< 1 Krallar 3 >

1 Süleyman, Mısır Firavunu'nun kızıyla evlendi. Böylece firavunla müttefik oldu. Eşini Davut Kenti'ne götürdü. Kendi sarayı, RAB'bin Tapınağı ve Yeruşalim'in çevre surları tamamlanıncaya kadar orada yaşadılar.
Markaasaa Sulaymaan xidhiidh la yeeshay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, oo soo kaxaystay Fircoon gabadhiisii, wuxuuna keenay magaaladii Daa'uud ilaa uu dhammeeyey dhismihii gurigiisa, iyo gurigii Ilaah, iyo derbigii Yeruusaalem ku wareegsanaa.
2 Halk, hâlâ çeşitli tapınma yerlerinde RAB'be kurban sunuyordu. Çünkü o güne dek RAB'bin adına yapılmış bir tapınak yoktu.
Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.
3 Süleyman babası Davut'un kurallarına uyarak RAB'be olan sevgisini gösterdi. Ancak hâlâ çeşitli tapınma yerlerinde kurban sunuyor, buhur yakıyordu.
Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.
4 Tapınma yerlerinin en ünlüsü Givon'daydı. Kral Süleyman oraya giderek sunakta bin yakmalık sunu sundu.
Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.
5 RAB Tanrı, Givon'da o gece rüyada Süleyman'a görünüp, “Sana ne vermemi istersin?” diye sordu.
Oo Gibecoon buu Rabbigu Sulaymaan habeennimo riyo ugu muuqday, markaasaa Ilaah ku yidhi, I weyddiiso wax aan ku siiyo.
6 Süleyman, “Kulun babam Davut'a büyük iyilikler yaptın” diye karşılık verdi, “O sana bağlı, doğru, bütün yüreğiyle dürüst biri olarak yolunda yürüdü. Bugün tahtına oturacak bir oğul vermekle ona büyük bir iyilik daha yapmış oldun.
Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.
7 “Ya RAB Tanrım! Ben henüz çocuk denecek bir yaşta, yöneticilik nedir bilmezken bu kulunu babam Davut'un yerine kral atadın.
Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona.
8 İşte kulun kendi seçtiğin kalabalık halkın, sayılamayacak kadar büyük bir kalabalığın ortasındadır.
Oo anoo addoonkaaga ahuna waxaan dhex joogaa dadkaagii aad dooratay, oo ah dad badan oo aan la tirin karin, lana xisaabi karin faro badnaantooda.
9 Bu yüzden bana öyle sezgi dolu bir yürek ver ki, iyi ile kötüyü ayırt edip halkını yönetebileyim. Başka türlü senin bu büyük halkını kim yönetebilir!”
Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah i sii qalbi wax garanaya oo aan dadkaaga ku xukumo, si aan ku kala garto xumaanta iyo samaanta, waayo, bal yaa kara inuu dadkaagan badan xukumo?
10 Süleyman'ın bu isteği Rab'bi hoşnut etti.
Oo hadalkaasuna Sayidka wuu ka farxiyey markii Sulaymaan waxaas weyddiistay.
11 Tanrı ona şöyle dedi: “Madem kendin için uzun ömür, zenginlik ve düşmanlarının ölümünü istemedin, bunların yerine adil bir yönetim için bilgelik istedin; isteğini yerine getireceğim. Sana öyle bir bilgelik ve sezgi dolu bir yürek vereceğim ki, benzeri ne senden öncekilerde görülmüştür, ne de senden sonrakilerde görülecektir.
Markaasaa Ilaah wuxuu ku yidhi, Weyddiisashada aad waxaas i weyddiisatay aawadeed, oo aadan cimri dheer i weyddiisan, oo aadan maal i weyddiisan, ama xataa aadan i weyddiisan nolosha cadaawayaashaada, laakiinse aad i weyddiisatay waxgarasho aad ku garatid xukunka,
ayaan kuugu yeelay wixii aad i weyddiisatay, oo bal eeg, waxaan ku siiyey qalbi caqli iyo waxgarasho leh, sidaas daraaddeed mid kula mid ahu hortaa ma jirin, dabadaana mid kula mid ahu ma jiri doono.
13 Sana istemediklerini de vereceğim: Yaşadığın sürece öbür kralların erişemeyeceği bir zenginlik ve onura ulaşacaksın.
Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.
14 Eğer sen de baban Davut gibi kurallarıma ve buyruklarıma uyup yollarımda yürürsen, sana uzun ömür de vereceğim.”
Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.
15 Süleyman uyanınca bunun bir rüya olduğunu anladı. Sonra Yeruşalim'e gitti, Rab'bin Antlaşma Sandığı'nın önünde durup yakmalık sunular ve esenlik sunuları sundu. Ayrıca bütün görevlilerine de bir şölen verdi.
Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.
16 Bir gün iki fahişe gelip kralın önünde durdu.
Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.
17 Kadınlardan biri krala şöyle dedi: “Efendim, bu kadınla ben aynı evde kalıyoruz. Birlikte kaldığımız sırada ben bir çocuk doğurdum.
Oo naagihii middood baa waxay ku tidhi, Sayidow, aniga iyo naagtanu isku guri baannu deggan nahay, oo anigu gurigaan ku umulay iyadoo joogta.
18 İki gün sonra da o doğurdu. Evde yalnızdık, ikimizden başka kimse yoktu.
Oo maalintii aan umulay tii ka saddex ahayd ayay naagtanuna umushay, waannuna wada joognay, oo labadayada mooyaane cid qalaadi guriga nagulama jirin.
19 Bu kadın geceleyin çocuğunun üzerine yattığı için çocuk ölmüş.
Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.
20 Gece yarısı, ben kulun uyurken, kalkıp çocuğumu almış, koynuna yatırmış, kendi ölü çocuğunu da benim koynuma koymuş.
Markaasay habeenbadhkii kacday, intii anoo addoontaada ahu aan hurday, oo ilmahaygii dhinacayga ka qaadatay, oo laabta gashatay, keedii dhintayna anigay laabta ii gelisay.
21 Sabahleyin oğlumu emzirmek için kalktığımda, onu ölmüş buldum. Ama sabah aydınlığında dikkatle bakınca, onun benim doğurduğum çocuk olmadığını anladım.”
Oo markaan subaxdii toosay oo aan damcay inaan ilmahayga nuujiyo ayaan arkay inuu dhintay, laakiinse subaxdiiba markaan u fiirsaday ayaan ogaaday inuusan ahayn wiilkaygii aan dhalay.
22 Öbür kadın, “Hayır! Yaşayan çocuk benim, ölü olan senin!” diye çıkıştı. Birinci kadın, “Hayır! Ölen çocuk senin, yaşayan çocuk benim!” diye diretti. Kralın önünde böyle tartışıp durdular.
Oo naagtii kalena waxay tidhi, Saas ma aha, laakiinse kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii. Iyaduna waxay tidhi, Maya ee kan dhintay waa wiilkaagii, kan nooluna waa wiilkaygii. Oo sidaasay boqorka hortiisii ugu hadleen.
23 Kral, “Biri, ‘Yaşayan çocuk benim, ölü olan senin’ diyor, öbürü, ‘Hayır! Ölen çocuk senin, yaşayan benim’ diyor.
Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Midu waxay leedahay, Kan noolu waa wiilkaygii, kan dhintayna waa wiilkaagii; tan kalena waxay leedahay, Maya, laakiinse wiilkaagii waa kan dhintay, wiilkaygiise waa kan nool.
24 O halde bana bir kılıç getirin!” dedi. Kılıç getirilince,
Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Bal seef ii keena. Kolkaasay boqorkii seef u keeneen.
25 kral, “Yaşayan çocuğu ikiye bölüp yarısını birine, yarısını öbürüne verin!” diye buyurdu.
Oo haddana boqorkii wuxuu yidhi, Ilmaha nool laba u kala qaybiya, oo middood badh siiya, badhka kalena tan kale siiya.
26 Yüreği oğlunun acısıyla sızlayan, çocuğun gerçek annesi krala, “Aman efendim, sakın çocuğu öldürmeyin! Ona verin!” dedi. Öbür kadınsa, “Çocuk ne benim, ne de senin olsun, onu ikiye bölsünler!” dedi.
Markaasaa naagtii wiilka nool lahayd boqorkii la hadashay oo ku tidhi, Sayidow, wiilka nool iyada sii, laakiinse sinaba ha u dilin, waayo, waxay u calool jilicsanaatay wiilkeeda. Laakiinse tii kale waxay tidhi, Anigu yeelan maayo, adna yeelan maysid ee qaybi.
27 O zaman kral kararını verdi: “Sakın çocuğu öldürmeyin! Birinci kadına verin, çünkü gerçek annesi odur.”
Markaasaa boqorkii wuxuu ku jawaabay, Wiilka nool iyada siiya oo hana dilina, maxaa yeelay, iyadu waa hooyadiis.
28 Kralın verdiği bu kararı duyan bütün İsrailliler hayranlık içinde kaldı. Herkes adil bir yönetim için Süleyman'ın Tanrı'dan gelen bilgeliğe sahip olduğunu anladı.
Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.

< 1 Krallar 3 >