora ma pi molie, kendo kanyo ema mondo giture ngʼute.
5 Oo markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga yeelo.
Jodolo, ma yawuot joka Lawi nochungʼ nyime, nimar Jehova Nyasaye ma Nyasachu oseyierogi mondo gitine kendo mondo gichiw gweth e nying Jehova Nyasaye kendo mondo gingʼad buche mar larruok kod mag nek.
6 Oo magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey dooxada dhexdeeda,
Eka jodongo duto manie dala machiegni gi kama ringruokno nitie noluok lwetgi e nyaroyano ma ngʼute otur e holo,
7 oo iyagu markaas ha jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag.
kendo giniwach niya, “Lwetwa ne ok osechwero remoni kata wangʼwa ne ok oneno ka otimore.
8 Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas.
Yie iwinj pwodhruok ma jogi Israel ma isereso yaye Jehova Nyasaye kendo kik ikaw jogi kaka joketho mochwero remo maonge ketho.” Kamano ginipwodhre kuom richo mar chwero remono.
9 Oo sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa.
Mano e kaka ubiro golo kuomu tim marach mar chwero remo maonge ketho, nikech usetimo gima kare e wangʼ Jehova Nyasaye.
10 Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan,
Ka udhi kedo gi wasigu kendo Jehova Nyasaye ma Nyasachu ochiwogi e lwetu ma umakogi ka wasumbini magu,
11 oo haddii midkiin maxaabiista dhexdooda ku arko qof dumar ah oo qurux badan, oo uu iyada jeclaado oo uu doonayo inuu naagaysto,
kendo ka ineno dhako moro ma jaber e kind mon momaki, ma idwaro kendo to inyalo kawe obed chiegi.
12 markaas waa inuu gurigiisii geeystaa, oo iyadu waa inay timaha iska xiirtaa oo ciddiyahana iska jartaa,
Kel dhakono e odi, bangʼe liel wiye kendo ingʼad kokene,
13 oo dharkii maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa, oo iyana naagtiisii ha ahaato.
bende igol lepe mane omakego. Bangʼ ka osedak e odi kuom dwe achiel koywago wuon gi min, eka idhi ire mondo ibed chwore kendo en bende obed chiegi.
14 Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey.
Ka ok imor kode, to iweye odhi kamoro amora ma ohero. Ok onego iuse kata kete jatichni, nimar isemiye wichkuot.
15 Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay,
Ka ngʼato nigi mon ariyo, kendo ohero moro maloyo machielo mi giduto ginywolone yawuowi, to wuowi mokwong nywol en wuod dhako ma ok ohero,
16 maalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa wiilkeedii ee curadka ahaa,
ka ondiko mwandune ne yawuote kik okaw ratiro mar wuowi makayo omi wuod dhako moherono.
17 laakiinse naagtii uu nebcaa wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa, oo xaqa curadnimada isagaa leh.
Nyaka one ni ochiwone wuowi maduongʼ ma wuod dhako ma ok oherocha pok nyadiriyo mar gige duto. Wuowino en e ranyisi mokwongo mar tekre wuon. Ratiro mar wuowi makayo en mare.
18 Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,
Ka ngʼato nigi wuowi ma jendeke ma ok winj wuon kod min kendo ok owinjgi ka okume,
19 markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan,
wuon gi min nyaka kawe mitere ir jodongo e ranga dalagi.
20 oo iyagu odayaasha magaaladiisa ha ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab.
Giniwach ne jodongo niya, “Wuodwani wiye tek kendo ja-jendeke, ok owinjwa, en janjore kendo jakongʼo.”
21 Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.
Eka ji duto modak e gwengʼno nogoye gi kite motho. Nyaka ugol tim marachni e dieru kendo jo-Israel duto kowinjo wachno nobed maluor.
22 Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan,
Ka ngʼato motimo tim mamono onegi mi ringre ongʼaw e yien,
23 jidhkiisa meydka ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay xagga Ilaah.
to kik uwe ringre dongʼ koliero ma piny ru. Une ni uike mana chiengʼno nikech ngʼato angʼata ma olier e yath en ngʼama Nyasaye okwongʼo. Kik udwany piny ma Jehova Nyasaye ma Nyasachu miyou kaka girkeni.

< Sharciga Kunoqoshadiisa 21 >