< 5 Mose 16 >

1 Daa munni Twam Afahyɛ no wɔ ɔsram Abib no mu mma Awurade, mo Nyankopɔn, efisɛ ɔsram Abib mu da bi anadwo na Onyankopɔn yii mo fii Misraim.
Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
2 Munkum anantwi anaa nguan sɛ Twam afɔrebɔde mma Awurade, mo Nyankopɔn no, wɔ faako a Awurade beyi sɛ atenae wɔ ne din mu no.
Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
3 Munnni mmɔkaw brodo nka ho; na mmom, nnanson so na munni apiti amanehunu brodo, efisɛ mufii Misraim ɔhare so, sɛnea ɛbɛyɛ a mo nkwanna nyinaa mu no mobɛkae bere a mutu fii Misraim no.
Oo allabariga waa inaydaan kibis khamiir leh ku cunin, toddoba maalmoodse waa inaad ku cuntaan kibis aan khamiir lahayn oo ah kibistii dhibka, waayo, dalkii Masar degdeg baad kaga soo baxdeen. Waa inaad cimrigiinna oo dhan xusuusnaataan maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen.
4 Mommma wonhu sɛ mowɔ mmɔkaw wɔ mo nkyɛn wɔ mo nsase nyinaa so nnanson. Mommma nam a mode bɔɔ afɔre da a edi kan no anwummere no nka gya so nkosi anɔpa.
Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.
5 Mommɔ Twam Afahyɛ afɔre no wɔ nkurow a Awurade, mo Nyankopɔn no, de rema mo no mu biara so,
Idiinma bannaana inaad allabariga Iidda Kormaridda ku bixisaan irdihiinna gudahooda oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo,
6 gye faako a Awurade, mo Nyankopɔn no, beyi sɛ wɔnkamfo ne din wɔ hɔ no. Ɛhɔ na mommɔ Twam afɔre no anwummere mfa nni mo Misraimfi bere no afahyɛ.
laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo waa inaad allabariga Kormaridda ku bixisaan markay fiidka tahay, oo qorraxdu dhacdo, oo ah xilligii aad Masar ka soo baxdeen.
7 Montoto na monwe no wɔ faako a Awurade, mo Nyankopɔn no, bɛpaw ama mo no. Na ade kye a, monsan nkɔ mo ntamadan mu.
Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan.
8 Nnansia na momfa nni apiti, na ne nnanson so no, nnipa no nyinaa nhyia wɔ Awurade, mo Nyankopɔn no, anim. Na saa da no, obiara nyɛ adwuma.
Lix maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, oo maalinta toddobaadna shir quduus ah waa inaad u qabataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo maalintaas waa inaydaan waxba shuqul qaban.
9 Mumfi bere a mubefi ase atwa atoko no nkan nnaawɔtwe ason.
Waxaad tirsataan toddoba toddobaad, oo hadhuudhka taagan markaad manjada ku bilowdaan kolkaas waa inaad bilowdaan inaad tirsataan toddoba toddobaad.
10 Na monhwɛ sɛnea Awurade, mo Nyankopɔn no, asi ahyira mo no so mfi mo pɛ mu mmɔ afɔre, nnyina so nni Asese Afahyɛ no mma Awurade, mo Nyankopɔn no.
Oo Iiddii Toddobaadyada ee Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaad ugu samaysaan waxyaalaha aad ikhtiyaarkiinna gacmaha ugu bixisaan, oo taas waxaad u bixisaan sida Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin barakeeyo.
11 Na munnye mo ani wɔ Awurade, mo Nyankopɔn no, anim wɔ faako a ɔbɛpaw sɛ atenae ma ne din no. Mo ne mo mmabarima ne mo mmabea, mo nkoa ne mo mfenaa, Lewifo a wɔwɔ mo nkurow mu ne ahɔho, nyisaa ne akunafo a wɔne mo te nyinaa.
Midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo kii reer Laawi oo irdihiisa ku jira, iyo qariibka, iyo agoonta iyo carmalka idin dhex joogaaba waa inay ku wada farxaan Rabbiga Ilaahooda ah hortiisa taasoo ah meesha Rabbiga Ilaahooda ahu uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo.
12 Monkae sɛ na moyɛ nkoa wɔ Misraim enti monhwɛ yiye na munni saa mmara yi nyinaa so.
Oo waa inaad xusuusnaataan inaad addoommo ku ahaydeen dalkii Masar, oo waa inaad dhawrtaan oo samaysaan qaynuunnadan.
13 Sɛ moboaboa mo awiporowbea ne mo nsakyi amoa mu ade ano wie a, momfa nnanson nni Asese Afahyɛ no.
Oo markaad wax ka soo urursataan goobihiinna hadhuudhka lagu tumo iyo macsarooyinkiinna canabka, dabadeed waa inaad dhawrtaan Iidda Waababka intii toddoba maalmood ah.
14 Munnye mo ani wɔ mo afahyɛ yi se; mo ne mo abusuafo, mo asomfo ne Lewifo, ahɔho, nyisaa ne akunafo a wofi mo nkurow mu.
Oo midkiin kasta iyo wiilkiisa, iyo gabadhiisa, iyo addoonkiisa, iyo addoontiisa, iyo ka reer Laawi, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka irdahooda ku jiraaba waa inay ku wada farxaan iiddiinna.
15 Momfa nnanson nni saa afahyɛ yi mfa nhyɛ Awurade, mo Nyankopɔn no, anuonyam wɔ faako a ɔbɛpaw, efisɛ Awurade, mo Nyankopɔn no, na ɔma mo nnɔbae bɔ pii na ohyira mo nnwuma nyinaa so; na mo anigye bewie pɛyɛ.
Oo intii toddoba maalmood ah waa inaad iid Rabbiga Ilaahiinna ah ugu qabataan meesha Rabbigu dooranayo, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idinku barakayn doonaa waxa idiin kordha oo dhan iyo shuqulka gacmihiinna oo dhan, oo dhammaantiin waxaad ahaan doontaan farax miidhan.
16 Afe biara mu no, ɛsɛ sɛ mo mmarima no nyinaa hyia wɔ mo Awurade, mo Nyankopɔn no, anim faako a ɔbɛpaw no mprɛnsa de ama Apiti Afahyɛ, Otwabere Afahyɛ ne Asese Afahyɛ no. Ɛnsɛ sɛ obiara ba Awurade anim nsapan.
Oo sannaddiiba saddex jeer raggiinna oo dhammu waa inay Rabbiga Ilaahiinna ah kaga hor muuqdaan meeshuu dooranayo, oo saddexdaas jeer waa Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iidda Toddobaadyada, iyo Iidda Waababka, oo waa inaanay iyagoo fara madhan Rabbiga hortiisa ka muuqan.
17 Ɛsɛ sɛ obiara de akyɛde a ɛne nhyira a Awurade, mo Nyankopɔn no, nhyira no no sɛ ba.
Nin waluba waa inuu bixiyo wixii uu awoodo sida ay tahay barakada Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
18 Munsisi atemmufo ne mpanyimfo mfi mo mmusuakuw biara mu wɔ nkurow a Awurade, mo Nyankopɔn no, de rema mo no mu, na wobebu nnipa no atɛntrenee.
Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.
19 Mummmu ntɛnkyew anaa monnhwɛ nnipa anim mmu atɛn. Monnnye adanmude, efisɛ adanmude fura onyansafo ani ma ɔdan nea odi bem no asɛm ani.
Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
20 Mummu atɛntrenee nkutoo, na ama moatumi atena asase a Awurade, mo Nyankopɔn no, de rema mo no so.
Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
21 Mummfi afɔremuka a mubesi ama Awurade, mo Nyankopɔn no, akyi nsi abosonnua foforo biara,
Oo meesha allabariga ee Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad samayn doontaan agtiisa ha ka beeran geed Asheeraah cayn kastoo uu yahay toona.
22 na munnsi ɔbo kronkron, efisɛ Awurade, mo Nyankopɔn no, kyi eyinom.
Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

< 5 Mose 16 >