< Wimbo wa Sulemani 5 >

1 Nimekuja katika bustani yangu, dada yangu, bibi arusi wangu; Nimekusanya udi wangu na manukato yangu. Nimekula mziga wangu wa asali na asali yangu; Nimekunywa mvinyo wangu pamoja na maziwa yangu. Marafiki wanazungumza na wapenzi Kuleni, marafiki; kunyweni na mlewe na mapenzi. Mwanamke mdogo akizungumza mwenyewe
Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay, Saaxiibadaha Hadlayaa Saaxiibbadayow, wax cuna, Wax cabba, gacaliyayaalow, aad u cabba.
2 Nilikuwa nimelala, lakini moyo wangu ulikuwa umeamka katika ndoto. Sauti ya mpenzi wangu yabisha na kusema, “Nifungulie, dada yangu, mpenzi wangu, hua wangu, wangu usiye na doa, kwa kuwa kichwa changu kimelowa na matone, nywele zangu na unyevu wa usiku.”
Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.
3 “Nimevua joho langu; lazima nilivae tena? Nimeosha miguu yangu; lazima ni ichafue?”
Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?
4 Mpenzi wangu anaeka mkono wake kwenye kitasa, na moyo wangu ukawaka kwa ajili yake.
Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.
5 Nimeamka kumfungulia mlango mpenzi wangu; mikono yangu ikawa yamiminika na udi, vidole vyangu na unyevu wa udi, katika komeo la mlango.
Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.
6 Nimemfungulia mlango mpenzi wangu, lakini mpenzi wangu aligeuka na kwenda. Moyo wangu ukadidimia; nikakosa tumaini. Nikamtafuta, lakini sikumpata; nikamuita, lakini hakunijibu.
Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.
7 Walinzi waliokuwa wakizunguka mjini walinipata mimi; walinipiga chini na kunijeruhi; askari katika ukuta walichukua nguo yangu ya juu. Mwanamke mdogo akizungumza na wanawake wa mji
Oo waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen. Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday.
8 Ninataka uhaidi, mabinti wa Yerusalemu, kwamba mkimuona mpenzi wangu, mwambie ninaumwa sababu ya upendo wangu kwake. Wanawake wa mji wakizungumza na mwanamke mdogo
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.
9 Mpenzi wako ana ubora gani kuliko mwanaume mwengine, wewe uliye mzuri miongoni mwa wanawake? Kwanini mpenzi wako bora kuliko mpenzi mwengine, hadi utuulize tuweke nadhiri kama hii? Mwanamke mdogo akizungumza na wanawake wa mji
Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?
10 Mpenzi wangu amenawiri na ana ng'aa, kati ya wanaume elfu kumi.
Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.
11 Kichwa chake ni dhahabu safi; nywele zake ni laini na nyeusi kama kunguru.
Madaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.
12 Macho yake ni kama ya hua pembezoni ya vijito vya maji, yameoshwa na maziwa, yameundwa kama mikufu.
Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.
13 Mashavu yake ni kama vitanda vya manukato, vinavyotoa arufu ya marashi. Midomo yake nni nyinyoro, inayo tiririka udi.
Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.
14 Mikono yake ni ya mianzi ya dhahabu iliyo zungushiwa mikufu; tumbo lake ni pembe lililo funikwa yakuti samawi.
Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.
15 Miguu yake ni nguzo za marimari, iliyo ekwa juu ya dhahabu safi; muonekano wake ni kama Lebanoni, mizuri kama mierezi.
Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah, Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.
16 Mdomo wake ni mtamu; ni mzuri sana. Huyu ni mpenzi wangu, na huyu ni rafiki yangu, mabinti wa Yerusalemu.
Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

< Wimbo wa Sulemani 5 >