< Psaltaren 68 >

1 En Psalmvisa Davids, till att föresjunga. Gud stånde upp, att hans fiender måga förströdde varda, och de honom hata, fly för honom.
Ilaah ha sara joogsado, oo cadaawayaashiisuna ha kala firdheen, Kuwa necebuna hortiisa ha ka carareen.
2 Fördrif dem, såsom en rök fördrifven varder; såsom vax försmälter för eld, så förgånge de ogudaktige för Gudi.
Sida qiiqu u kala firdho, iyagana sidaasoo kale u kala firdhi, Sida shamacu dabka ugu dhalaalo, Sidaasoo kale kuwa sharka lahu Ilaah hortiisa ha ku baabbe'een.
3 Men de rättfärdige fröjde sig, och vare glade för Gudi, och fröjde sig af hjertat.
Laakiinse kuwa xaqa ahu ha farxeen, oo Ilaah hortiisa ha ku reyreeyeen, Haah, oo farxad ha ku reyreeyeen.
4 Sjunger Gudi, lofsjunger hans Namne; görer honom väg, som sakta framfar; han heter Herren; och glädjens för honom.
Ilaah u gabya, oo magiciisa ammaan ugu gabya, Kan lamadegaanka dhex mara jid weyn u fala, Magiciisu waa Yaah, ee hortiisa ku reyreeya.
5 Den en fader är åt faderlösa, och en domare för enkom; han är Gud i sin helga boning;
Ilaah wuxuu rugtiisa quduuskaa ku yahay Agoonta aabbahood iyo carmallada xaakinkooda.
6 En Gud, som dem ensammom gifver huset fullt med barn; den der fångar utförer i rättom tid, och låter de affälliga blifva i det torra.
Kuwa cidlaysan Ilaah reero ayuu u yeelaa, Oo maxaabiistana intuu soo bixiyo ayuu barwaaqo dhex geeyaa, Laakiinse caasiyiintu waxay degganaadaan dhul oommane ah.
7 Gud, då du utdrogst för ditt folk, då du gick i öknene; (Sela)
Ilaahow, markaad dadkaaga hor kacday, Markaad lamadegaanka ku dhex socotay, (Selaah)
8 Då bäfvade jorden, och himlarna dröpo för denna Guden i Sinai; för Gudi, som Israels Gud är.
Dhulku waa gariiray, Samooyinkuna waxay ku de'een Ilaah hortiisa, Xataa Buur Siinay nafteedu waxay ka gariirtay Ilaah hortiisa, kaasoo ah Ilaaha Israa'iil.
9 Men nu gifver du, Gud, ett nådeligit regn; och ditt arf, det torrt är, vederqvicker du;
Ilaahow, waxaad soo daysay roob badan, Oo kuwa dhaxalkaagu markay daallanaayeenna waad xoogaysay.
10 Att din djur måga bo deruti. Gud, du vederqvicker de elända med dine godhet.
Ururkaagu halkaasuu dhex degganaa, Ilaahow, wanaaggaaga aawadiis wax baad u diyaarisay masaakiinta.
11 Herren gifver ordet, med en stor Evangelisters skara.
Sayidku wuxuu bixiyey erayga, Kuwa warka faafiyaana waa guuto weyn.
12 Konungarna för härarna äro med hvarannan vänner, och husäran utskifter rofvet.
Boqorrada ciidammadu way cararaan, way cararaan, Oo tan guriga ku hadha ayaa dhaca qaybisa.
13 När I liggen i markene, så glimmar det såsom dufvovingar, hvilke såsom silfver och guld glittra.
Xeryaha idaha miyaad iska dhex jiifaysaan, Sidii baadad qoolley oo lacag lagu dahaadhay, Iyo baalasheeda oo dahab cas lagu dahaadhay?
14 När den Allsmägtige allestäds ibland dem Konungar sätter, så varder klart, der mörkt är.
Markii Qaadirku boqorrada halkaas ku kala dhex firdhiyey, Waxay ahayd sida marka baraf cad ku da'o Salmoon.
15 Guds berg är ett fruktsamt berg, ett stort och fruktsamt berg.
Buur Ilaah waxaa ah Buur Baashaan. Oo buur dheer waxaa ah Buur Baashaan.
16 Hvi springen I, stor berg? Gud hafver lust till att bo på detta berget, och Herren blifver der ock evinnerliga.
Buurihiinnan dhaadheerow, bal maxaad u quudhsanaysaan Buurta Ilaah uu jeclaaday inuu hoygiisii ka dhigto? Haah, oo Rabbigu halkaasuu degganaan doonaa weligiisba.
17 Guds vagn är mång tusende tusend. Herren är ibland dem på det helga Sinai.
Ilaah gaadhifardoodyadiisu waa labaatan kun, iyo xataa kumanyaal iyo kumaankun, Sayidku wuu ku dhex jiraa iyaga, siduu Siinay ugu jiri jiray xagga meesha quduuska ah.
18 Du hafver farit upp i höjdena, och hafver fångat fängelset; du hafver undfått gåfvor för menniskorna; de affällige ock, att Herren Gud skall ändå likväl blifva der.
Adigu kor baad u baxday, oo waxaad qabatay oo kaxaysay kuwii maxaabiista ahaan jiray. Oo waxaad hadiyado ka qaadatay dadka dhexdiisa, Iyo xataa caasiyiintaba, in Rabbiga Ilaah ahu halkaas joogo aawadeed.
19 Lofvad vare Herren dagliga. Gud lägger oss ena bördo uppå; men han hjelper oss ock. (Sela)
Waxaa mahad leh Sayidka maalin kasta culaabteenna inoo qaada, Kaasoo ah Ilaaha ina badbaadiya. (Selaah)
20 Vi hafve en Gud, en Gud, den der hjelper, och Herran, Herran, den ifrå döden frälsar.
Ilaah wuxuu inoo yahay Ilaaha samatabbixinta, Ilaaha Sayidka ah ayaa iska leh dhimashada kabixiddeeda.
21 Men Gud skall sönderslå hufvudet på sina fiendar, samt med deras hjessa, som blifva i deras synder.
Laakiinse Ilaah wuxuu wax ku dhufan doonaa madaxa cadaawayaashiisa, Iyo dhalada timaha leh oo kan xadgudubyadiisa ku sii socdaba.
22 Dock säger Herren: Jag vill hemta somliga ibland de feta; utu hafsens djup vill jag somliga hemta.
Sayidku wuxuu yidhi, Waxaan iyaga ka soo celin doonaa xagga Baashaan, Oo waxaan ka soo bixin doonaa badda moolkeeda,
23 Derföre skall din fot uti fiendernas blod färgad varda, och dine hundar skola det slicka.
Inaad cagtaada dhiig darsatid, Iyo in eeyahaaga carrabkoodu uu qayb ka helo cadaawayaashaada.
24 Man ser, Gud, huru du går; huru du, min Gud och Konung, i helgedomenom går.
Ilaahow, waxay arkeen tegiddaadii, Taas oo ah tegiddii Ilaahay oo ah Boqorkayga oo uu galay meesha quduuska ah.
25 De sångare gå framföre, der näst de spelmän, ibland pigor som slå på trummor.
Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
26 Lofver Herran Gud i församlingomen, för Israels brunn.
Kuwiinnan isha Israa'iil ka soo farcamayow, Shirarka ku dhex ammaana Ilaaha Sayidka ah.
27 Der är rådandes ibland dem den litsle BenJamin, Juda Förstar, med deras hopar, Sebulons Förstar, Naphthali Förstar.
Waxaa jooga Benyaamiin yar oo ah taliyahooda, Iyo amiirrada reer Yahuudah iyo guddigooda, Iyo amiirrada reer Sebulun iyo amiirrada reer Naftaali.
28 Din Gud hafver upprättat ditt rike, det stärk, Gud, i oss; ty det är ditt verk.
Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.
29 För ditt tempels skull i Jerusalem, skola Konungar föra dig skänker.
Macbudkaaga Yeruusaalem ku yaal daraaddiis Ayaa boqorro waxay kuugu keeni doonaan hadiyado.
30 Straffa djuret i rören, oxahoparna ibland deras kalfvar, de der drifva för penningars skull. Han förströr de folk, som gerna örliga.
Canaano dugaagga cawsduurka ku dhex jira, Iyo dibida tirada badan, iyo weylaha dadka Oo ku tumanaya lacagta gogo'a ah, Isagu wuu kala firdhiyey dadyowga dagaalka jecel.
31 De Förstar utur Egypten skola komma; Ethiopien skall utsträcka sina händer till Gud.
Masar waxaa ka iman doona amiirro, Itoobiyana haddiiba gacmaheeday u hoorsan doontaa Ilaah.
32 I Konungariken på jordene, sjunger Gudi; lofsjunger Herranom. (Sela)
Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)
33 Den der vistas i himmelen, allestädes af begynnelsen; si, han skall gifva sino dundre kraft.
Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
34 Gifver Gudi magten; hans härlighet är i Israel, och hans magt i skyn.
Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
35 Gud är underlig i sinom helgedom; han är Israels Gud, han skall gifva folkena magt och kraft. Lofvad vare Gud.
Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.

< Psaltaren 68 >