< ヨブ 記 38 >

1 この時、主はつむじ風の中からヨブに答えられた、
Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
2 「無知の言葉をもって、神の計りごとを暗くするこの者はだれか。
Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn?
3 あなたは腰に帯して、男らしくせよ。わたしはあなたに尋ねる、わたしに答えよ。
Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
4 わたしが地の基をすえた時、どこにいたか。もしあなたが知っているなら言え。
Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg.
5 あなたがもし知っているなら、だれがその度量を定めたか。だれが測りなわを地の上に張ったか。
Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey?
6 その土台は何の上に置かれたか。その隅の石はだれがすえたか。
Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah
7 かの時には明けの星は相共に歌い、神の子たちはみな喜び呼ばわった。
Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen?
8 海の水が流れいで、胎内からわき出たとき、だれが戸をもって、これを閉じこめたか。
Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay,
9 あの時、わたしは雲をもって衣とし、黒雲をもってむつきとし、
Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay,
10 これがために境を定め、関および戸を設けて、
Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,
11 言った、『ここまで来てもよい、越えてはならぬ、おまえの高波はここにとどまるのだ』と。
Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
12 あなたは生れた日からこのかた朝に命じ、夜明けにその所を知らせ、
Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay,
13 これに地の縁をとらえさせ、悪人をその上から振り落させたことがあるか。
Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo?
14 地は印せられた土のように変り、衣のようにいろどられる。
Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale,
15 悪人はその光を奪われ、その高くあげた腕は折られる。
Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.
16 あなたは海の源に行ったことがあるか。淵の底を歩いたことがあるか。
Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?
17 死の門はあなたのために開かれたか。あなたは暗黒の門を見たことがあるか。
Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada?
18 あなたは地の広さを見きわめたか。もしこれをことごとく知っているならば言え。
Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg.
19 光のある所に至る道はいずれか。暗やみのある所はどこか。
Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee,
20 あなたはこれをその境に導くことができるか。その家路を知っているか。
Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro?
21 あなたは知っているだろう、あなたはかの時すでに生れており、またあなたの日数も多いのだから。
Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
22 あなたは雪の倉にはいったことがあるか。ひょうの倉を見たことがあるか。
Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo,
23 これらは悩みの時のため、いくさと戦いの日のため、わたしがたくわえて置いたものだ。
Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka?
24 光の広がる道はどこか。東風の地に吹き渡る道はどこか。
Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa?
25 だれが大雨のために水路を切り開き、いかずちの光のために道を開き、
Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka,
26 人なき地にも、人なき荒野にも雨を降らせ、
Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
27 荒れすたれた地をあき足らせ、これに若草をはえさせるか。
Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo?
28 雨に父があるか。露の玉はだれが生んだか。
Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa?
29 氷はだれの胎から出たか。空の霜はだれが生んだか。
Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada?
30 水は固まって石のようになり、淵のおもては凍る。
Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay.
31 あなたはプレアデスの鎖を結ぶことができるか。オリオンの綱を解くことができるか。
Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo?
32 あなたは十二宮をその時にしたがって引き出すことができるか。北斗とその子星を導くことができるか。
Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa?
33 あなたは天の法則を知っているか、そのおきてを地に施すことができるか。
Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa?
34 あなたは声を雲にあげ、多くの水にあなたをおおわせることができるか。
Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed?
35 あなたはいなずまをつかわして行かせ、『われわれはここにいる』と、あなたに言わせることができるか。
Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan?
36 雲に知恵を置き、霧に悟りを与えたのはだれか。
Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey?
37 だれが知恵をもって雲を数えることができるか。だれが天の皮袋を傾けて、
Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara,
38 ちりを一つに流れ合させ、土くれを固まらせることができるか。
Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto?
39 あなたはししのために食物を狩り、子じしの食欲を満たすことができるか。
Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa,
40 彼らがほら穴に伏し、林のなかに待ち伏せする時、あなたはこの事をなすことができるか。
Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan?
41 からすの子が神に向かって呼ばわり、食物がなくて、さまようとき、からすにえさを与える者はだれか。
Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola'aan daraaddeed u warwareegaan?

< ヨブ 記 38 >