< Левит 18 >
1 І Господь промовляв до Мойсея, говорячи:
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 „Промовляй до Ізраїлевих синів, і скажеш їм: Я — Госпо́дь, Бог ваш!
Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
3 За чином єгипетського кра́ю, що сиділи ви в нім, не робіть, і за чином Кра́ю ханаанського, що Я впроваджую вас туди, не зробите, і звичаями їхніми не пі́дете.
Falimaha dalka Masar ee aad degganaan jirteen waa inaydaan samayn, oo falimaha dalka Kancaan oo aan idiin geeynayana waa inaydaan samayn, oo qaynuunnadoodana waa inaydaan ku socon.
4 Ви вико́нуватимете уста́ви Мої, і будете додержувати постанови Мої, щоб ними ходити. Я — Господь, Бог ваш!
Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
5 І будете додержувати постанов Моїх та уста́вів Моїх, що люди́на їх вико́нує й ними живе. Я — Госпо́дь!
Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
6 Жоден чоловік не набли́зиться до жодної однокровної своєї, щоб відкрити наготу́. Я — Господь!
Waa inaan midkiinna u dhowaan qof ka mid ah xigaalkiisa u dhow inuu cawradiisa qaawiyo, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
7 Наготи́ батька свого й наготи́ матері своєї не відкриєш, — вона мати твоя, не відкриєш наготи́ її!
Cawrada aabbahaa taasoo ah cawrada hooyadaa waa inaadan qaawin, iyadu waa hooyadaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.
8 Наготи́ жінки батька твого не відкриєш, вона нагота батька твого!
Oo waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa, ee waa cawradii aabbahaa.
9 Наготи́ сестри своєї, дочки батька свого або дочки́ матері своєї, що народи́лися в домі або народилися назо́вні, — не відкриєш їхньої наготи!
Waa inaadan qaawin cawrada walaashaa oo ah aabbahaa gabadhiisa ama hooyadaa gabadheeda, hadday guriga ku dhalatay iyo hadday meel kale ku dhalatayba.
10 Наготу́ дочки сина свого або дочки́ дочки своєї, — не відкриєш наготи́ їхньої, бо вони — нагота твоя!
Waa inaadan qaawin cawrada gabadha wiilkaaga, ama cawrada gabadha gabadhaada, waayo, toodu waa cawradaadii.
11 Наготи́ дочки жінки батька свого, наро́дженої від батька твого, — вона сестра твоя, не відкриєш наготи її!
Waa inaadan qaawin cawrada naagta aabbahaa gabadheeda ay aabbahaa u dhashay, waayo, iyadu waa walaashaa, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.
12 Наготи́ сестри батька свого не відкриєш, — вона однокровна ба́тька твого!
Waa inaadan qaawin cawrada eeddadaa, waayo, iyadu waa aabbahaa qaraabadiis u dhow.
13 Наготи́ сестри матері своєї не відкриєш, бо вона однокровна матері твоєї.
Waa inaadan qaawin cawrada habaryartaa, waayo, iyadu waa hooyadaa qaraabadeed u dhow.
14 Наготи брата ба́тька свого не відкриєш, до жінки його не набли́зишся, — вона тітка твоя!
Waa inaadan adeerkaa cawradiisa qaawin. Waa inaadan naagtiisa u dhowaan, waayo, iyadu waa aayadaa.
15 Наготи́ невістки своєї не відкриєш, — вона жінка сина твого, не відкриєш наготи її!
Waa inaadan qaawin cawrada gabadha aad soddogga u tahay, waayo, iyadu waa naagtii wiilkaaga, ee waa inaadan cawradeeda qaawin.
16 Наготи жінки брата свого не відкриєш, — вона нагота брата твого!
Waa inaadan qaawin cawrada naagta walaalkaa, waayo, taasu waa cawradii walaalkaa.
17 Наготи жінки й дочки́ її не відкриєш; дочки сина її й дочки дочки її не ві́зьмеш, щоб відкрити її наготу, — вони однокровні її, це кровозмі́шання!
Waa inaadan naag iyo gabadheedaba cawradooda wada qaawin, oo waa inaadan kaxaysan gabadha wiilkeeda ama gabadha gabadheeda si aad cawradeeda u qaawisid; waayo, iyagu waa naago qaraabo kuu dhow ah, oo taasu waa shar.
18 І жінки з сестрою її не візьмеш на супе́рництво, щоб відкрити наготу її при ній за життя її.
Waa inaadan naagtaada walaasheed la guursan oo aadan cawradeeda qaawin intay naagtaadu nooshahay.
19 А до жінки в час відді́лення нечистости її не набли́зишся, щоб відкрити наготу її.
Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.
20 А з жінкою свого ближнього не будеш лежати на насіння, щоб нею не стати нечистим.
Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.
21 А з насіння свого не даси на жертву Молохові, — і не знева́жиш Імени Бога свого. Я — Господь!
Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
22 А з чоловіком не будеш лежати як з жінкою, — гидота воно!
Waa inaadan ragga ula seexan sida dumarka loola seexdo oo kale, waayo, taasu waa karaahiyo.
23 І з жодною худобиною не злижешся, щоб не стати нею нечистим. І жінка не стане перед худо́биною на злягання, — це паску́дство!
Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan.
24 Не занечи́щуйтеся тим усім, бо всім тим занечи́щені ті люди, яких Я виганяю перед вами.
Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,
25 І стала нечиста та земля, і Я полічив на ній її гріх, — і та земля ви́ригнула мешканців своїх!
oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan.
26 І ви будете доде́ржувати постанов Моїх та уста́вів Моїх, і не зробите жодної зо всіх тих гидот, як і тубі́лець чи прихо́дько, що мешкає серед вас.
Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba,
27 Бо всі ті гидо́ти робили люди тієї землі, які перед вами, — і стала нечиста та земля.
(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay; )
28 І щоб та земля не ви́ригнула вас через ваше занечищення її, як вона виригнула наро́д, який перед вами.
si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale.
29 Бо кожен, хто зробить одну зо всіх тих гидот, то ду́ші, що роблять, будуть винищені з-посеред їхнього наро́ду.
Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.
30 І ви будете додержувати нака́зів Моїх, щоб не чинити чого з тих гидотних постано́в, що ро́блені перед вами, — і не спога́нитеся ними. Я — Госпо́дь, Бог ваш!“
Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.