< Hâkimler 3 >
1 Kenan'daki savaşların hiçbirine katılmamış olan İsrailliler'i sınamak ve hiç savaş deneyimi olmayan yeni kuşaklara savaş eğitimi vermek için RAB'bin dokunmadığı uluslar şunlardır:
Haddaba kuwanu waa quruumihii Rabbigu u daayay inuu reer binu Israa'iil ku tijaabiyo, oo waxay ahaayeen in alla intii aan ogayn dagaalladii reer Kancaan oo dhan;
inay reer binu Israa'iil ogaadaan oo uu iyaga baro dagaal ayan waxba ka aqoon jirin.
3 Beş Filist Beyliği, bütün Kenanlılar, Saydalılar, Baal-Hermon Dağı'ndan Levo-Hamat'a kadar uzanan Lübnan dağlarında yaşayan Hivliler.
Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.
4 RAB İsrailliler'i sınamak, Musa aracılığıyla atalarına verdiği buyrukları yerine getirip getirmeyeceklerini görmek için bu ulusları ülkelerinde bıraktı.
Oo kuwaas waxaa loo daayay in reer binu Israa'iil lagu tijaabiyo, in la ogaado bal inay dhegaysanayaan amarradii Rabbiga oo uu ku amray awowayaashood oo uu Muuse soo faray iyo in kale.
5 Böylece İsrailliler Kenan, Hitit, Amor, Periz, Hiv ve Yevus halkları arasında yaşadılar.
Oo reer binu Israa'iil waxay dhex degeen reer Kancaan, kuwaas oo ahaa reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
6 Onlardan kız aldılar, kızlarını onların oğullarına verdiler ve onların ilahlarına taptılar.
Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.
7 RAB'bin gözünde kötü olanı yapan İsrailliler Tanrıları RAB'bi unutup Baallar'a ve Aşera putlarına taptılar.
Oo reer binu Israa'iilna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way illoobeen, wayna u adeegeen Bacaliimkii iyo geedihii Asheeraah.
8 Bunun üzerine RAB İsrail'e öfkelendi ve onları Aram-Naharayim Kralı Kuşan-Rişatayim'in eline teslim etti. İsrailliler sekiz yıl Kuşan-Rişatayim'in boyunduruğunda kaldılar.
Sidaas daraaddeed cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ka iibiyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim; oo reer binu Israa'iil waxay Kuushan Rishcaatayim u adeegayeen siddeed sannadood.
9 Ama RAB'be yakarmaları üzerine RAB onlara Otniel adında bir kurtarıcı çıkardı. Kalev'in küçük kardeşi Kenaz'ın oğlu Otniel onları kurtardı.
Oo markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil u kiciyey badbaadiye, kaasoo badbaadiyey, oo wuxuu ahaa Cotnii'eel ina Qenas oo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa.
10 RAB'bin Ruhu Otniel'in üzerine indi. Otniel İsrailliler'i yönetti, onlar için savaştı. RAB Aram-Naharayim Kralı Kuşan-Rişatayim'i onun eline teslim etti. Artık Otniel ondan daha güçlüydü.
Oo kaas waxaa ku soo degay Ruuxa Rabbiga, oo wuxuu xukumi jiray reer binu Israa'iil. Dagaal buuna u baxay, oo Rabbiguna wuxuu gacantiisii u geliyey boqorkii Mesobotamiya oo ahaa Kuushan Rishcaatayim, oo isna wuu ka gacan sarreeyey Kuushan Rishcaatayim.
11 Ülke Kenaz oğlu Otniel'in ölümüne dek kırk yıl barış içinde yaşadı.
Markaasaa dalkii xasilloonaa afartan sannadood. Oo Cotnii'eel ina Qenas wuu dhintay.
12 Sonra İsrailliler yine RAB'bin gözünde kötü olanı yaptılar. RAB gözünde kötü olanı yaptıkları için Moav Kralı Eglon'u onlara karşı güçlendirdi.
Oo reer binu Israa'iil mar kalay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun; markaasaa Rabbigu wuxuu xoog u yeelay oo reer binu Israa'iil ku diray boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon, maxaa yeelay, waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun.
13 Kral Eglon Ammonlular'la Amalekliler'i kendi tarafına çekerek İsrail'e saldırdı. Onları bozguna uğratarak Hurma Kenti'ni ele geçirdi.
Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.
14 İsrailliler on sekiz yıl Moav Kralı Eglon'un boyunduruğu altında kaldılar.
Oo reer binu Israa'iil waxay boqorkii reer Moo'aab oo Cegloon ahaa u adeegayeen siddeed iyo toban sannadood.
15 Ama RAB'be yakarmaları üzerine RAB onlar için Ehut adında bir kurtarıcı çıkardı. Benyaminli Gera'nın oğlu Ehut solaktı. İsrailliler Ehut'un eliyle Moav Kralı Eglon'a haraç gönderdiler.
Laakiinse markii reer binu Israa'iil ay Rabbiga u qayshadeen, Rabbigu wuxuu u kiciyey badbaadiye, kaasoo ahaa Eehuud ina Geeraa, oo reer Benyaamiin, oo ahaa nin gurran. Isaga ayay reer binu Israa'iil hadiyad ugu soo dhiibeen Cegloon kii ahaa boqorkii reer Moo'aab.
16 Ehut kendine bir arşın uzunluğunda iki ağızlı bir kama yaptı ve bunu sağ kalçası üzerine, giysisinin altına sakladı.
Oo Eehuudna wuxuu samaystay seef laba af leh, oo dhererkeedu yahay dhudhun, oo wuxuu ku xidhay meel dharkiisa ka hoosaysa oo ah bowdadiisa midig.
17 Varıp haracı Moav Kralı Eglon'a sundu. Eglon çok şişman bir adamdı.
Oo wuxuu hadiyaddii u dhiibay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Cegloon; Cegloonna wuxuu ahaa nin aad u buuran.
18 Ehut haracı sunduktan sonra, haracı taşımış olan adamlarını salıverdi.
Oo markuu dhammeeyey bixintii hadiyadda ayuu diray dadkii hadiyadda siday.
19 Ama kendisi Gilgal yakınındaki taş putlardan geri döndü. “Ey kral, sana gizli bir haberim var” dedi. Kral ona, “Sus” diyerek yanındaki adamların hepsini dışarı çıkardı.
Laakiinse Eehuud wuxuu ka soo noqday dhagaxyadii qorqornaa Gilgaal agteeda, oo wuxuu yidhi, Boqorow, anigu waxaan kuu wadaa farriin qarsoon. Markaasuu yidhi, Iska aamus. Oo dadkii hareerihiisa taagnaa oo dhammuna dibadday uga baxeen isagii.
20 Ehut, üst kattaki serin odasında yalnız kalan krala yaklaşarak, “Tanrı'dan sana bir haber getirdim” deyince kral tahtından kalktı.
Markaasaa Eehuud u yimid isagii; oo isna wuxuu keligiis fadhiyey qowladdii uu ku laydhsan jiray, markaasaa Eehuud wuxuu ku yidhi, Waxaan farriin kaaga wadaa Ilaah. Markaasuu ka soo kacay kursigiisii.
21 Ehut sol eliyle sağ kalçası üzerindeki kamayı çekti ve kralın karnına sapladı.
Oo Eehuudna wuxuu soo bixiyey gacantiisii bidix, oo wuxuu seeftii kala soo baxay dhinaca bowdadiisii midig, markaasuu Cegloon caloosha kaga muday,
22 Kamanın ucu kralın sırtından çıktı. Bıçağın ardından kabza da ete saplanmıştı. Ehut kamayı çekmeyince kama kralın yağlı karnına gömüldü.
oo xataa daabkiina waa galay afkii dabadiis, oo seefta afkeediina waxaa qariyey xaydhii, waayo, seeftii kama uu soo bixin calooshiisii; oo uus baa ka yimid.
23 Ehut sofaya çıktı, üst kattaki odanın kapısını ardından çekip kilitledi.
Markaasaa Eehuud wuxuu u baxay xagga qolqolka, oo uu soo xidhay qowladda albaabbadeedii, wuuna qufulay.
24 O çıktıktan sonra, geri gelen kralın hizmetkârları üst kattaki odanın kapılarını kilitli buldular. Birbirlerine, “Su döküyor olmalı” dediler.
Haddaba markuu tegey waxaa yimid addoommadii Cegloon, markaasay intay wax fiiriyeen arkeen albaabbadii qowladda oo qufulan; kolkaasay waxay isyidhaahdeen, Hubaal wuu isku deday qowladdiisa uu ku laydhsado.
25 Uzun süre bekledilerse de kral odanın kapılarını açmadı. Bunun üzerine bir anahtar bulup kapıyı açtılar. Efendilerinin ölüsü yerde yatıyordu.
Oo way sugeen ilaa ay isla yaabeen; oo bal eeg isna albaabbadii qowladda ma uu furin, sidaas daraaddeed furahay qaadeen oo albaabbaday fureen, oo markaasay arkeen sayidkoodii oo dhulka ku dhacay oo meyd ah.
26 Onlar beklerken Ehut kaçmış, taş putları geçerek Seira'ya yönelmişti.
Eehuudna waa baxsaday intay sugayeen, oo wuxuu dhaafay dhagaxyadii qorqornaa, oo wuxuu u fakaday xagga Seciiraah.
27 Oraya varınca Efrayim'in dağlık bölgesine çıkıp boru çaldı. İsrailliler onunla birlikte dağlardan indiler. Ehut önden gidiyordu.
Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.
28 Onlara, “Beni izleyin” dedi, “RAB düşmanlarınızı, Moavlılar'ı elinize teslim etti.” Ehut'u izleyen İsrailliler, Moav'a giden Şeria geçitlerini tuttular, kimseyi geçirmediler.
Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.
29 Moav'ın güçlü yiğitlerinden on bin kadarını vurup öldürdüler; hiç kurtulan olmadı.
Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.
30 Moav o gün İsrailliler'in boyunduruğuna girdi. Ülke seksen yıl barış içinde yaşadı.
Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.
31 Ehut'tan sonra Anat oğlu Şamgar başa geçti. Şamgar Filistliler'den altı yüz kişiyi üvendireyle öldürerek İsrailliler'i kurtardı.
Oo isagii ka dibna waxaa kacay Shamgar ina Canaad, kaasoo reer Falastiin lix boqol oo nin kaga laayay usha dibida lagu shuqeeyo, oo isaguna reer Israa'iil wuu badbaadiyey.