< Mezmurlar 62 >

1 Müzik Şefi Yedutun için - Davut'un mezmuru Canım yalnız Tanrı'da huzur bulur, Kurtuluşum O'ndan gelir.
Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
2 Tek kayam, kurtuluşum, Kalem O'dur, asla sarsılmam.
Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
3 Birini ezmek için daha ne vakte kadar Hep birlikte üstüne saldıracaksınız, Eğri bir duvara, Yerinden oynamış bir çite saldırır gibi?
Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
4 Tek düşünceleri onu doruktan indirmektir. Yalandan zevk alırlar. Ağızlarıyla hayırdua ederken, İçlerinden lanet okurlar. (Sela)
Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
5 Ey canım, yalnız Tanrı'da huzur bul, Çünkü umudum O'ndadır.
Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
6 Tek kayam, kurtuluşum, Kalem O'dur, sarsılmam.
Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
7 Kurtuluşum ve onurum Tanrı'ya bağlıdır, Güçlü kayam, sığınağım O'dur.
Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
8 Ey halkım, her zaman O'na güven, İçini dök O'na, Çünkü Tanrı sığınağımızdır. (Sela)
Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba, Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa, Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
9 Sıradan insan ancak bir soluk, Soylu insansa bir yalandır. Tartıya konduğunda ikisi birlikte soluktan hafiftir.
Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
10 Zorbalığa güvenmeyin, yağma malla övünmeyin; Varlığınız artsa bile, ona gönül bağlamayın.
Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
11 Tanrı bir şey söyledi, Ben iki şey duydum: Güç Tanrı'nındır,
Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,
12 Sevgi de senin, ya Rab! Çünkü sen herkese, yaptığının karşılığını verirsin.
Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay, Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.

< Mezmurlar 62 >