< Ісая 31 >

1 Горе тим, що в Єгипет по поміч ідуть, що на ко́ней спираються, і на колесни́ці надію свою́ покладають, — вони бо числе́нні! та на верхівці́в, — бо вони дуже сильні! але на Святого Ізраїлевого не дивляться, і до Господа не зверта́ються!
Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin.
2 Та мудрий і Він, і спрова́дить лихе, і Своїх слів не відмінить, і піді́йметься Він проти дому безбожних, і проти помочі несправедливих.
Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.
3 А Єгипет — не Бог, а люди́на, а коні їхні — тіло, не дух: як простя́гне Господь Свою руку, то спіткне́ться пома́гач, впаде́ і підпома́ганий, — і ра́зом вони всі погинуть!
Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.
4 Бо до мене Господь сказав так: Як му́ркає лев чи левчу́к над своєю здоби́ччю, хоч покликана буде на нього юрба́ пастухів, він голосу їхнього не лякається, та не боїться їхнього крику, — так зі́йде Господь Саваот воюва́ти на Сіонській горі та на взгі́р'ї її!
Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.
5 Як пта́хи летю́чі пташа́т, так Єрусалима Господь Саваот охоро́нить, охоро́нить літа́ючи, та збереже́, пощади́ть та врятує!
Sida shimbirro duulaya ayaa Rabbiga ciidammadu Yeruusaalem u daafici doonaa, wuu daafici oo wuu samatabbixin doonaa, wuuna u tudhi doonaa oo badbaadin doonaa.
6 Верніться до Того, від Кого далеко відпа́ли, сино́ве Ізраїлеві!
Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.
7 Бо дня того обри́дить собі чоловік божків срібних своїх та бовва́нів своїх золотих, що вам наробили на гріх руки ваші.
Waayo, maalintaas nin kastaaba wuxuu iska xoori doonaa sanamyadiisii lacagta ahaa iyo sanamyadiisii dahabka ahaa oo ay gacmihiinnu dembi idiinku sameeyeen.
8 І Ашшу́р упаде́ від меча не чоловіка, і його пожере́ меч не люди́ни; і він побіжить не перед мечем, і стануть його юнаки́ кріпака́ми.
Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.
9 А скеля його промине́ться від стра́ху, і владики його затриво́жаться перед прапором. Так говорить Господь, що має огонь на Сіоні, а в Єрусалимі у Нього горни́ло.
Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

< Ісая 31 >