< Ufunuo 14 >
1 Nilitazama na nikaona Mwana Kondoo amesimama mbele yangu juu ya Mlima Sayuni. Pamoja naye walikuwa 144, 000 wenye jina lake na jina la Baba yake limeandikwa katika vipaji vya nyuso zao.
Oo bal eeg, waxaan arkay Wankii oo ku dul taagan Buur Siyoon, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo afar iyo afartan kun oo qof, oo waxaa wejiga ugu qornaa isaga magiciisa iyo magaca aabbihiis.
2 Nikasikia sauti kutoka mbinguni ikisikika kama ngurumo za maji mengi na sauti kubwa ya radi. Sauti niliyoisikia ni kama wapiga vinubi wapigao vinubi vyao.
Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda;
3 Wakiimba wimbo mpya mbele za kiti cha enzi na mbele za wenye uhai wanne na wazee. Hakuna hata mwenye uwezo wa kujifunza huo wimbo isipokuwa kwa 144, 000 ambao wamekombolewa kutoka duniani.
markaasay carshiga hortiisa iyo afartii xayawaan iyo odayaasha hortoodii waxay ku gabyeen gabay cusub; oo gabaygaas ninna ma baran karin, boqol iyo afar iyo afartanka kun oo dunida laga soo iibsaday mooyaane.
4 Hawa ni wale ambao hawakujichafua wenyewe kwa wanawake, maana walijitunza wenyewe dhidi ya matendo ya zinaa. Ni hawa ambao walimfuata Mwana Kondoo popote alipoenda. Hawa walikombolewa kutoka kwa wanadamu wakiwa matunda ya kwanza kwa Mungu na kwa Mwana Kondoo.
Kuwanu waa kuwii aan naagaha ku nijaasoobin; waayo, iyagu waa daahir; kuwanu waa kuwa Wanka u raaca meel alla meeshuu tagoba. Kuwan waxaa laga soo iibsaday dadka inay midhaha ugu horreeya u noqdaan Ilaah iyo Wankaba.
5 Hakuna uongo uliopatikana katika vinywa vyao; hawalaumiwi.
Oo afkooda innaba been lagama helin, iinna ma leh.
6 Nikaona malaika mwingine akiruka katikati ya mbingu, ambaye mwenye ujumbe wa mbinguni wa habari njema kwa kuwatangazia wenye kuishi duniani kwa kila taifa, kabila, lugha, na watu. (aiōnios )
Oo haddana waxaan arkay malaa'ig kale oo samada dhex duulaysa iyadoo wadata injiil daa'imis ah inay u naadiso kuwa dhulka deggan iyo quruun kasta iyo qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta; (aiōnios )
7 Akawaita kwa sauti kuu, “Mwogopeni Mungu na mpeni utukufu. Kwa maana muda wa hukumu umekaribia. Mwabuduni yeye, yeye aliyeumba mbingu, na dunia, na bahari, na chemchemi za maji.”
iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.
8 Malaika mwingine - malaika wa pili - akafuata akisema, “Umeanguka, umeanguka Babeli mkuu, ambaye uliwanywesha mataifa divai ya ukahaba, divai ambayo ilileta ghadhabu juu yake.”
Oo malaa'ig kale oo labaad ayaa soo raacday, oo waxay lahayd, Waxaa dhacday oo dhacday Baabuloontii weynayd, taasoo quruumaha oo dhan ka waraabisay khamrigii cadhada sinadeeda.
9 Malaika mwingine - malaika wa tatu - aliwafuata, akasema kwa sauti kuu, “Yeyote atakayemwabudu huyo mnyama na sanamu yake, na kupokea alama katika paji lake la uso au mkononi,
Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,
10 yeye pia atakunywa divai ya ghadhabu ya Mungu, divai ambayo imeandaliwa na kumwagwa bila kuchanganywa katika kikombe cha hasira yake. Mtu atakayekunywa atateswa kwa moto na moto wa kiberiti mbele za malaika zake watakatifu na mbele za Mwana Kondoo.
isna wuxuu ka cabbi doonaa khamriga cadhada Ilaah oo lagu shubay koobka cadhadiisa isagoo aan badhxanayn; oo waxaa isaga lagu silcin doonaa dab iyo baaruud malaa'igaha quduuska ah hortooda iyo Wanka hortiisa.
11 Na moshi wa maumivu yao ukaenda milele na milele, na hawakuwa na mapumziko mchana au usiku - hao waabuduo mnyama na sanamu yake, na kila mtu aliyepokea alama ya jina lake. (aiōn )
Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona. (aiōn )
12 Huu ni wito wa subira na uvumilivu kwa waamini, wale ambao hutii amri za Mungu na imani katika Yesu.”
Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.
13 Nilisikia sauti kutoka mbinguni ikisema, “Andika haya: Heri wafu wafao katika Bwana.” “Ndiyo,” asema Roho, “ili waweze kupumzika kutoka kwenye kazi zao, maana matendo yao yatawafuata.”
Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod igu leh, Qor, Waxaa barakaysan kuwa hadda ka dib dhimanaya iyagoo Rabbiga rumaysan. Ruuxii wuxuu leeyahay, Haah, iyagu waa inay ka nastaan hawshoodii, waayo, waxaa iyaga la socda shuqulladoodii.
14 Nilitazama na nikaona kulikuwa na wingu jeupe, na aliyeketi kwenye wingu ni mmoja aliyekuwa na mfano wa Mwana wa Mtu. Alikuwa na taji ya dhahabu katika kichwa chake na mundu mkali katika mkono wake.
Oo bal eeg, haddana waxaan arkay daruur cad, oo waxaan daruurta dusheeda ku arkay mid fadhiya oo u eg bini aadan, oo waxaa madaxa u saarnaa taaj dahab ah, oo gacantana wuxuu ku haystay manjo af badan.
15 Malaika mwingine tena alikuja kutoka kwenye hekalu na aliita kwa sauti kuu kwenda kwa yule aliyekaa katika wingu: “Chukua mundu wako na uanze kuvuna. Kwa kuwa muda wa mavuno umeshawadia, maana mavuno yaliyo katika dunia yameshaiva.”
Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka soo baxday macbudkii, oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday kii daruurta ku fadhiyey, iyadoo leh, Manjadaada soo dir oo beerta goo; waayo, saacaddii beergooysku way timid; maxaa yeelay, midhihii dhulka oo la gooyn lahaa way bislaadeen.
16 Tena yule aliyekuwa kwenye wingu aliupitisha mundu wake juu ya dunia, na dunia ikavunwa.
Markaasaa kii daruurta ku fadhiyey wuxuu manjadiisii ku soo tuuray dhulka, oo midhihii dhulkiina waa la gooyay.
17 Na malaika mwingine akaja kutoka kwenye hekalu la mbinguni; naye alikuwa na mundu mkali.
Oo haddana malaa'ig kale ayaa waxay ka baxday macbudka samada ku yaal, oo iyana waxay haysatay manjo af badan.
18 Na bado malaika mwingine akaja kutoka kwenye madhabahu, na malaika aliyekuwa na mamlaka juu ya moto. Akamwita kwa sauti kuu malaika ambaye alikuwa na mundu mkali, “Chukua mundu mkali na uyakusanye matawi ya mzabibu kutoka kwenye mzabibu wa nchi, kwa kuwa zabibu sasa zimeiva.”
Oo haddana malaa'ig kale oo dabka xukunta ayaa waxay ka soo baxday meeshii allabariga; oo waxay cod weyn ugu dhawaaqday tii manjada afka badan haysatay iyadoo ku leh, Manjadaada afka badan soo dir, oo waxaad ururisaa canabka dhulka rucubyadiisa; maxaa yeelay, canabkii waa bislaaday.
19 Malaika alipeleka mundu wake katika dunia na alikusanya mavuno ya zabibu ya dunia na alirusha katika pipa kubwa la divai ya ghadhabu ya Mungu.
Markaasaa malaa'igtii waxay manjadeedii ku soo tuurtay dhulka, oo waxay soo ururisay canabka dhulka, oo waxay ku tuurtay macsaraddii canabka oo weyn oo cadhada Ilaah.
20 Chujio la divai lilipondwapondwa nje ya mji na damu ikamwagika kutoka katika hicho kimo cha hatamu ya farasi, kwa stadia 1, 600.
Oo canabkiina waxaa lagu tuntay magaalada dibaddeeda, oo waxaa macsaraddii ka soo baxay dhiig, wuxuuna gaadhay tan iyo fardaha xakamahooda, ilaa kun iyo lix boqol oo istaadiyon.