< ホセア書 4 >
1 イスラエルの人々よ、主の言葉を聞け。主はこの地に住む者と争われる。この地には真実がなく、愛情がなく、また神を知ることもないからである。
Dadka Israa'iilow, Rabbiga eraygiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadka dalka deggan, maxaa yeelay, dalka dhexdiisa laguma arko run, ama naxariis, ama aqoonta Ilaah toona.
2 ただのろいと、偽りと、人殺しと、盗みと、姦淫することのみで、人々は皆荒れ狂い、殺害に殺害が続いている。
Innaba wax kale laguma arko dhaarasho been ah, iyo axdijebin, iyo dilid, iyo xadid, iyo sino mooyaane. Way soo fara baxsadaan, oo dhiiggelid baa dhiiggelid ku xigsata.
3 それゆえ、この地は嘆き、これに住む者はみな、野の獣も空の鳥も共に衰え、海の魚さえも絶えはてる。
Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan.
4 しかし、だれも争ってはならない、責めてはならない。祭司よ。わたしの争うのは、あなたと争うのだ。
Laakiinse ninna yuusan murmin, oo ninna yuusan mid kale canaanan, waayo, dadkaagu waa sida kuwa wadaadka la murma.
5 あなたは昼つまずき、預言者もまたあなたと共に夜つまずく。わたしはあなたの母を滅ぼす。
Oo adna maalinnimo waad turunturoon doontaa, oo habeennimona nebigu waa kula turunturoon doonaa, oo anna hooyadaa waan baabbi'in doonaa.
6 わたしの民は知識がないために滅ぼされる。あなたは知識を捨てたゆえに、わたしもあなたを捨てて、わたしの祭司としない。あなたはあなたの神の律法を忘れたゆえに、わたしもまたあなたの子らを忘れる。
Dadkaygu waxay u baabba'aan aqoondarro daraaddeed. Aqoonta aad diidday aawadeed ayaan adiga kuu diidi doonaa, oo innaba wadaad ii ahaan maysid, maxaa yeelay, waxaad illowday sharcigii Ilaahaaga, oo aniguna waxaan illoobi doonaa carruurtaada.
7 彼らは大きくなるにしたがって、ますますわたしに罪を犯したゆえ、わたしは彼らの栄えを恥に変える。
Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.
8 彼らはわが民の罪を食いものにし、その罪を犯すことをせつに願っている。
Iyagu waxay quutaan dembigii dadkayga, wayna jeclaystaan xumaantoodii.
9 それゆえ祭司も民と同じようになる。わたしはそのわざのために彼らを罰し、そのおこないのために彼らに報いる。
Oo waxay ahaan doontaa in wadaadku noqdo sida dadka oo kale, oo jidadkooda waan ciqaabi doonaa, oo falimahoodana waan ka abaalmarin doonaa.
10 彼らは食べても飽くことなく、淫行をなしてもその数を増すことがない。彼らは主を捨てて、淫行を愛したからである。
Wax bay cuni doonaan, kamana dhergi doonaan, way sinaysan doonaan, mana tarmi doonaan, maxaa yeelay, waxay ka tageen inay Rabbiga dhegaystaan.
Sinada iyo khamriga iyo khamriga cusububa qalbigay la tagaan.
12 わが民は木に向かって事を尋ねる。またそのつえは彼らに事を示す。これは淫行の霊が彼らを迷わしたからである。彼らはその神を捨てて淫行をなした。
Dadkaygu waxay talo weyddiistaan waxooda qoriga ah, oo ushooduna wax bay u sheegtaa, waayo, damaca sinada ayaa iyaga qalday, oo Ilaahoodii way ka tageen sida naag ninkeeda ka dhillowda.
13 彼らは山々の頂で犠牲をささげ、丘の上、かしの木、柳の木、テレビンの木の下で供え物をささげる。これはその木陰がここちよいためである。それゆえ、あなたがたの娘は淫行をなし、あなたがたの嫁は姦淫を行う。
Waxay allabari ku bixiyaan buuraha dhaladooda, oo foox bay ku shidaan kuraha korkooda iyo geedaha alloon iyo libneh iyo eelaah la yidhaahdo hoostooda, maxaa yeelay, waxay leeyihiin hoos wanaagsan, haddaba gabdhihiinnu way dhilloobaan oo aroosadihiinnuna way sinaystaan.
14 わたしはあなたがたの娘が淫行をしても罰しない。またあなたがたの嫁が姦淫を行っても罰しない。男たちみずから遊女と共に離れ去り、宮の遊女と共に犠牲をささげているからである。悟りのない民は滅びる。
Anigu ma aan ciqaabi doono gabdhihiinna markay dhilloobaan amase aroosadihiinna markay sinaystaan, waayo, ragga qudhooduba waxay raacaan dhillooyin, oo waxay allabari la bixiyaan sharmuutooyin, oo dadkii aan wax garanaynna waa la wada afgembiyi doonaa.
15 イスラエルよ、あなたは淫行をなしても、ユダに罪を犯させてはならない。ギルガルへ行ってはならない。ベテアベンにのぼってはならない。また「主は生きておられる」と言って誓ってはならない。
Dadka Israa'iilow, in kastoo aad dhillowdaan, yaan dadka Yahuudah isla dembigaas ku eedaysnaan, oo Gilgaal ha imanina, oo Beytaawen ha tegin, hana ku dhaaranina Rabbiga noloshiisa.
16 イスラエルは強情な雌牛のように強情である。今、主は小羊を広い野に放つようにして、彼らを養うことができようか。
Dadka Israa'iil waxay u madax adkaadeen sidii qaalin lo'aad oo madax adag. Haddaba Rabbigu miyuu iyaga u daajinayaa sidii neef baraar ah oo berrin bannaan jooga?
17 エフライムは偶像に結びつらなった。そのなすにまかせよ。
Reer Efrayim wuxuu raacay sanamyo, haddaba iska daa.
18 彼らは酒宴のとりことなり、淫行にふけっている。彼らはその光栄よりも恥を愛する。
Cabniinkoodii waa dhanaanaaday. Had iyo goorba way sinaystaan. Taliyayaashooduna aad bay ceebta u jecel, yihiin.
19 風はその翼に彼らを包んだ。彼らはその祭壇のゆえに恥を受ける。
Dabayshu waxay iyaga ku soo duudduubtay baallaheedii, oo iyana allabaryadooda ayay u ceeboobi doonaan.