< Yaratiliş 11 >

1 Başlangıçta dünyadaki bütün insanlar aynı dili konuşur, aynı sözleri kullanırlardı.
Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.
2 Doğuya göçerlerken Şinar bölgesinde bir ova bulup oraya yerleştiler.
Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.
3 Birbirlerine, “Gelin, tuğla yapıp iyice pişirelim” dediler. Taş yerine tuğla, harç yerine zift kullandılar.
Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.
4 Sonra, “Kendimize bir kent kuralım” dediler, “Göklere erişecek bir kule dikip ün salalım. Böylece yeryüzüne dağılmayız.”
Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.
5 RAB insanların yaptığı kentle kuleyi görmek için aşağıya indi.
Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.
6 “Tek bir halk olup aynı dili konuşarak bunu yapmaya başladıklarına göre, düşündüklerini gerçekleştirecek, hiçbir engel tanımayacaklar” dedi,
Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.
7 “Gelin, aşağı inip dillerini karıştıralım ki, birbirlerini anlamasınlar.”
Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.
8 Böylece RAB onları yeryüzüne dağıtarak kentin yapımını durdurdu.
Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.
9 Bu nedenle kente Babil adı verildi. Çünkü RAB bütün insanların dilini orada karıştırmış ve onları yeryüzünün dört bucağına dağıtmıştı.
Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
10 Sam'ın soyunun öyküsü: Tufandan iki yıl sonra Sam 100 yaşındayken oğlu Arpakşat doğdu.
Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.
11 Arpakşat'ın doğumundan sonra Sam 500 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
12 Arpakşat 35 yaşındayken oğlu Şelah doğdu.
Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:
13 Şelah'ın doğumundan sonra Arpakşat 403 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
14 Şelah 30 yaşındayken oğlu Ever doğdu.
Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.
15 Ever'in doğumundan sonra Şelah 403 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
16 Ever 34 yaşındayken oğlu Pelek doğdu.
Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:
17 Pelek'in doğumundan sonra Ever 430 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
18 Pelek 30 yaşındayken oğlu Reu doğdu.
Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:
19 Reu'nun doğumundan sonra Pelek 209 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
20 Reu 32 yaşındayken oğlu Seruk doğdu.
Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.
21 Seruk'un doğumundan sonra Reu 207 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
22 Seruk 30 yaşındayken oğlu Nahor doğdu.
Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:
23 Nahor'un doğumundan sonra Seruk 200 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
24 Nahor 29 yaşındayken oğlu Terah doğdu.
Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;
25 Terah'ın doğumundan sonra Nahor 119 yıl daha yaşadı. Başka oğulları, kızları oldu.
Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
26 Yetmiş yaşından sonra Terah'ın Avram, Nahor ve Haran adlı oğulları oldu.
Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.
27 Terah soyunun öyküsü: Terah Avram, Nahor ve Haran'ın babasıydı. Haran'ın Lut adlı bir oğlu oldu.
Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.
28 Haran, babası Terah henüz sağken, doğduğu ülkede, Kildaniler'in Ur Kenti'nde öldü.
Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.
29 Avram'la Nahor evlendiler. Avram'ın karısının adı Saray, Nahor'unkinin adı Milka'ydı. Milka Yiska'nın babası Haran'ın kızıydı.
Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.
30 Saray kısırdı, çocuğu olmuyordu.
Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.
31 Terah, oğlu Avram'ı, Haran'ın oğlu olan torunu Lut'u ve Avram'ın karısı olan gelini Saray'ı yanına aldı. Kenan ülkesine gitmek üzere Kildaniler'in Ur Kenti'nden ayrıldılar. Harran'a gidip oraya yerleştiler.
Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.
32 Terah iki yüz beş yıl yaşadıktan sonra Harran'da öldü.
Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.

< Yaratiliş 11 >