< Yeşaya 50 >

1 RAB şöyle diyor: “Boşadığım annenizin boşanma belgesi nerede? Hangi alacaklıma sattım sizi? Suçlarınız yüzünden satıldınız, Anneniz isyanlarınız yüzünden dışlandı.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Meeday warqaddii furniinka ee hooyadiin, oo aan ku eryay? Waase kuma kan ka mid ah kuwa daynka iga qaba oo aan idinka iibiyey? Bal eega, xumaatooyinkiina aawadood ayaa laydiin iibiyey, oo xadgudubyadiinna aawadood ayaa hooyadiin lagu furay.
2 Geldiğimde neden kimse yoktu, Çağırdığımda niçin yanıt veren olmadı? Sizi kurtaramayacak kadar kısa mı elim, Ya da gücüm yok mu sizi özgür kılmaya? Azarlayarak denizi kurutur, Irmakları çöle çeviririm. Su kalmayınca balıklar ölür ve kokar.
Haddaba markaan imid, muxuu ninna u jirin? Oo markaan dhawaaqayse maxaa la iigu jawaabi waayay? Miyaa innaba gacantaydu gaaban tahay si ayan wax u furan karin? Amase miyaanan lahayn xoog aan wax ku samatabbixiyo? Bal eega, canaantayda ayaan badda ku engejiyaa, oo webiyaashana cidlo baan ka dhigaa. Kalluunkoodu biyola'aan aawadeed buu la soo uraa, oo oon buu u dhintaa.
3 Göklere karalar giydirir, Çul ederim onların örtüsünü.”
Samooyinka madow baan huwiyaa, oo dhar joonyad ah ayaan go' uga dhigaa.
4 Yorgunlara sözle destek olmayı bileyim diye Egemen RAB bana eğitilmişlerin dilini verdi. Eğitilenler gibi dinleyeyim diye kulağımı uyandırır her sabah.
Sayidka Rabbiga ah ayaa afka kuwa wax bartay i siiyey inaan ogaado si aan hadal ugu taageero kan daallan. Subax kastuu i toosiyaa, subax walbana dhegtayduu u toosiyaa inaan wax u maqlo sida kuwa wax bartay.
5 Egemen RAB kulağımı açtı, Karşı koymadım, geri çekilmedim.
Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.
6 Bana vuranlara sırtımı açtım, Yanaklarımı uzattım sakalımı yolanlara. Aşağılamalardan, tükürükten yüzümü gizlemedim.
Kuwii i karbaashay ayaan dhabarkaygii u duway, oo kuwii timaha iga rifayna dhabannadaydaan u duway. Wejigaygiina ceeb iyo candhuuf toona kama aan qarin.
7 Egemen RAB bana yardım ettiği için Utanç duymam. Kararımdan dönmem, Utandırılmayacağımı bilirim.
Waayo, waxaa i caawin doona Sayidka Rabbiga ah, oo sidaas daraaddeed ma aan sharafjabin, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigaygii uga dhigay sidii dhagaxmadow oo kale, oo waxaan ogahay inaanan ceeboobi doonin.
8 Beni haklı çıkaran yakınımda. Benden davacı olan kim, yüzleşelim, Kimdir hasmım, karşıma çıksın.
Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.
9 Bana yardım eden Egemen RAB'dir, Kim suçlu çıkaracak beni? Onların hepsi giysi gibi eskiyecek, Tümünü güve yiyip bitirecek.
Bal eega, Sayidka Rabbiga ah ayaa i caawinaya, haddaba waa kuma kan i xukumi doonaa? Bal ogaada, iyagu dhammaantood sida dhar duugoobay bay u gaboobi doonaan, oo kulligood aboor baa cuni doona.
10 Aranızda RAB'den korkan, Kulunun sözünü dinleyen kim var? Karanlıkta yürüyen, ışığı olmayan, RAB'bin adına güvensin, Tanrısı'na dayansın.
Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.
11 Ama ateş yakan, Alevli oklar kuşanan sizler, hepiniz, Ateşinizin aydınlığında, Tutuşturduğunuz alevli okların arasında yürüyün. Benden alacağınız şudur: Azap içinde yatacaksınız.
Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

< Yeşaya 50 >