Preface
Read
+
Publisher
Nainoia, Inc.
PO Box 462, Bellefonte, PA 16823
(814) 470-8028
Nainoia Inc, Publisher
LinkedIn/NAINOIA-INC
Third Party Publisher Resources
Request Custom Formatted Verses
Please contact us below
Submit your proposed corrections
I understand that the Aionian Bible republishes public domain and Creative Commons Bible texts and that volunteers may be needed to present the original text accurately. I also understand that apocryphal text is removed and most variant verse numbering is mapped to the English standard. I have entered my corrections under the verse(s) below. Proposed corrections to the Somali Bible, Deuteronomy Chapter 21 https://www.AionianBible.org/Bibles/Somali---Somali-Bible/Deuteronomy/21 1) Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan haddii laga dhex helo mid la dilay oo berrinka dhex yaal, oo la aqoon waayo kii isaga dilay, 2) markaas waa inay wadaaddadiinna iyo xaakinnadiinnu soo baxaan, oo waa inay qiyaasaan ilaa magaalooyinka kan la dilay hareerahiisa ku wareegsan, 3) oo magaaladii ugu dhow ninka la dilay waa in odayaasha magaaladaasu ay lo'da ka soo wataan qaalin aan lagu shaqaysan oo aan harqood wax ku jiidin, 4) oo odayaasha magaaladaasu waa inay qaalinta u wadaan dooxo biyaheedu ordayaan oo aan la jeexin, waxna lagu beerin, oo halkaas dooxada dhexdeeda ah qaalinta qoorta ha kaga jebiyeen. 5) Oo markaas wadaaddada ah ilma Laawi waa inay soo dhowaadaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaguu u doortay inay isaga u adeegaan iyo inay ku duceeyaan magaca Rabbiga, oo muran kasta iyo dhaawac kastaba siday iyagu yidhaahdaan ha laga yeelo. 6) Oo magaalada ninka la dilay magaalo ahaan ugu dhow odayaasheeda oo dhammu waa inay ku kor faraxashaan qaalintii qoorta lagaga jebiyey dooxada dhexdeeda, 7) oo iyagu markaas ha jawaabeen oo ha yidhaahdeen, Dhiiggan gacmahayagu ma daadin, indhahayaguna ma arag. 8) Haddaba Rabbiyow, cafi dadkaaga reer binu Israa'iil oo aad soo furatay, oo hana u oggolaan in dhiig aan xaq qabinu uu saarnaado dadkaaga reer binu Israa'iil. Oo markaas iyaga waa loo kafaaro gudi doonaa dhiiggaas. 9) Oo sidaas waa inaad dhexdiinna uga saartaan dhiigga aan xaqa qabin markaad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga hortiisa. 10) Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan, 11) oo haddii midkiin maxaabiista dhexdooda ku arko qof dumar ah oo qurux badan, oo uu iyada jeclaado oo uu doonayo inuu naagaysto, 12) markaas waa inuu gurigiisii geeystaa, oo iyadu waa inay timaha iska xiirtaa oo ciddiyahana iska jartaa, 13) oo dharkii maxaabiista waa inay iska furtaa, oo gurigiisa ha joogto, oo bil dhan ha u baroorato aabbaheed iyo hooyadeed, oo taas dabadeed waa inuu u tagaa oo ninkeedii ahaadaa, oo iyana naagtiisii ha ahaato. 14) Oo markaas hadduusan iyada u bogin, waa inuu iska sii daayaa, meeshay doonayso ha tagtee, laakiinse iyada waa inuusan marnaba lacag ku iibin, oo waa inuusan iyada sidii addoon ula macaamiloon, maxaa yeelay, ceeb buu ku hoosaysiiyey. 15) Haddii nin laba naagood qabo, oo uu mid jecel yahay, tan kalena neceb yahay, oo tan uu jecel yahay iyo tan uu neceb yahay labaduba ay isaga carruur u dhaleen, oo haddii wiilkiisa curadka ah tan uu neceb yahay ay dhashay, 16) maalinta uu isagu wiilashiisa dhaxalsiiyo xoolihiisa waa inuusan naagtii uu jeclaa wiilkeeda ka dhigin curadka ka horreeyey tii uu nebcaa wiilkeedii ee curadka ahaa, 17) laakiinse naagtii uu nebcaa wiilkeedu inuu curadkiisii yahay waa inuu ku caddeeyaa qaybta labanlaabka ah ee uu ka siiyo waxa uu haysto oo dhan, maxaa yeelay, isagu waa bilowgii xooggiisa, oo xaqa curadnimada isagaa leh. 18) Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba, 19) markaas aabbihiis iyo hooyadiis waa inay isaga soo qabtaan, oo intay odayaasha magaaladiisa u soo bixiyaan ay iridda magaalada keenaan, 20) oo iyagu odayaasha magaaladiisa ha ku yidhaahdeen, Wiilkayaganu waa madax adag yahay, oo waa caasi, oo isagu dooni maayo inuu hadalkayaga addeeco. Isagu waa rabshaalow oo waa khamriyacab. 21) Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan. 22) Oo haddii nin galo dembi dhimasho istaahila, oo isaga la dilo oo aad geed ka soo deldeshaan, 23) jidhkiisa meydka ahu waa inaan habeenka oo dhan geedka lagu dayn, laakiinse hubaal waa inaad isla maalintaas aastaan si aydaan ku nijaasayn dalka uu Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siiyey, maxaa yeelay, mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu ka inkaaran yahay xagga Ilaah. Additional comments?
Refresh Captcha
The world's first Holy Bible un-translation!