< Yeşaya 2 >
1 Amots oğlu Yeşaya'nın Yahuda ve Yeruşalim'le ilgili görümü:
Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.
2 RAB'bin Tapınağı'nın kurulduğu dağ, Son günlerde dağların en yücesi, Tepelerin en yükseği olacak. Oraya akın edecek ulusların hepsi.
Ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ku qulquli doonaan.
3 Birçok halk gelecek, “Haydi, RAB'bin Dağı'na, Yakup'un Tanrısı'nın Tapınağı'na çıkalım” diyecekler, “O bize kendi yolunu öğretsin, Biz de O'nun yolundan gidelim.” Çünkü yasa Siyon'dan, RAB'bin sözü Yeruşalim'den çıkacak.
Oo dad badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, buurta Rabbiga aynu u kacnee, oo guriga Ilaaha reer Yacquub aynu tagnee, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
4 RAB uluslar arasında yargıçlık edecek, Birçok halkın arasındaki anlaşmazlıkları çözecek. İnsanlar kılıçlarını çekiçle dövüp saban demiri, Mızraklarını bağcı bıçağı yapacaklar. Ulus ulusa kılıç kaldırmayacak, Savaş eğitimi yapmayacaklar artık.
Oo isaguna quruumuhuu u kala garsoori doonaa, oo dad badan ayuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
5 Ey Yakup soyu, gelin RAB'bin ışığında yürüyelim.
Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.
6 Ya RAB, halkını, Yakup soyunu terk ettin, Çünkü yürekleri doğu kökenli inançlarla dolu. Filistliler gibi falcılıkla uğraşıyor, Yabancılarla el sıkışıyorlar.
Waad ka tagtay dadkaagii reer Yacquub, maxaa yeelay, waxay ka buuxsameen waxyaalihii bariga, oo waa faaliyayaal sida reer Falastiin, oo waxay la heshiiyaan dad shisheeyayaal ah.
7 Ülkeleri altınla, gümüşle dolu, Hazinelerinin sonu yok, Sayısız atları, savaş arabaları var.
Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa lacag iyo dahab, oo khasnadahooduna dhammaad ma leh, oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa fardo, oo gaadhifardoodyadooduna innaba dhammaad ma leh.
8 Ülkeleri putlarla dolu; Elleriyle yaptıkları, Parmaklarıyla biçim verdikleri Putların önünde eğiliyorlar.
Oo weliba dalkooda waxaa ka buuxa sanamyo, oo waxay caabudaan shuqulkii gacmahooda, iyo wixii ay farahoodu sameeyeen.
9 Bu yüzden herkes alçaltılıp dize getirilecek. Onları bağışlama, ya RAB!
Oo ninka hoose waa u foororsadaa, oo ninka weynuna waa isu hoosaysiiyaa, haddaba dembigooda ha ka cafiyin.
10 RAB'bin dehşetinden, Yüce görkeminden kaçmak için kayalıklara gidin, Yerin altına saklanın.
Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.
11 İnsanın küstah bakışları alçaltılacak, Gururu kırılacak. O gün yalnız RAB yüceltilecek.
Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
12 Çünkü Her Şeye Egemen RAB o gün Kibirlileri, gururluları, kendini beğenmişleri alçaltacak;
Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa,
13 Lübnan'ın bütün ulu, yüksek sedir ağaçlarını, Başan'ın bütün meşelerini yok edecek;
iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,
14 Bütün ulu dağları, yüksek tepeleri,
iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan,
15 Bütün yüksek kuleleri, güçlü surları Yerle bir edecek;
iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh,
16 Ticaret gemilerinin, güzel teknelerinin hepsini yok edecek.
iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan.
17 İnsanların gururu, kibiri kırılacak, O gün yalnız RAB yüceltilecek,
Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
18 Putlar tümüyle ortadan kalkacak.
Oo sanamyaduna dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.
19 RAB kalkıp yeryüzünü sarsmaya başlayınca, İnsanlar O'nun dehşetinden Ve yüce görkeminden kaçmak için Kayalık mağaralara, yeraltı kovuklarına saklanacaklar.
Markii Rabbigu u soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo ayay dadku cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa ka geli doonaan qorrofyada dhagaxyada, iyo godadka dhulka.
20 O gün insanlar Yeryüzünü sarsmak üzere harekete geçen RAB'bin dehşetinden Ve yüce görkeminden kaçmak için Tapmak amacıyla yaptıkları altın, gümüş putları Köstebeklere, yarasalara atıp Kaya kovuklarına, uçurumlardaki yarıklara saklanacaklar.
Oo maalintaas dadku sanamyadooda lacagta ah iyo sanamyadooda dahabka ah oo ay u samaysteen inay caabudaan waxay u tuuri doonaan jiirarka iyo fiidmeeraha,
si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.
22 Ölümlü insana güvenmekten vazgeçin. Onun ne değeri var ki?
Ka joogsada binu-aadmiga ay neeftiisu ku jirto dulalka sankiisa, waayo, bal maxaa isaga lagu tiriyaa?