< Yeremya 19 >
1 RAB bana şöyle dedi: “Git, çömlekçiden bir çömlek satın al. Halkın ve kâhinlerin ileri gelenlerinden birkaçını yanına alıp
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag, oo dheryasameeye jalxaddiis soo iibso, oo intaad qaar ka mid ah odayaasha dadka iyo odayaasha wadaaddada soo kaxaysid,
2 Harsit Kapısı'na yakın Ben-Hinnom Vadisi'ne git. Sana söyleyeceklerimi orada duyur.
waxaad tagtaa dooxada ina Xinnom oo u dhow meesha laga soo galo iridda Xarsiid, oo halkaas erayada aan kuu sheegi doono ka naadi,
3 De ki, ‘RAB'bin sözünü dinleyin, ey Yahuda kralları ve Yeruşalim'de yaşayanlar! İsrail'in Tanrısı, Her Şeye Egemen RAB şöyle diyor: Dinleyin! Buraya, her duyanı şaşkına çevirecek bir felaket göndermek üzereyim.
adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.
4 Çünkü beni terk ettiler, burayı yabancı bir ülke haline getirdiler. Kendilerinin de atalarıyla Yahuda krallarının da tanımadığı başka ilahlara burada buhur yaktılar, burayı döktükleri suçsuz kanıyla doldurdular.
Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin.
5 Çocuklarını ateşte Baal'a kurban etmek için tapınma yerleri kurdular. Böyle bir şey ne buyurdum ne sözünü ettim ne de aklımdan geçirdim.
Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
6 Bundan ötürü buranın artık Tofet ya da Ben-Hinnom Vadisi değil, Kıyım Vadisi diye anılacağı günler geliyor, diyor RAB.
Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda.
7 Yahuda ve Yeruşalim'in tasarılarını burada boşa çıkaracağım. Onları canlarına susayanların eline verecek, düşmanlarının önünde kılıçla düşüreceğim. Cesetlerini yem olarak yırtıcı kuşlara, yabanıl hayvanlara vereceğim.
Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
8 Bu kenti viraneye çevirecek, alay konusu edeceğim; oradan her geçen şaşkın şaşkın bakıp başına gelen belalardan ötürü onunla alay edecek.
Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.
9 Onlara oğullarının, kızlarının etini yedireceğim. Canlarına susamış düşmanları onları kuşattığında sıkıntıdan birbirlerini yiyecekler.’
Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan.
10 “O zaman seninle gidenlerin önünde çömleği kır
Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda.
11 ve onlara de ki, ‘Her Şeye Egemen RAB şöyle diyor: Çömlekçinin çömleği nasıl kırılıp bir daha onarılamazsa, ben de bu halkı ve bu kenti öyle kıracağım. Ölüleri yer kalmayana dek Tofet'te gömecekler.
Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.
12 Bu kente de içinde yaşayanlara da böyle davranacağım, diyor RAB. Bu kenti Tofet gibi yapacağım.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,
13 Yeruşalim'in evleri de Yahuda krallarının sarayları da Tofet gibi kirli sayılacak. Çünkü bu evlerin damlarında gök cisimlerine buhur yaktılar, başka ilahlara dökmelik sunular sundular.’”
oo guryaha Yeruusaalem iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah ee nijaasaysan waxay u ahaan doonaan sida meesha Tofed oo kale, xataa guryahaas oo ah kuwii saqafkooda oo dhan foox loogu shidi jiray ciidammada samada oo dhan, oo qurbaanno cabniin ah loogu bixin jiray ilaahyo kale.
14 Peygamberlik etmesi için RAB'bin Tofet'e gönderdiği Yeremya oradan döndü. RAB'bin Tapınağı'nın avlusunda durup halka şöyle dedi:
Markaas Yeremyaah wuxuu ka yimid Tofed oo ah meeshii Rabbigu u diray inuu wax ku sii sheego, oo intuu barxaddii guriga Rabbiga soo istaagay ayuu dadkii oo dhan ku yidhi,
15 “İsrail'in Tanrısı, Her Şeye Egemen RAB diyor ki, ‘İşte bu kente ve çevresindeki köylere sözünü ettiğim bütün felaketleri getireceğim. Çünkü dikbaşlılık edip sözümü dinlemediler.’”
Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.