< 1 Ahemfo 9 >

1 Bere a Salomo wiee Awurade asɔredan no ne ahemfi no si no, ohuu sɛ wayɛ nea ɔpɛ sɛ ɔyɛ no nyinaa awie.
Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,
2 Awurade daa ne ho adi kyerɛɛ no ne mprenu so, sɛnea na wada ne ho adi akyerɛ no wɔ Gibeon dedaw no.
ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale.
3 Awurade ka kyerɛɛ no se: “Mate wo mpaebɔ ne wʼadesrɛ. Matew saa asɔredan yi a woasi no ho, sɛnea wɔbɛhyɛ me din anuonyam wɔ hɔ afebɔɔ. Mɛhwɛ so na mama mʼani aku ho.
Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.
4 “Na wo, sɛ wode nokware ne nyamesuro di mʼakyi, sɛnea wʼagya Dawid yɛe, na odii me mmara ne mʼahyɛde nyinaa so no a,
Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,
5 metim wʼahenni nnidiso ase wɔ Israel afebɔɔ, sɛnea meka kyerɛɛ wʼagya Dawid se, ‘Ɛremma sɛ worennya ɔbarima bi ntena Israel ahengua no so da no.’
de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.
6 “Na sɛ wo anaa wo mmabarima dan fi me ho, na wubu mmara ne mʼahyɛde a mede ama mo no so, na sɛ wofi akyi kɔsom anyame afoforo, sɔre wɔn a,
Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
7 ɛno de, metwa Israel afi asase a mede ama wɔn no so, na mapo saa asɔredan a matew ho wɔ me din mu no. Ɛbɛma Israel atɔ sin, na ayɛ aserewde wɔ nnipa nyinaa mu.
de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.
8 Na ɛwɔ mu sɛ saa Asɔredan yi yɛ fɛ de, nanso wɔn a wobetwa mu wɔ ho no betwiri no, adi ho abooboo, abisa se, ‘Adɛn nti na Awurade ayɛ asase yi ne Asɔredan yi saa?’
Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?
9 Nnipa bebua se, ‘Efisɛ wɔapa Awurade, wɔn Nyankopɔn a oyii wɔn agyanom fii Misraim no akyi, na wɔde wɔn ho akɔdan anyame afoforo a wɔresom wɔn, sɔre wɔn. Ɛno nti na Awurade ama saa ɔhaw ne abɛbrɛsɛ yi aba wɔn so no.’”
Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.
10 Mfe aduonu a Salomo de sii Awurade asɔredan no ne ahemfi no akyi,
Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,
11 ɔhene Salomo de nkurow aduonu a ɛwɔ Galilea maa Tirohene Huram, efisɛ Huram maa no sida nnua ne ɔpepaw nnua ne sikakɔkɔɔ a na ohia.
ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)
12 Huram fii Tiro kɔhwɛɛ nkurow a Salomo de ama no no, nanso nʼani ansɔ koraa.
Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin.
13 Obisae se, “Me nua, na nkurow bɛn na wode ama me yi? Saa nkurow yi nni mu!” Enti ɔfrɛɛ hɔ Kabul, “Nea enni mu” de besi nnɛ.
Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.
14 Na Huram asoma ma wɔde sikakɔkɔɔ tɔn anan akɔma Salomo.
Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.
15 Ɔkwan a ɔhene Salomo faa so tintim, hyɛɛ nnipa, ma wosii Awurade asɔredan no ne nʼahemfi, Milo, Yerusalem fasu ne Hasor, Megido ne Geser nkurow no ni:
Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.
16 Misraimhene kotuaa Geser, gyee hɔ fae. Okum Kanaanfo a wɔte kurow no mu nyinaa, hyew hɔ pasaa. Ɔde kuropɔn no maa ne babea no sɛ akyɛde bere a ɔwaree Salomo no.
Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday.
17 Enti Salomo san kyekyeree Geser kuropɔn no. Afei, ɔsan kyekyeree nkurow a ɛwɔ Bet-Horon anafo,
Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,
18 Baalat ne Tamar wɔ sare so, nʼasase so.
iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,
19 Ɔkyekyeree nkurow a na wɔkora nnuan wɔ hɔ, kyekyeree nkuropɔn nso a na wɔkora ne nteaseɛnam ne nʼapɔnkɔ wɔ hɔ. Ɔkyekyeree Yerusalem ne Lebanon ne nʼaheman nyinaa, sɛnea ne koma pɛ.
iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
20 Na nnipa bi da so te asase no so a wɔnyɛ Israelfo. Wɔne Amorifo, Hetifo, Perisifo, Hewifo ne Yebusifo.
Oo weliba dadkii ka hadhay reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo aan reer binu Israa'iil ahayn,
21 Eyinom ne aman a na Israel nwiee wɔn asetɔre korakora no asefo. Enti Salomo hyɛɛ wɔn ma wɔyɛɛ nʼadwumayɛfo, na wɔda so yɛ de besi nnɛ.
kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa'iil karin inay wada baabbi'iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.
22 Nanso Salomo anhyɛ Israelfo amma wɔanyɛ ɔhyɛ nnwuma. Mmom, ɔma wɔyɛɛ asraafo, aban adwumayɛfo. Ɔmaa ebinom yɛɛ nʼakofo, ne nteaseɛnam ne ne nteaseɛnamkafo so asahene.
Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba.
23 Afei, oyii wɔn mu ahannum ne aduonum ma wɔhwɛɛ ne nkɔsodwuma ahorow so.
Kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Sulaymaan hawshiisa u talin jiray oo ahaa shan boqol iyo konton nin oo u taliya dadka hawsha qabta.
24 Bere a Salomo yii ne yere a ɛyɛ Farao babea no fii Dawid kurow no mu, de no kɔɔ ahemfi foforo a wasi ama no no mu no, ɔkyekyee Milo.
Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.
25 Na Salomo bɔ ɔhyew afɔre ne asomdwoe afɔre ma Awurade afe biara wɔ afɔremuka a osii no so mprɛnsa. Na ɔne wɔn hyew aduhuam nso ma Awurade sɛ asodi a ɛda hɔ ma no wɔ asɔredan no.
Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.
26 Ɔhene Salomo yɛɛ po so ahyɛn nso wɔ Esion-Geber, hyɛngyinabea a ɛbɛn Elot a ɛwɔ Edom asase so hɔ a ɛwɔ Po Kɔkɔɔ no mpoano.
Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
27 Na Huram maa nʼahyɛn mu adwumayɛfo a wonim hyɛn mu adwuma yiye no, ne Salomo nkurɔfo de ahyɛn no yɛɛ adwuma.
Oo Xiiraamna wuxuu doonniyihii raaciyey addoommadiisii baxriyiinta ahaa oo badda aqoonta u lahaa, oo waxaa wada jiray iyaga iyo addoommadii Sulaymaan.
28 Wɔyɛɛ adwuma kɔɔ Ofir, na wɔsan de sikakɔkɔɔ nsania ani nkaribo tɔn 16 brɛɛ Salomo.
Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

< 1 Ahemfo 9 >