< Дії 5 >

1 А один чоловік, на йме́ння Ана́ній, із своєю дружи́ною Сапфі́рою, продав маєток,
Laakiin nin Ananiyas la odhan jiray, isagoo haweenaydiisii Safira la jirto, ayuu xoolihiisii qaar iibshay,
2 та й з ві́дома дружи́ни своєї присво́їв частину з заплати, а якусь там частину приніс та й поклав у ногах у апо́столів.
markaasuu qiimihii, haweenaydiisii oo la og, intuu qaar la hadhay, qaar keenay oo rasuulladii soo hor dhigay.
3 І промовив Петро: „Ана́нію, чого сатана́ твоє серце напо́внив, щоб ти Духу Святому неправду сказав та присво́їв із заплати за землю?
Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid?
4 Хіба те, що́ ти мав, не твоє все було, а про́дане не в твоїй вла́ді було? Чого ж в серце своє ти цю справу поклав? Ти не лю́дям неправду сказав, але Богові!“
Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah.
5 Як Ана́ній зачу́в ці слова́, то впав та й умер. І обгорнув жах великий усіх, що це чули!
Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay.
6 Юнаки́ ж повставали, обгорну́ли його, і винесли та й поховали.
Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.
7 І сталось, годин через три прийшла й дружи́на його, про випа́док нічо́го не знавши.
Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay.
8 І промовив до неї Петро: „Скажи мені, чи за стільки ви землю оту продали́?“Вона ж відказала: „Так, за стільки“.
Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay.
9 До неї ж Петро: „Чому це ви змо́вилися споку́шувати Господнього Духа? Он ті входять у двері, що чоловіка твого поховали, — і тебе вони винесуть“.
Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan.
10 І вона зараз упала до ніг його, та й умерла. Як ввійшли ж юнаки́, то знайшли її мертвою, і, винісши, біля мужа її поховали.
Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.
11 І обгорнув страх великий всю Церкву та всіх, що чули про це.
Markaasaa cabsi weyni gashay kiniisaddii iyo kuwii waxyaalahaas maqlay oo dhan.
12 А руками апо́столів стались знаме́на та чуда великі в наро́ді. І були́ однодушно всі в Соломоновім ґанку.
Rasuulladii waxay gacmahooda dadka dhexdiisa ku sameeyeen calaamooyin iyo yaabab badan; iyagoo isku wada qalbi ah ayay waxay wada joogeen Balbaladii Sulaymaan.
13 А з сторонніх ніхто приставати не важивсь до них, але люд прославляв їх.
Laakiin kuwii kale midkoodna kuma dhicin inuu iyaga ku darmado, hase ahaatee dadkii waa sharfeen iyaga;
14 І все збі́льшувалось тих, хто вірує в Господа, бе́зліч чолові́ків і жінок,
oo waxaa ku soo kordhay iyaga kuwa badan oo Rabbiga rumaystay, oo rag iyo dumarba leh;
15 так що хворих стали вино́сити на вулиці, та й клали на ложа та ноші, щоб, як ітиме Петро, то хоч тінь його впала б на ко́го із них.
xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro.
16 І бе́зліч люду збиралась до Єрусалиму з довко́лишніх міст, і не́сли недужих та хворих від ду́хів нечистих, — і були́ вони всі вздоро́влювані!
Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.
17 А первосвященик, уставши, та й усі, хто був із ним, хто належав до саддуке́йської єресі, перепо́внились за́здрощами,
Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,
18 і руки наклали вони на апо́столів, і до в'язниці грома́дської вкинули їх.
intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.
19 Але Ангол Господній вночі відчинив для них двері в'язничні, і, вивівши їх, проказав:
Laakiin malaa'igtii Rabbiga ayaa habeennimo albaabbadii xabsiga ka furtay, oo intay dibadda u soo saartay, ku tidhi,
20 „Ідіть, і, ставши, говоріть до наро́ду у храмі всі слова́ цього життя“.
Taga oo macbudka isdhex taaga, oo waxaad dadka kula hadashaan erayada oo dhan ee Noloshan.
21 Як це вчули вони, то в храм рано ввійшли і навчали. А первосвященик і ті, хто був із ним, прийшовши, скликали синедріо́н і всіх старших з Ізраїлевих синів. І послали в в'язницю, щоб їх привели́.
Markay taas maqleen ayay, intay aroortii macbudkii galeen, dadkii wax bareen. Laakiin wadaadkii sare iyo kuwii la jiray ayaa yimid, oo waxay isugu yeedheen shirkii iyo duqowdii reer binu Israa'iil oo dhan, markaasay cid u direen xabsigii in kuwii xidhnaa laga keeno.
22 А служба, прийшовши, не знайшла́ їх у в'язниці, а вернувшись, сповістила,
Laakiin saraakiishu markay xabsiga yimaadeen waa ka waayeen iyagii; markaasay shirkii ku noqdeen oo u warrameen,
23 говорячи: „В'язницю знайшли ми з великою пильністю за́мкнену, і сторо́жу, що при две́рях стояла; а коли відчинили, то ніко́го всере́дині ми не знайшли!“
oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu aragnay xabsigii oo aad u xidhan, oo nimankii ilaalinayayna albaabbada ka taagan yihiin; laakiin markaannu furnay, ninna waa ka waynay.
24 Як почули слова ці начальник сторожі храму та первосвященики, не могли зрозуміти вони, що́ б то сталося.
Haddaba markii sirkaalkii macbudka iyo wadaaddadii sare hadalladaas maqleen, waxay la fajaceen waxyaalahaasu waxay noqon doonaan.
25 Та прийшовши один, сповістив їх, говорячи: „Ось ті мужі, що ви їх до в'язниці всадили були, у храмі стоять та й навчають наро́д“.
Mid baa intuu u yimid ku yidhi, Ogaada, nimankii aad xabsiga ku riddeen, macbudkay dhex taagan yihiin, oo dadkay wax ku barayaane.
26 Пішов тоді старши́й сторо́жі зо слу́жбою, та й привів їх без насильства, бо боялись наро́ду, щоб їх не побили камінням.
Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo.
27 Припровадивши ж їх, поставили перед синедріоном. І спитався їх первосвященик, говорячи:
Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,
28 „Чи ми не заборонили з погрозою вам, щоб про Те Ім'я́ не навчати? І ото, ви своєю наукою перепо́внили Єрусалим, і хочете кров Чоловіка Того припрова́дити на нас“.
oo yidhi, Waxaannu aad idiinku amarnay inaydnaan magacan wax ku barin; laakiin bal eega, waxaad Yeruusaalem ka buuxiseen waxbariddiinnii, oo weliba waxaad damacsan tihiin inaad ninkan dhiiggiisii dusha naga saartaan.
29 Відповів же Петро та сказали апо́столи: „Бога повинно слухатися більш, як людей!
Laakiin Butros iyo rasuulladii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaannu Ilaah addeecno intaannu dad addeeci lahayn.
30 Бог наших отців воскресив нам Ісуса, Якому ви смерть були заподі́яли, повісивши на дереві.
Ilaahii awowayaashayo ayaa soo sara kiciyey Ciisihii aad geedka ku deldesheen oo disheen.
31 Його Бог підвищив Своєю прави́цею — на Начальника й Спаса, щоб дати Ізраїлеві покая́ння і про́щення гріхів.
Ilaah baa isaga gacantiisa midigeed sare ugu qaaday inuu ahaado Amiir iyo Badbaadiye si uu Israa'iil toobad iyo dembidhaaf u siiyo.
32 А тих справ Йому свідками ми й Святий Дух, що Його Бог дав тим, хто слухня́ний Йому“.
Waxyaalahaas annagaa ka marag ah, waxaa kaloona ka marag ah Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah siiyey kuwa addeeca isaga.
33 Як зачули ж оце, запалилися гнівом вони, та й ра́дилися, я́к їм смерть заподі́яти?
Laakiin markay taas maqleen, way ka xanaaqeen, oo waxay ku tashadeen inay laayaan.
34 І встав у синедріо́ні один фарисей, Гамалії́л на ймення, учитель Зако́ну, поважаний від усього наро́ду, та й звелів на часи́нку апо́столів ви́вести.
Laakiin waxaa shirkii iska dhex taagay mid Farrisiinta ka mid ahaa oo la odhan jiray Gamalii'eel, kaas oo ahaa macallinkii sharciga, dadkuna aad u maamuusi jireen, oo wuxuu amray in nimanka dibadda cabbaar loo saaro.
35 І промовив до них: „Мужі ізраїльські! Поміркуйте собі про людей цих, що́ з ними робити ви маєте.
Markaasuu iyagii ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, iska jira waxaad la damacsan tihiin inaad nimankaas ku samaysaan.
36 Бо перед цими днями повстав був Те́вда та й казав, що великий він хтось, і до нього пристало з чотириста люда. Він забитий, а всі ті, хто слухав його, розпоро́шились та оберну́лись в ніщо́.
Maxaa yeelay, hadda ka hor waxaa kacay Tudas, isagoo nin weyn iska dhigaya, kaasoo niman badan oo qiyaas afar boqol gaadhaa raaceen. Isagii waa la dilay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen, oo waxay noqdeen wax aan waxba ahayn.
37 Після нього повстав, під час пе́репису, Галіле́янин Юда, та й багато людей потягнув за собою. Загинув і він, а всі ті, хто слухав його, розпоро́шились.
Ninkaas dabadiis, waagii dadka la qori jiray, waxaa kacay Yuudas kii reer Galili, oo dad buu duufsaday; isaguna waa dhintay, oo intii addeecday oo dhammuna way kala firdheen.
38 І тепер кажу́ вам: Відступіться від цих людей, і занеха́йте їх! Бо коли від людей оця рада чи справа ця бу́де, — розпаде́ться вона.
Haddaba waxaan idinku leeyahay, Nimankan faraha ka qaada oo iska daaya; waayo, taladan ama shuqulkanu hadday dad ka yimaadeen, waa baabbi'i doonaan;
39 А коли те від Бога, то того зруйнувати не зможете, щоб випа́дком не стати і вам богобо́рцями!“І послухались ради його.
laakiin hadday Ilaah ka yimaadeen, ma baabbi'in kari doontaan; haddii kale malaha waxaa la ogaan doonaa inaad Ilaah la diriraysaan.
40 І, покликавши зно́в апо́столів, вибили їх, наказали їм не говори́ти про Ісусове Йме́ння, та й їх відпустили.
Markaasay ku raaceen isaga; oo intay rasuulladii u yeedheen, ayay garaaceen, oo waxay ku amreen inayan magaca Ciise ku hadlin, markaasay sii daayeen.
41 А вони поверта́лися з синедріо́ну, радіючи, що сподоби́лись прийняти знева́гу за Йме́ння Го́спода Ісуса.
Markaasay shirkii hortiisii ka tageen, iyagoo ku faraxsan in lagu tiriyey inay istaahilaan in Magaca aawadiis loo maamuus jebiyo.
42 І щоденно у храмі й домах безупинно навчали, і звіщали Єва́нгелію Ісуса Христа.
Maalin walba macbudka dhexdiisa iyo guryahaba kama ay joojin inay dadka baraan oo ku wacdiyaan wax ku saabsan Ciise Masiix.

< Дії 5 >