< Yasa'Nin Tekrari 7 >
1 “Tanrınız RAB mülk edinmek üzere gideceğiniz ülkeye sizi götürdüğünde, önünüzden birçok ulusu –Hititler'i, Girgaşlılar'ı, Amorlular'ı, Kenanlılar'ı, Perizliler'i, Hivliler'i, Yevuslular'ı, sizden daha büyük ve daha güçlü yedi ulusu– kovacak.
Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
2 Tanrınız RAB bu ulusları elinize teslim ettiğinde, onları bozguna uğrattığınızda, tümünü yok etmelisiniz. Bu uluslarla antlaşma yapmayacaksınız, onlara acımayacaksınız.
oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
3 Kız alıp vermeyeceksiniz. Kızlarınızı oğullarına vermeyeceksiniz; oğullarınıza da onlardan kız almayacaksınız.
Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.
4 Çünkü onlar oğullarınızı beni izlemekten saptıracak, başka ilahlara tapmalarına neden olacaklardır. O zaman RAB size öfkelenecek ve sizi çabucak yok edecek.
Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.
5 Onlara şöyle yapacaksınız: Sunaklarını yıkacak, dikili taşlarını parçalayacak, Aşera putlarını devirecek, öbür putlarını yakacaksınız.
Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.
6 “Siz Tanrınız RAB için kutsal bir halksınız. Tanrınız RAB, öz halkı olmanız için, yeryüzündeki bütün halkların arasından sizi seçti.
Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
7 RAB'bin sizi sevmesinin ve seçmesinin nedeni öbür halklardan daha kalabalık olduğunuzdan değil. Siz sayıca öbür halklardan azdınız.
Badnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
8 RAB size sevgisini göstermek ve atalarınıza ant içerek verdiği sözü yerine getirmek için güçlü eliyle sizi Mısır'dan çıkardı; köle olduğunuz ülkeden, Mısır Firavunu'nun elinden sizi kurtardı.
laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
9 Tanrınız RAB'bin Tanrı olduğunu bilin. O güvenilir Tanrı'dır. Kendisini sevenlerin, buyruklarına uyanların bininci kuşağına kadar antlaşmasına bağlı kalır.
Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.
10 Kendisinden nefret edenlere ise üzerlerine yıkım göndererek karşılık verir. RAB kendisinden nefret edene karşılık vermekte gecikmeyecek.
Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.
11 Onun için, bugün size bildirdiğim buyruklara, kurallara, ilkelere uymaya dikkat edin.”
Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
12 “Bu ilkeleri dinler, onlara özenle uyarsanız, Tanrınız RAB atalarınıza ant içerek verdiği söz uyarınca sizinle yaptığı antlaşmaya bağlı kalacak.
Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,
13 Sizi sevecek, kutsayacak, çoğaltacak. Atalarınıza ant içerek size söz verdiği ülkede rahminizin meyvesini, toprağınızın ürününü –tahılını, yeni şarabını, zeytinyağını– sığırlarınızın buzağılarını, sürülerinizin kuzularını bereketli kılacak.
wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
14 Öbür halklardan daha çok kutsanmış olacaksınız. Erkekleriniz, kadınlarınız, hayvanlarınız arasında döl vermeyen olmayacak.
Oo dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays.
15 RAB her türlü hastalığı sizden uzaklaştıracak. Mısır'da gördüğünüz korkunç hastalıklardan hiçbirini size vermeyecek. Bütün bu hastalıkları sizden nefret edenlere verecek.
Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.
16 Tanrınız RAB'bin elinize teslim edeceği halkların tümünü yok edeceksiniz. Onlara acımayacaksınız. İlahlarına tapmayacaksınız. Çünkü bu sizin için tuzak olacaktır.
Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
17 “‘Bu uluslar bizden daha güçlü. Onları nasıl kovabiliriz?’ diye düşünebilirsiniz.
Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
18 Onlardan korkmayacaksınız. Tanrınız RAB'bin firavuna ve bütün Mısır'a yaptıklarını her zaman anımsayın.
waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
19 Tanrınız RAB'bin sizi Mısır'dan çıkarmak için yaptığı büyük denemeleri, belirtileri, şaşılası işleri, güçlü ve kudretli elini gözlerinizle gördünüz. Tanrınız RAB şimdi korktuğunuz bütün bu halklara aynısını yapacaktır.
Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.
20 Sizden gizlenerek sağ kalmış olanların üzerine, hepsi yok olana dek eşekarısı gönderecek.
Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
21 Onlardan yılmayacaksınız. Aranızda olan Tanrınız RAB ulu ve heybetli bir Tanrı'dır.
Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.
22 Bu ulusları önünüzden azar azar kovacak. Onları birden ortadan kaldıramazsınız. Yoksa çevrenizde yabanıl hayvanlar çoğalır.
Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
23 Tanrınız RAB onları elinize teslim edecek ve hepsi yok oluncaya dek onları şaşkına çevirecek.
Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.
24 Krallarını elinize teslim edecek; adlarını göğün altından sileceksiniz. Onları yok edene dek kimse size karşı duramayacak.
Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
25 İlahlarını simgeleyen putları yakacaksınız; üzerlerindeki altına, gümüşe göz dikmeyecek, bunları kendinize ayırmayacaksınız. Öyle ki, tuzağa düşmeyesiniz. Bu putlar Tanrınız RAB'bin gözünde iğrençtir.
Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.
26 Bu iğrenç şeyleri evinize getirmeyeceksiniz, yoksa siz de onlar gibi yok olursunuz. Onlardan çok nefret edecek, tiksineceksiniz; çünkü onlar yok olmaya mahkûmdur.”
Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.