< Від Марка 9 >

1 І сказав: «Істинно кажу вам: деякі з присутніх тут не зазнають смерті, доки не побачать Царства Божого, що прийшло в силі».
Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.
2 Через шість днів Ісус узяв із Собою Петра, Якова та Івана й вивів тільки їх на високу гору. Там Він преобразився перед ними:
Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay.
3 Його одяг став блискучим і таким білим, що жоден відбілювач у світі не міг би так відбілити.
Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.
4 І з’явились їм Мойсей та Ілля, які розмовляли з Ісусом.
Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise.
5 Петро сказав Ісусові: «Равві, добре нам тут бути! Зробімо три намети: один для Тебе, один для Мойсея та один для Іллі».
Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas.
6 Бо не знав, що сказати, такі налякані були.
Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.
7 Тоді з’явилася хмара, яка накрила їх, і з хмари промовив голос: «Це Син Мій улюблений, Його слухайте!»
Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
8 І раптом, подивившись навкруги, вони нікого не побачили, окрім Ісуса.
Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.
9 Коли вони сходили з гори, [Ісус] наказав їм, щоб не казали нікому про те, що бачили, доки Син Людський не воскресне з мертвих.
Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
10 Вони зберегли це Слово для себе, тільки міркували між собою, що означає воскресіння з мертвих.
Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?
11 Потім вони запитали Його: ―Чому книжники кажуть, що Ілля має прийти першим?
Markaasay waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?
12 [Ісус] відповів: ―Ілля дійсно має прийти першим, щоб відновити все. І, як написано про Сина Людського, Він має багато постраждати та бути приниженим.
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run in Eliyaas horta imanayo oo wax walba soo celinayo. Oo sidee uga qoran tahay xagga Wiilka Aadanaha inuu wax badan ku xanuunsan doono oo la nici doono?
13 Але кажу вам: Ілля прийшов, і вони вчинили з ним усе, що схотіли, як написано про нього.
Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas waa yimid, oo wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen siday uga qoran tahay.
14 Повернувшись до [інших] учнів, вони побачили навколо них великий натовп і книжників, які сперечалися з ними.
Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.
15 Як тільки ці люди побачили Ісуса, здивувалися й побігли привітати Його.
Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.
16 Він запитав їх: ―Чому ви сперечалися з ними?
Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?
17 Один чоловік із натовпу відповів: ―Учителю, я привів до Тебе мого сина, бо він одержимий духом німоти.
Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.
18 Коли дух його хапає, то кидає на землю, з рота йде піна, хлопчик скрегоче зубами й ціпеніє. Я просив Твоїх учнів вигнати духа, але вони не змогли.
Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.
19 [Ісус] у відповідь сказав: ―О роде невірний, доки буду з вами? Доки терпітиму вас? Приведіть хлопчика до Мене!
Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.
20 І привели хлопчика до Ісуса. Коли дух побачив Ісуса, відразу кинув хлопчика в судоми. Той, упавши на землю, покотився й пустив піну з рота.
Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.
21 Ісус запитав його батька: ―Скільки часу з ним таке? Він відповів: ―З дитинства.
Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.
22 Часто [дух] кидає його у вогонь або у воду, щоб вбити його. Якщо можеш щось зробити, допоможи нам. Змилуйся над нами.
Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.
23 Ісус же сказав йому: ―Якщо можеш?! Усе можливе для того, хто вірує!
Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.
24 Тоді батько хлопчика скрикнув: ― Вірую! Допоможи моєму невірству.
Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.
25 Коли Ісус побачив, що люди збігаються, то наказав нечистому духові, кажучи: «Духу німий та глухий, наказую тобі: вийди з нього й більше не заходь у нього!»
Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.
26 Скрикнувши, [дух] сильно потряс хлопця в конвульсіях і вийшов із нього. Хлопець став як мертвий, так що багато хто говорив, що він помер.
Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.
27 Але Ісус узяв його за руку, підняв його, і він устав.
Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.
28 Пізніше, коли Ісус увійшов у дім, учні наодинці запитали Його: ―Чому ми не змогли вигнати демона?
Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?
29 Ісус відповів: ―Цей рід можна вигнати лише молитвою та постом.
Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.
30 Вийшовши звідти, вони пройшли через Галілею. [Ісус] не хотів, щоб хтось дізнався про це,
Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.
31 бо Він навчав Своїх учнів та казав їм: «Син Людський буде виданий у руки людські. Його вб’ють, але через три дні Він воскресне».
Waayo, xertiisii ayuu wax barayay, oo wuxuu ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelinayaa, wayna dili doonaan oo markii la dilo, saddex maalmood dabadeed, ayuu sara kici doonaa.
32 Однак [учні] не зрозуміли цих слів, а спитати Його боялися.
Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.
33 Коли вони прийшли в Капернаум і були в домі, [Ісус] запитав їх: ―Про що ви говорили в дорозі?
Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?
34 Але вони мовчали, тому що в дорозі сперечалися між собою, хто з них найбільший.
Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn.
35 Тоді [Ісус] присів, покликав до Себе дванадцятьох і сказав їм: ―Якщо хтось хоче бути першим, той хай буде останнім серед усіх та слугою для всіх.
Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa.
36 [Ісус] узяв дитину, поставив посеред них і, обійнявши її, сказав їм:
Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi,
37 ―Хто приймає таку дитину в ім’я Моє, той не Мене приймає, а Того, Хто надіслав Мене.
Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.
38 Іван сказав Йому: ―Учителю, ми бачили когось, хто Твоїм ім’ям виганяв демонів, та ми заборонили йому, бо він не ходить із нами.
Yooxanaa baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu aragnay qof magacaaga jinniyo ku saaraya. Nama uu soo raaco. Waannu u diidnay, waayo, isagu nama uu soo raaco.
39 Але Ісус сказав: ―Не зупиняйте його, бо немає такого, хто б робив чудо в ім’я Моє й відразу злословив би Мене.
Laakiin Ciise baa yidhi, Ha u diidina, waayo, ninna ma jiro oo yaab xoog leh magacayga ku sameeyaa oo dhaqso hadal xun iga odhan karaa.
40 Той, хто не проти нас, той за нас.
Waayo, kan aan inaga gees ahayn waa inala gees.
41 Адже хто подасть вам чашу води в ім’я [Моє], бо ви Христові, – істинно кажу вам, – не втратить своєї винагороди.
Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.
42 Якщо хтось спокусить одного з цих малих, що вірують у Мене, то було б краще, якби йому повісили млинове жорно на шию й кинули в море.
Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
43 Якщо твоя рука спокушає тебе, відрубай її. Краще тобі увійти в життя покаліченим, ніж, маючи дві руки, іти до Геєни, у вогонь незгасимий, (Geenna g1067)
Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn (Geenna g1067)
44 де черв’як їхній не вмирає і вогонь не гасне.
oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
45 Якщо твоя нога спокушає тебе, відрубай її. Краще тобі увійти в життя покаліченим чи кульгавим, ніж, маючи дві ноги, бути вкинутим до Геєни, (Geenna g1067)
Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada (Geenna g1067)
46 де черв’як їхній не вмирає і вогонь не гасне.
oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
47 Якщо твоє око спокушає тебе, вирви його. Краще тобі увійти до Царства Божого однооким, ніж, маючи два ока, бути вкинутим у Геєну, (Geenna g1067)
Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada (Geenna g1067)
48 «де черв’як їхній не вмирає і вогонь не гасне».
oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
49 Бо кожен буде вогнем посолений і кожна жертва буде посолена сіллю.
Waayo, mid walba dab baa lagu cusbayn doonaa.
50 Сіль – добра річ, але якщо сіль втратить солоність, як її знов зробити солоною? Майте сіль самі в собі та зберігайте мир між собою.
Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.

< Від Марка 9 >