< Giê-rê-mi-a 41 >

1 Đến tháng bảy, Ích-ma-ên, con Nê-tha-nia, cháu Ê-li-sa-ma, thuộc hoàng tộc và là một trong các tướng chỉ huy của vua, cùng mười người đến Mích-pa gặp Ghê-đa-lia. Trong khi họ ăn bánh với nhau tại đó,
Haddaba bishii toddobaad waxaa yimid Ismaaciil ina Netanyaah oo ahaa ina Eliishaamaac, oo ka mid ahaa farcankii boqornimada iyo weliba saraakiishii boqorka, isagoo toban nin wata, oo waxay Gedalyaah ina Ahiiqaam ugu yimaadeen Misfaah, oo halkaasay kibis ku wada cuneen.
2 Ích-ma-ên và mười người ấy đột nhiên đứng dậy, rút gươm đâm chết Ghê-đa-lia, là người được vua Ba-by-lôn đặt làm tổng trấn trong xứ.
Markaasaa waxaa sara joogsaday Ismaaciil ina Netanyaah iyo tobankii nin ee isaga la socday, oo Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan ayay seef la dheceen oo isagay dileen kaasoo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.
3 Ích-ma-ên cũng giết mọi người Do Thái ở tại Mích-pa với Ghê-đa-lia, cùng với quân lính Ba-by-lôn đang đóng tại đó.
Oo weliba Ismaaciil wuxuu kaloo wada laayay Yuhuuddii Gedalyaah Misfaah la joogtay, iyo reer Kaldayiinkii halkaas laga helay, kuwaasoo ahaa raggii dagaalka oo dhan.
4 Ngày thứ hai, trước khi mọi người hay tin về việc Ghê-đa-lia bị ám sát,
Oo maalintii uu Gedalyaah dilay maalintii ku laba ahayd iyadoo aan ciduna weli ogayn
5 thì có tám mươi người từ Si-chem, Si-lô, và Sa-ma-ri kéo nhau lên Đền Thờ để thờ phượng Chúa Hằng Hữu. Họ cạo đầu, xé áo, rạch da thịt rồi mang theo các lễ vật và trầm hương.
ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan.
6 Ích-ma-ên thấy họ đi ngang Mích-pa, liền ra nghênh đón, vừa đi vừa khóc. Ích-ma-ên đến cùng họ mà nói rằng: “Ôi, hãy đến và xem chuyện xảy ra cho Ghê-đa-lia!”
Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya.
7 Khi họ vào trong thành, Ích-ma-ên và các thủ hạ lập tức tàn sát bảy mươi người trong nhóm ấy, rồi ném xác xuống một hồ chứa nước.
Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen.
8 Còn mười người sống sót xin Ích-ma-ên tha với lời hứa là họ sẽ mang đến ông các kho lúa mì, lúa mạch, dầu ô-liu, và mật ong mà họ đã cất giấu.
Laakiinse waxaa dhexdoodii laga helay toban nin oo Ismaaciil ku tidhi, Ha na dilin, waayo, annagu waxaannu leennahay kayd sarreen iyo shaciir iyo saliid iyo malab ah oo duurka ku dhex qarsoon, sidaas daraaddeed iyagii wuu iska dhaafay oo walaalahood lama uu layn.
9 Hồ chứa nước, nơi Ích-ma-ên quăng thi hài của những người bị giết vào đó, là một hồ lớn do Vua A-sa xây để tăng cường hệ thống phòng thủ Mích-pa trong cuộc chiến với Vua Ba-ê-sa, nước Ít-ra-ên. Ích-ma-ên, con Nê-tha-nia, lấp hồ bằng thây người.
Haddaba godkii uu Ismaaciil ku riday raggii uu Gedalyaah la laayay meydadkoodii oo dhan wuxuu ahaa kii uu Boqor Aasaa u samaystay cabsi uu ka qabay boqorkii dalka Israa'iil oo Bacshaa ahaa aawadeed, oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu godkaas ka buuxiyey kuwii uu laayay meydkoodii.
10 Ích-ma-ên bắt làm tù binh các công chúa và dân chúng còn sót lại mà Nê-bu-xa-ra-đan để lại Mích-pa dưới quyền cai trị của Ghê-đa-lia, rồi dẫn hết qua xứ Am-môn.
Markaasaa Ismaaciil wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadka hadhay oo dhan, xataa gabdhihii boqorka iyo dadkii Misfaah ku hadhay oo dhan, kuwaasoo Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii waardiyayaashu uu u dhiibay Gedalyaah ina Ahiiqaam. Ismaaciil ina Netanyaah maxaabiis ahaan ayuu u kaxaystay, oo wuxuu u ambabbaxay inuu reer Cammoon u gudbo.
11 Giô-ha-nan, con Ca-rê-át, và các thủ lĩnh quân lưu tán nghe chuyện ác mà Ích-ma-ên đã làm,
Laakiinse Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la joogtay oo dhammu markay maqleen xumaantii uu Ismaaciil ina Netanyaah sameeyey oo dhan
12 họ liền tập họp toàn thể lực lượng đi đánh Ích-ma-ên. Họ đuổi theo ông tại hồ lớn gần hồ Ga-ba-ôn.
ayay kaxaysteen raggii oo dhan, oo waxay u keceen inay Ismaaciil ina Netanyaah la diriraan, oo isagay ka ag heleen biyihii badnaa ee Gibecoon ku yaal.
13 Đoàn dân bị Ích-ma-ên bắt đều reo mừng khi thấy Giô-ha-nan và các quân lưu tán.
Oo dadkii Ismaaciil ina Netanyaah watay oo dhammu markay arkeen Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada oo isaga la jiray oo dhan ayay wada farxeen.
14 Tất cả những người bị bắt dẫn đi từ Mích-pa đều trốn chạy và họ bắt đầu giúp Giô-ha-nan.
Sidaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax.
15 Còn Ích-ma-ên cùng tám thủ hạ thoát khỏi tay Giô-ha-nan, trốn qua xứ Am-môn.
Laakiinse Ismaaciil ina Netanyaah Yooxaanaan wuu ka baxsaday, oo intuu siddeed nin la cararay ayuu reer Cammoon u tegey.
16 Giô-ha-nan, con Ca-rê-át, và các thủ lĩnh quân lưu tán tập họp những người sống sót được cứu khỏi Ích-ma-ên, là những người mà hắn đã bắt đi tại Mích-pa sau vụ ám sát Ghê-đa-lia, con A-hi-cam, cùng tất cả binh sĩ, nội giám, phụ nữ, và trẻ con rời khỏi Ga-ba-ôn.
Markaasaa Yooxaanaan ina Qaaree'ax iyo saraakiishii ciidammada ee isaga la jirtay oo dhammu waxay soo kexeeyeen dadkii hadhay ee uu dhammaan ka soo caymiyey Ismaaciil ina Netanyaah markuu Misfaah ku dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam dabadeed, oo kuwaasu waxay ahaayeen raggii dagaalka, iyo naagihii, iyo carruurtii, iyo bohommadii ee uu ka soo celiyey Gibecoon.
17 Họ khởi hành, sau đó tạm dừng tại Ghê-rút Kim-ham, gần Bết-lê-hem, trên đường xuống Ai Cập.
Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,
18 Vì họ sợ quân Ba-by-lôn trả thù khi nghe tin Ích-ma-ên ám sát Ghê-đa-lia mà vua Ba-by-lôn đã lập làm tổng trấn trong xứ.
maxaa yeelay, iyagay ka cabsanayeen, waayo, Ismaaciil ina Netanyaah ayaa dilay Gedalyaah ina Ahiiqaam oo boqorkii Baabuloon uu dalka taliye uga dhigay.

< Giê-rê-mi-a 41 >