< Misir'Dan Çikiş 18 >

1 Musa'nın kayınbabası Midyanlı Kâhin Yitro, Tanrı'nın Musa ve halkı İsrail için yaptığı her şeyi, RAB'bin İsrailliler'i Mısır'dan nasıl çıkardığını duydu.
Haddaba wadaadkii Midyaan oo Yetroo ahaa, Muusena soddog u ahaa, ayaa wuxuu maqlay kulli wixii Rabbigu u sameeyey Muuse iyo dadkiisa reer binu Israa'iil, iyo sidii Rabbigu reer binu Israa'iil uga soo bixiyey dalkii Masar.
2 Musa'nın kendisine göndermiş olduğu karısı Sippora'yı ve iki oğlunu yanına aldı. Musa, “Garibim bu yabancı diyarda” diyerek oğullarından birine Gerşom adını vermişti.
Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu soo kexeeyey naagtii Muuse oo ahayd Siforaah, markuu iska diray dabadeed,
3
iyadii iyo labadeedii wiilba, oo midkood magiciisu wuxuu ahaa Gershoom, waayo, wuxuu yidhi, Qariib baan ku ahaa dal qalaad,
4 Sonra, “Babamın Tanrısı bana yardım etti, beni firavunun kılıcından esirgedi” diyerek öbürüne de Eliezer adını koymuştu.
midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon.
5 Yitro Musa'nın karısı ve oğullarıyla birlikte Tanrı Dağı'na, Musa'nın konakladığı çöle geldi.
Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa Muuse ugu yimid cidladii ay degeen oo buurtii Ilaah agteeda ahayd isagoo wada wiilashiisii iyo naagtiisii.
6 Musa'ya şu haberi gönderdi: “Ben, kayınbaban Yitro, karın ve iki oğlunla birlikte sana geliyoruz.”
Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigoo ah Yetroo soddoggaa waan kuu imid aniga iyo naagtaada iyadoo wadata labadeedii wiilba.
7 Musa kayınbabasını karşılamaya çıktı, önünde eğilip onu öptü. Birbirinin hatırını sorup çadıra girdiler.
Markaasaa Muuse dibadda u baxay inuu ka hor tago soddoggiis, kolkaasuu u sujuuday oo dhunkaday, markaasaa intay iswaraysteen ayay teendhadii soo galeen.
8 Musa İsrailliler uğruna RAB'bin firavunla Mısırlılar'a bütün yaptıklarını, yolda çektikleri sıkıntıları, RAB'bin kendilerini nasıl kurtardığını kayınbabasına bir bir anlattı.
Markaasaa Muuse wuxuu soddoggiis u sheegay kulli wixii Rabbigu ku sameeyey Fircoon iyo Masriyiintii oo uu ugu sameeyey reer binu Israa'iil aawadood, iyo wixii dhib iyaga ku dhacay oo dhan intay soo socdeen, iyo sidii Rabbigu uga samatabbixiyey.
9 Yitro RAB'bin İsrailliler'e yaptığı iyiliklere, onları Mısırlılar'ın elinden kurtardığına sevindi.
Markaasaa Yetroo ku farxay kulli wanaaggii Rabbigu reer binu Israa'iil u sameeyey oo dhan, iyo bixinta uu ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta.
10 “Sizi Mısırlılar'ın ve firavunun elinden kurtaran RAB'be övgüler olsun” dedi, “Halkı Mısır'ın boyunduruğundan O kurtardı.
Markaasaa Yetroo wuxuu yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbigii idinka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta, iyo gacantii Fircoon; oo kaasu waa kii dadka ka soo samatabbixiyey gacantii Masriyiinta hoosteeda.
11 Artık biliyorum ki, RAB bütün ilahlardan büyüktür. Çünkü onların gurur duyduğu şeylerin üstesinden geldi.”
Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.
12 Sonra Tanrı'ya yakmalık sunu ve kurbanlar getirdi. Harun'la bütün İsrail ileri gelenleri, Musa'nın kayınbabasıyla Tanrı'nın huzurunda yemek yemeye geldiler.
Markaasaa Yetroo oo Muuse soddog u ahaa ayaa wuxuu qaaday qurbaan la gubo iyo allabaryo. Markaasaa waxaa yimid Haaruun iyo waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan inay Ilaah hortiisa kibis kula cunaan Muuse soddoggiis.
13 Ertesi gün Musa halkın davalarına bakmak için yargı kürsüsüne çıktı. Halk sabahtan akşama kadar çevresinde ayakta durdu.
Markaasaa waxaa maalintii dambe dhacday in Muuse u fadhiistay inuu dadkii u kala gar naqo; dadkiina waxay Muuse ag taagnaayeen subaxdii ilaa makhribkii.
14 Kayınbabası Musa'nın halk için yaptıklarını görünce, “Nedir bu, halka yaptığın?” dedi, “Neden sen tek başına yargıç olarak oturuyorsun da herkes sabahtan akşama kadar çevrende bekliyor?”
Oo Muuse soddoggiis markuu arkay wixii uu dadkii ku sameeyey oo dhan ayuu yidhi, Waa maxay waxan aad dadka ku samaynaysaa? Oo maxaad keligaa u fadhidaa, dadka oo dhammuna kuu ag taagan yahay subaxda ilaa makhribka?
15 Musa, “Çünkü halk Tanrı'nın istemini bilmek için bana geliyor” diye yanıtladı,
Markaasaa Muuse soddoggiis ku yidhi, Maxaa yeelay, dadku waxay iigu yimaadaan inay Ilaah wax iga weyddiiyaan.
16 “Ne zaman bir sorunları olsa, bana gelirler. Ben de taraflar arasında karar veririm; Tanrı'nın kurallarını, yasalarını onlara bildiririm.”
Oo markay wax isu haystaanna anigay ii yimaadaan, oo markaasaan u kala gar naqaa nin iyo deriskiisa, oo waxaan iyaga ogeysiiyaa amarrada Ilaah iyo qaynuunnadiisa.
17 Kayınbabası, “Yaptığın iş iyi değil” dedi,
Markaasaa Muuse soddoggiis wuxuu isaga ku yidhi, War waxaad samaysaa ma wanaagsana.
18 “Hem sen, hem de yanındaki halk tükeneceksiniz. Bu işi tek başına kaldıramazsın. Sana ağır gelir.
Waayo, hubaal waad ku daali doontaan, adiga iyo dadka kula joogaaba, maxaa yeelay, waxanu waa kugu culus yihiin adiga; oo ma aad awooddid inaad keli ahaantaa samayso.
19 Beni dinle, sana öğüt vereyim. Tanrı seninle olsun. Tanrı'nın önünde halkı sen temsil etmeli, sorunlarını Tanrı'ya sen iletmelisin.
Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.
20 Kuralları, yasaları halka öğret, izlemeleri gereken yolu, yapacakları işi göster.
Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.
21 Bunun yanısıra halkın arasından Tanrı'dan korkan, yetenekli, haksız kazançtan nefret eden dürüst adamlar seç; onları biner, yüzer, ellişer, onar kişilik toplulukların başına önder ata.
Oo weliba waa inaad dadka oo dhan kala soo baxdaa rag karti leh, oo Ilaah ka cabsada, oo daacad ah, oo neceb faa'iidada xaqdarrada ah, oo kuwo caynkaas ah madax uga dhig, inay ahaadaan kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya,
22 Halka sürekli onlar yargıçlık etsin. Büyük davaları sana getirsinler, küçük davaları kendileri çözsünler. Böylece işini paylaşmış olurlar. Yükün hafifler.
oo kuwaasu dadka ha u gar naqeen had iyo goor, oo waxay noqon doontaa in wixii weyn oo dhan ay adiga kuu keenaan, laakiinse wixii yar oo dhan ay iyagu ka gar naqi doonaan; oo sidaasaa hawshu kaaga yaraan doontaa, oo iyana hawshay kula qaybsan doonaan.
23 Eğer böyle yaparsan, Tanrı da buyurursa, dayanabilirsin. Herkes esenlik içinde evine döner.”
Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan.
24 Musa kayınbabasının sözünü dinledi. Söylediği her şeyi yerine getirdi.
Sidaas daraaddeed Muuse wuu dhegaystay hadalkii soddoggiis, wuuna wada sameeyey wixii uu ku yidhi oo dhan.
25 İsrailliler arasından yetenekli adamlar seçti. Onları biner, yüzer, ellişer, onar kişilik toplulukların başına önder atadı.
Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay rag karti leh, oo wuxuu ka dhigay madaxdii dadka, oo ah kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya, iyo kuwo konton konton u taliya, iyo kuwo toban toban u taliya.
26 Halka sürekli yargıçlık eden bu kişiler zor davaları Musa'ya getirdiler, küçük davaları ise kendileri çözdüler.
Oo dadkay u gar naqi jireen had iyo goorba, oo arrimaha adadagna waxay u keeni jireen Muuse, laakiinse wixii yaryar oo dhan iyagaa ka gar naqi jiray.
27 Sonra Musa kayınbabasını uğurladı. Yitro da ülkesine döndü.
Markaasaa Muuse u oggolaaday soddoggiis inuu tago, isna dalkiisii ayuu tegey.

< Misir'Dan Çikiş 18 >