< Các Thủ Lãnh 4 >

1 Sau khi Ê-hút qua đời, người Ít-ra-ên lại phạm tội với Chúa Hằng Hữu.
Oo reer binu Israa'iil waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markii uu Eehuud dhintay dabadeed.
2 Chúa Hằng Hữu để cho vua Ca-na-an là Gia-bin ở Hát-so chinh phục Ít-ra-ên. Tư lệnh quân đội Ca-na-an là Si-sê-ra ở Ha-rô-sết Ha-gô-im.
Oo Rabbigu wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin oo xukumi jiray Xaasoor; oo sirkaalkii ciidankiisu wuxuu ahaa Siiseraa kaas oo degganaa Xaroshed tii Quruumaha.
3 Gia-bin có đến 900 chiến xa bằng sắt. Họ áp bức người Ít-ra-ên suốt hai mươi năm, nên Ít-ra-ên kêu xin Chúa Hằng Hữu cứu giúp.
Oo reer binu Israa'iilna waxay u qayshadeen Rabbiga, waayo, ninkaasu wuxuu lahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, oo kaasu labaatan sannadood buu reer binu Israa'iil aad u cadaadinayay.
4 Lúc bấy giờ, Tiên tri Đê-bô-ra, vợ của Láp-bi-đốt, làm phán quan cho Ít-ra-ên.
Oo waagaas waxaa reer binu Israa'iil xaakimad u ahayd Debooraah, naagtii Lafiidood, taasoo nebiyad ahayd.
5 Bà thường ngồi xét xử dân dưới cây chà là Đê-bô-ra, ở giữa Ra-ma và Bê-tên, trên núi Ép-ra-im.
Oo waxay hoos fadhiyi jirtay geedkii timirta ahaa oo Debooraah, oo u dhexeeyey Raamaah iyo Beytel, oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim; oo reer binu Israa'iilna iyaday ugu iman jireen inay u gar naqdo.
6 Một hôm, bà sai người mời Ba-rác, con A-bi-nô-am ở Kê-đe thuộc Nép-ta-li đến. Bà nói: “Chúa Hằng Hữu, Đức Chúa Trời của Ít-ra-ên có ra lệnh cho ông: Hãy chiêu tập 10.000 người Nép-ta-li và Sa-bu-luân tại Núi Tha-bô.
Oo iyana cid bay u dirtay, oo Baaraaq ina Abiinocam ayay uga yeedhay Qedesh Naftaali, oo waxay ku tidhi, Miyaan Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu kugu amrin, oo kugu odhan, Tag oo u dhowow Buur Taaboor, oo waxaad kaxaysataa toban kun oo nin oo ah reer Naftaali iyo reer Sebulun?
7 Ta sẽ dụ Si-sê-ra, tướng chỉ huy quân đội của Gia-bin, đem toàn quân và chiến xa bằng sắt ra đánh ngươi tại Sông Ki-sôn. Ta sẽ cho ngươi chiến thắng hắn.”
Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.
8 Ba-rác nói với bà: “Tôi sẽ đi, nhưng chỉ khi nào bà đi với tôi.”
Markaasaa Baaraaq wuxuu ku yidhi, Haddaad i raacdid, waan tegi doonaa, laakiinse haddaanad i raacin, tegi maayo.
9 Bà đáp: “Được rồi, tôi sẽ đi với ông. Nhưng công đầu sẽ không về tay ông, vì Chúa Hằng Hữu sẽ nạp Si-sê-ra vào tay một người nữ.” Rồi Đê-bô-ra cùng đi với Ba-rác đến Kê-đe.
Kolkaasay ku tidhi, Hubaal waan ku raacayaa; habase yeeshee socdaalka aad tegaysaa ahaan maayo mid adiga sharaf kuu leh, waayo, Rabbigu wuxuu Siiseraa ka iibin doonaa naag gacanteed. Kolkaasay Debooraah kacday oo Baaraaq u raacday xagga Qedesh.
10 Ba-rác triệu tập hai đại tộc Sa-bu-luân và Nép-ta-li tại Kê-đe, có 10.000 lính theo ông. Đê-bô-ra cũng đi với họ.
Markaasaa Baaraaq wuxuu Qedesh isugu yeedhay reer Sebulun iyo reer Naftaali; oo waxaa isaga raacay toban kun oo nin; oo Debooraahna isagay raacday.
11 Lúc ấy, Hê-be, người Kê-nít, con cháu của Hô-báp, anh vợ của Môi-se, sống biệt lập với bà con mình, đi cắm lều ở tận một nơi xa gọi là cây sồi Sa-na-im, gần Kê-đe.
Haddaba Xeber oo ahaa reer Qeyn ayaa hore isaga soocay reer Qeyn, kuwaas oo ahaa reer Xoobaab, Muuse seeddigiis, oo wuxuu meel iyaga ka fog teendhadiisii ka dhistay xagga geedkii ku yiil Sacananniim oo u dhow Qedesh.
12 Người ta báo cho Si-sê-ra hay rằng Ba-rác, con trai A-bi-nô-am, dấy binh ở Núi Tha-bô,
Oo waxay Siiseraa u sheegeen, inuu Baaraaq ina Abiinocam koray Buur Taaboor.
13 Si-sê-ra liền huy động quân đội, từ Ha-rô-sết Ha-gô-im đem hết 900 chiến xa bằng sắt đến Sông Ki-sôn.
Markaasaa Siiseraa wuxuu gaadhifardoodkiisii oo dhan, kuwaasoo ahaa sagaal boqol oo gaadhifardood oo bir ah, iyo kulli dadkii isaga la joogay oo dhan, ka soo wada urursaday Xaroshed tii Quruumaha, oo wuxuu ku soo urursaday Webi Qiishoon.
14 Sau đó, Đê-bô-ra nói với Ba-rác: “Hãy đứng lên, hôm nay là ngày Chúa Hằng Hữu cho ông chiến thắng Si-sê-ra. Đứng lên! Có Chúa Hằng Hữu đi trước ông đó.” Ba-rác liền kéo 10.000 quân xuống Núi Tha-bô.
Oo Debooraahna waxay Baaraaq ku tidhi, Kac, waayo, maanta waa maalintii Rabbigu Siiseraa gacantaada soo geliyey. Rabbigu miyaanu ku hor socon? Sidaas daraaddeed Baaraaq wuxuu ka dhaadhacay Buur Taaboor, isagoo ay toban kun oo nin daba socdaan.
15 Chúa Hằng Hữu dùng gươm của dân Ngài chiến thắng Si-sê-ra và đánh tan quân đội Ca-na-an, kể cả quân đi chiến xa bằng sắt. Si-sê-ra nhảy ra khỏi chiến xa, chạy thoát.
Oo Rabbigu wuxuu seef ku dhibay Siiseraa, iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo ciidankiisii oo dhan Baaraaq hortiisa; oo Siiseraa intuu ka degay gaadhifaraskiisii ayuu cagihiisii ku cararay.
16 Ba-rác đuổi theo chiến xa và quân địch đến tận Ha-rô-sết Ha-gô-im, tiêu diệt toàn bộ quân Si-sê-ra. Không chừa một ai.
Laakiinse Baaraaq wuxuu eryooday gaadhifardoodkii iyo ciidankii ilaa Xaroshed tii Quruumaha; oo Siiseraa ciidankiisii oo dhan waxaa lagu laayay seef, oo xataa nin keliyuhu kama hadhin.
17 Tướng Si-sê-ra chạy bộ đến lều của Gia-ên, vợ Hê-be, người Kê-nít, vì Vua Gia-bin, ở Hát-so, vẫn hòa hiếu với gia đình Hê-be.
Laakiinse Siiseraa cagihiisuu ugu cararay teendhadii Yaaceel taasoo ahayd naagtii Xeber kii reer Qeyn, waayo, nabad baa ka dhexaysay boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin iyo reerkii Xeber kii reer Qeyn.
18 Gia-ên ra đón Si-sê-ra, nói: “Mời ngài vào đây, đừng lo gì hết.” Hắn vào lều của bà, và bà lấy một cái chăn đắp lên người hắn.
Oo Yaaceelna intay dibadda u soo baxday inay ka hor tagto Siiseraa, waxay isagii ku tidhi, Soo leexo, sayidkaygiiyow, ii soo leexo, oo ha cabsan. Oo isna intuu ku leexday ayuu galay teendhada, oo markaasay buste ku dedday.
19 Hắn nói: “Tôi khát quá, xin cho tôi nước uống.” Gia-ên mở bầu sữa cho hắn uống, rồi đắp chăn lại như trước.
Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii in yar oo biyo ah oo aan cabbo, waayo, waan harraadsanahay. Kolkaasay u soo furtay sibraar caano ah, oo intay dhansiisay ayay haddana dedday isagii.
20 Hắn lại nói: “Xin hãy đứng ở cửa lều, nếu có người đến hỏi rằng, có ai ở trong lều không, xin nói là không.”
Markaasuu wuxuu iyadii ku yidhi, Teendhada iriddeeda istaag, oo haddii dad kuu yimaado oo ay i kaa weyddiiyaan, oo ku yidhaahdaan, Halkan nin ma jooga? waxaad ku tidhaahdaa, Maya.
21 Rồi Si-sê-ra ngủ thiếp đi vì mệt. Gia-ên lấy một cây cọc dùng để cắm lều với một cái búa, khẽ đến bên Si-sê-ra, đóng cây cọc xuyên màng tang hắn lút xuống đất, vậy, hắn chết.
Markaasaa naagtii Xeber oo ahayd Yaaceel ayaa qaadatay qori dhidib ah, oo gacantana waxay ku qabsatay dubbe, oo intay tartiib ugu dhowaatay ayay dhidibkii kaga dhufatay dhafoorka, oo intuu dhidibkii ka dusay ayuu dhulka muday, maxaa yeelay, isagu hurdo weyn buu ku jiray oo aad buu u daalay, oo sidaasuu u dhintay.
22 Khi Ba-rác đuổi đến, Gia-ên ra đón và nói: “Ông vào đây, tôi chỉ cho ông người ông tìm.” Ông vào lều, thấy Si-sê-ra nằm chết, cây cọc cắm ở màng tang.
Oo bal eeg, Baaraaq intuu raacdaynayay Siiseraa, ayay Yaaceel u soo baxday inay isagii ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Bal kaalay oo waan ku tusi ninkaad doonaysid. Markaasuu u yimid, oo wuxuu arkay Siiseraa oo jiifa oo meyd ah, oo dhafoorkiisa dhidib ka taagan yahay.
23 Vậy hôm ấy, Chúa Hằng Hữu cho Ít-ra-ên khắc phục Gia-bin, vua Ca-na-an.
Sidaasaa Ilaah maalintaas boqorkii reer Kancaan oo ahaa Yaabiin ugu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
24 Thế lực Ít-ra-ên ngày càng mạnh, và cuối cùng họ tiêu diệt Vua Gia-bin.
Oo gacantii reer binu Israa'iil aad iyo aad bay uga sii adkaanaysay boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa, ilaa ay baabbi'iyeen boqorkii reer Kancaan oo Yaabiin ahaa.

< Các Thủ Lãnh 4 >