< Від Луки 20 >

1 І сталось одно́го з тих днів, як навчав Він у храмі людей, та Добру Нови́ну звіщав, прийшли первосвященики й книжники з старшими,
Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada
2 та й до Нього промовили, кажучи: „Скажи нам, якою вла́дою Ти чиниш оце? Або хто Тобі вла́ду цю дав?“
oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?
3 І промовив до них Він у відповідь: „Запитаю й Я вас одну річ, — і відповідайте Мені:
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.
4 Іванове хрищення з неба було́, чи від людей?“
Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?
5 Вони ж міркували собі й говорили: „Коли скажемо: „З неба“, відкаже: „Чого ж ви йому не повірили?“
Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?
6 А як скажемо: „Від людей“, то всі люди камінням поб'ють нас, бо були переко́нані, що Іван — то пророк“.
Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.
7 І вони відповіли, що не знають, ізвідки.
Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.
8 А Ісус відказав їм: „То й Я не скажу́ вам, якою вла́дою Я це чиню́“.
Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
9 І Він розповідати почав людям при́тчу оцю. „Один чоловік насадив виноградника, і віддав його винаря́м, та й відбув на час довший.
Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.
10 А певного ча́су послав він раба до своїх винарі́в, щоб дали йому частку з плоді́в виноградника. Та побили його винарі, і відіслали ні з чим.
Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.
11 І знову послав він до них раба і́ншого, а вони й того збили й знева́жили, — та й відіслали ні з чим.
Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.
12 І послав він ще третього, а вони й того зранили й вигнали.
Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.
13 Сказав тоді пан виноградника: „Що́ маю робити? Пошлю свого сина улю́бленого, — може його посоро́мляться“.
Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan.
14 Винарі́ ж, як його вгледіли, міркували собі та казали: „Це спадкоє́мець; ходім, замордуймо його, щоб спа́дщина наша була́“.
Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.
15 І вони його вивели за виноградника, та й убили... Що́ ж зробить їм пан виноградника?
Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?
16 Він при́йде та й вигубить цих винарів, виноградника ж іншим віддасть“. Слухачі ж повіли́: „Нехай цього не станеться!“
Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.
17 А Він глянув на них та й сказав: „Що ж оце, що написане: „Камінь, що його будівничі відкинули, той нарі́жним став каменем!
Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?
18 Кожен, хто впаде́ на цей камінь — розі́б'ється, а на кого він сам упаде́, — то розчавить його́“.
Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.
19 А книжники й первосвященики руки на Нього хотіли накласти тієї години, але побоялись наро́ду. Бо вони розуміли, що про них Він цю притчу сказав.
Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.
20 І вони слідкували за Ним, і підіслали підгля́дачів, які праведних із себе вдавали, щоб зловити на слові Його, і Його видати урядові й вла́ді намісника.
Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha.
21 І вони запитали Його та сказали: „Учителю, знаємо ми, що Ти добре говориш і навчаєш, і не дивишся на обли́ччя, але наставляєш на Божу дорогу правдиво.
Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.
22 Чи годи́ться давати податок для ке́саря, чи ні?“
Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?
23 Знаючи ж їхню хитрість, сказав Він до них: „Чого ви Мене випробо́вуєте?
Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,
24 Покажіте дина́рія Мені. Чий образ і напис він має?“Вони відказали: „Кесарів“.
Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh.
25 А Він їм відказав: „Тож віддайте ке́сареве — ке́сареві, а Богові — Боже!“
Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
26 І не могли вони перед людьми́ зловити на слові Його. І дивува́лись вони з Його відповіді, та й замовкли.
Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
27 І підійшли дехто із саддукеїв, що твердять, ніби немає воскресі́ння, і запитали Його,
Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.
28 та сказали: „Учителю, Мойсей написав нам: „Як умре кому брат, який має дружи́ну, а помре бездітний, — то нехай його брат візьме дружи́ну, і відно́вить насіння для брата свого“.
Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
29 Було ж сім братів. І перший, узявши дружи́ну, бездітний умер.
Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.
30 І другий узяв був ту дружи́ну, та й той вмер бездітний.
Kii labaadna wuu guursaday,
31 І третій узяв був її, так само й усі се́меро, — і вони дітей не позоставили, та й повмирали.
oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen.
32 А по всіх умерла й жінка.
Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.
33 А в воскресі́нні котро́му із них вона дружи́ною буде? Бо семеро мали за дружину її“.
Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.
34 Ісус же промовив у відповідь їм: „Женяться й заміж виходять сини цього віку. (aiōn g165)
Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa, (aiōn g165)
35 А ті, що будуть достойні того віку й воскресі́ння з мертвих, — не будуть ні женитись, ні заміж вихо́дити, (aiōn g165)
laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo, (aiōn g165)
36 ні вмерти вже не можуть, бо рівні вони ангола́м, і вони сини Божі, синами воскресі́ння бувши.
waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.
37 А що мертві встають, то й Мойсей показав — при кущі, — коли він назвав Господа „Богом Авраамовим, і Богом Ісаковим, і Богом Якововим“.
Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.
38 Бог же не є Богом мертвих, а живих, бо всі в Нього живуть.“
Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.
39 Дехто ж із книжників відповіли та сказали: „Учителю, — Ти добре сказав!“
Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.
40 І вже не насмілювалися питати Його ні про що́.
Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.
41 І сказав Він до них: „Як то кажуть, що Христос син Давидів?
Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
42 Таж Давид сам говорить у книзі Псалмів: „Промовив Господь Господе́ві моєму: сядь право́руч Мене,
Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
43 поки не покладу́ Я Твоїх ворогів підніжком ногам Твоїм!“
Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
44 Отже, Давид Його Господом зве, — як же Він йому син?“
Haddaba Daa'uud ayaa ugu yeedhay Sayid, ee sidee buu wiilkiisa u yahay?
45 І, як увесь наро́д слухав, Він промовив до учнів Своїх:
Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,
46 „Стережіться книжників, що хочуть у довгих одежах ходити, і люблять привіти на ринках, і перші лавки́ в синагогах, і перші місця на бенке́тах,
Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,
47 що вдови́ні хати́ поїдають, і моляться довго напо́каз, — вони тяжче осу́дження при́ймуть!“
kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

< Від Луки 20 >