< Дії 2 >
1 Коли настав день П’ятдесятниці, усі були разом в одному місці.
Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen.
2 Раптом почувся з неба шум, ніби від сильного вітру, і наповнив увесь дім, де вони сиділи.
Oo waxaa filanla'aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan.
3 І побачили щось подібне до вогняних язиків, що розділилися й зупинилися по одному на кожному з них.
Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta.
4 І всі наповнилися Святим Духом та почали говорити іншими мовами, як Дух давав їм промовляти.
Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.
5 А в Єрусалимі [тоді] знаходилися юдеї, благочестиві люди з різних народів, що під небом.
Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta.
6 Коли почувся шум, зібрався натовп і дуже збентежився, бо кожен чув, як вони говорили його рідною мовою.
Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya.
7 Здивовані й вражені, вони запитували: «Хіба всі ці, що говорять, не галілеяни?
Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?
8 Як же так сталося, що кожен із нас чує їх своєю рідною мовою?
Sidee baa midkeen waluba u maqlaa iyagoo ku hadlaya afkeenna aynu ku dhalannay?
9 Парфяни, мідяни та еламіти, жителі Месопотамії, Юдеї та Каппадокії, Понту та Азії,
Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya,
10 Фригії та Памфілії, Єгипту та околиць Лівії, що поблизу Киренеї, відвідувачі з Рима,
iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,
11 юдеї та прозеліти, критяни та араби – усі ми чуємо, як вони говорять про великі діла Божі нашими мовами!»
iyo reer Kereetee iyo Carabta, waxaynu maqlaynaa iyagoo ku hadlaya afafkeenna oo ka hadlaya Ilaah waxyaalihiisa waaweyn.
12 Здивовані та розгублені, вони запитували одне одного: «Що це може означати?»
Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?
13 Інші ж глузували кажучи: «Вони напилися солодкого вина!»
Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.
14 Тоді Петро, піднявшись разом з одинадцятьма, голосно промовив до них: ―Брати-юдеї та жителі Єрусалима! Щоб вам було зрозуміло, послухайте уважно мої слова!
Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.
15 Ці [люди] не п’яні, як ви думаєте: зараз лише третя година дня.
Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.
16 Але це те, що сказав пророк Іоїл:
Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel,
17 «В останні дні, – каже Бог, – Я виллю Духа Мого на всіх людей. Ваші сини та доньки будуть пророкувати, ваші юнаки бачитимуть видіння, і старцям вашим будуть снитися сни.
Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan;
18 Навіть на рабів та рабинь Моїх у ті дні Я виллю Духа Мого, і вони пророкуватимуть.
Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
19 Я покажу чудеса вгорі на небі та знамення внизу на землі: кров, вогонь та куряву диму.
Oo waxaan samada sare ka muujin doonaa yaabab, Dhulka hoosena waxaan ka muujin doonaa calaamooyin, Kuwaas oo ah dhiig iyo dab iyo uumiskii qiiqa.
20 Сонце перетвориться на темряву, а місяць – на кров, перш ніж настане великий та славний день Господній.
Qorraxdu waxay u beddelmi doontaa gudcur, Dayaxuna wuxuu u beddelmi doonaa dhiig, Intaanay iman maalinta Rabbigu, Taas oo ah maalin weyn oo caan ah.
21 І кожний, хто прикличе ім’я Господнє, буде спасенний».
Oo waxay noqon doontaa in ku alla kii magaca Rabbiga ku dhawaaqaa, uu badbaadi doono.
22 Ізраїльтяни, послухайте ці слова: Ісус із Назарета був Чоловіком, засвідченим вам від Бога чудесами, великими ділами та знаменнями, які Бог робив через Нього посеред вас, як ви самі знаєте.
Rag yahow reer binu Israa'iil, hadalladan maqla; Ciisihii reer Naasared oo ahaa nin Ilaah idiinku caddeeyey shuqullo xoog leh iyo yaabab iyo calaamooyin oo Ilaah ku sameeyey isaga gacantiisa idinka dhexdiinna, sidaad idinka qudhiinnuba u og tihiin,
23 Його, призначеного згідно із задумом та передбаченням Божим, ви вбили, прибивши до хреста руками беззаконників.
markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.
24 Але Бог воскресив Його, звільнивши від муки смерті, тому що не могла вона втримати Його.
Isaga Ilaah baa sara kiciyey, oo ka furfuray xanuunkii dhimashada, maxaa yeelay, dhimashadu ma xajin karin.
25 Бо Давид сказав про Нього: «Я завжди бачу перед собою Господа, адже Він по правиці моїй, щоб я не похитнувся.
Waayo, Daa'uud baa isaga ka hadlay, oo yidhi, Had iyo jeerba Rabbigaan hortayda ku arki jiray, Maxaa yeelay, midigtayduu joogaa si aan la ii dhaqaajin.
26 Тому радіє серце моє і веселиться язик мій! Також і тіло моє буде відпочивати в надії,
Taas aawadeed qalbigaygu waa farxay, carrabkayguna waa reyreeyey; Weliba jidhkaygu rajuu ku nasan doonaa.
27 бо не залишиш Ти душі моєї в царстві мертвих і не дозволиш вірному Твоєму побачити тління. (Hadēs )
Maxaa yeelay, naftayda Haadees kuma dayn doontid, Kaaga Quduuska ahna uma dayn doontid inuu qudhun arko. (Hadēs )
28 Ти стежку життя мені показуєш; наповнив мене радощами перед обличчям Твоїм».
Waxaad i tustay jidadka nolosha, Hortaadana farxad baad iga buuxin doontaa.
29 Брати, дозвольте сказати вам відверто, що патріарх Давид помер та був похований, і його гробниця збереглася серед нас донині.
Walaalayaalow, waxaan si bayaan ah idiinku sheegi karaa in awowe Daa'uud dhintay, lana aasay, xabaashiisuna ilaa maanta waa inagu dhex taal.
30 Але будучи пророком і знаючи, що Бог клятвою обіцяв йому нащадка, якого посадить на свій престол,
Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,
31 він, передбачивши майбутнє, говорив про воскресіння Христа, що Він не залишиться в царстві мертвих і тіло Його не побачить тління. (Hadēs )
wuxuu hore u arkay oo ka hadlay Masiixa sarakiciddiisa inaan isaga Haadees lagu dayn, jidhkiisuna qudhun arag. (Hadēs )
32 Бог воскресив Ісуса, і всі ми цьому свідки.
Ciisahan Ilaah baa sara kiciyey, annagoo dhammuna markhaatiyaal baan ka wada nahay.
33 Він був піднесений праворуч від Всемогутнього Бога й, отримавши від Отця обітницю Святого Духа, надіслав те, що ви бачите та чуєте.
Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.
34 Бо Давид не піднявся до неба, але сам говорить: «Господь сказав Господеві моєму: „Сядь праворуч від Мене,
Maxaa yeelay, Daa'uud samooyinka kor uma aadin; laakiin isaga qudhiisaa leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso
35 доки Я не покладу ворогів Твоїх, як підніжок для Твоїх ніг“».
Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
36 Тому нехай весь дім Ізраїля буде впевнений у тому, що Господом та Христом зробив Бог Цього Ісуса, Якого ви розіп’яли.
Reer binu Israa'iil oo dhammu aad ha u ogaadeen in Ilaah ka dhigay Rabbi iyo Masiixba Ciisahan aad iskutallaabta ku qodobteen.
37 Почувши це, вони зворушилися серцем і сказали Петрові та іншим апостолам: ―Брати, що нам робити?
Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?
38 Петро відповів: ―Покайтеся, і кожен із вас нехай буде охрещений в ім’я Ісуса Христа для прощення гріхів, і отримаєте дар Святого Духа;
Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
39 бо ця обітниця для вас, ваших дітей та всіх, хто далеко, скільки б їх не покликав Господь, Бог наш.
Maxaa yeelay, ballanka waxaa leh idinka iyo carruurtiinna iyo kuwa fog oo dhan in alla intii Rabbiga Ilaaheenna ahu u yeedho.
40 І багатьма іншими словами він свідчив та умовляв кажучи: ―Спасайтеся від цього непокірного роду!
Hadallo kaloo badan ayuu markhaati ahaan ugu waaniyey isagoo leh, Naftiinna ka badbaadiya qarnigan qalloocan.
41 Ті, що прийняли його слово, були охрещені. Того дня до учнів приєдналося близько трьох тисяч осіб.
Markaasaa kuwii hadalkiisii aqbalay la baabtiisay, oo waxaa maalintaas lagu daray iyaga abbaaraha saddex kun oo qof.
42 Вони твердо тримались навчання апостолів, завжди перебували в братерському спілкуванні, ламанні хліба та молитвах.
Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.
43 Страх охопив кожну душу: багато чудес та знаків робилося через апостолів.
Oo naf kasta cabsi baa gashay; oo rasuulladii waxay sameeyeen yaabab iyo calaamooyin badan.
44 Усі віруючі були разом і все мали спільне.
Oo kuwii rumaystay oo dhammu waa wada jireen, wax walubana waa ka wada dhexeeyeen;
45 Вони продавали своє майно та маєтки й роздавали кожному за його потребою.
oo intay iibiyeen waxyaalahoodii iyo alaabtoodiiba ayay dhammaan u wada qaybiyeen sidii nin kasta baahidiisu ahayd.
46 Щодня вони продовжували зустрічатися разом у Храмі, а вдома ламали хліб та споживали їжу з радістю й щирістю в серці,
Oo maalin walba iyagoo isku wada qalbi ah ayay macbudka ku jiri jireen, oo kibistana guryahooday ku jejebin jireen, cuntadoodana farxad iyo qalbi daacad ah ayay ku cuni jireen.
47 прославляючи Бога й маючи прихильність усього народу. А Господь щодня додавав до них тих, кого спасав.
Ilaah bay ammaani jireen, oo dadka oo dhammuna waa u bogay iyaga. Ilaahna maalin walba kuwa badbaadaya ayuu ku dari jiray.