< Zaburi 73 >

1 Hakika Mungu ni mwema kwa Israeli, kwa wale walio na moyo safi.
Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil, Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
2 Lakini kwangu mimi, kidogo tu miguu yangu iteleze; miguu yangu karibu iteleze kutoka kwangu
Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay, Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
3 kwa sababu niliwaonea wivu wenye kiburi nilipoona mafanikio ya waovu.
Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn, Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
4 Kwa maana hawana maumivu hadi kufa kwao, lakini wana nguvu na wameshiba.
Waayo, geeridoodu xanuun ma leh, Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
5 Wako huru dhidi ya mizigo ya watu wengine; nao hawateswi kama watu wengine.
Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale, Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
6 Kiburi kinawapamba kama mkufu kwenye shingo zao; jeuri huwavika kama vazi.
Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
7 Katika upofu wa jinsi hii dhambi huja; mawazo maovu hupita mioyoni mwao.
Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
8 Wao hudhihaki na kuongea kwa namna ya uovu; kwa kiburi chao hutishia mateso.
Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
9 Wameweka vinywa vyao dhidi ya mbingu, na ndimi zao hutanga tanga duniani.
Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka, Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Kwa hiyo watu wake huwageukia na maji yaliyojaa hukaushwa.
Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan, Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Nao husema, “Mungu anajuaje? Yako maarifa kwake yeye aliye juu?”
Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Fahamu: watu hawa ni waovu; mara zote hawajali, wakifanyika matajiri na matajiri.
Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hakika nimeutunza moyo wangu bure na nimenawa mikono yangu pasipo kukosa.
Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay, Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Maana mchana kutwa nimeteswa na kuadhibiwa kila asubuhi.
Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay, Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Kama ningesema, “Ningesema mambo haya,” kumbe nigewasaliti kizazi hiki cha watoto wenu.
Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa, Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Ingawa nilijaribu kuyaelewa mambo haya, yalikuwa ni magumu sana kwangu.
Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado, Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ndipo nilipoingia patakatifu pa Mungu na kuelewa hatma yao.
Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah, Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hakika wewe huwaweka penye utelezi; huwaangusha mpaka palipoharibika.
Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah, Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Jinsi gani wamekuwa ukiwa kwa muda mfupi! Wamefika mwisho nao wamemaliza kwa utisho.
Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Wao ni kama ndoto wakati wa mtu kuamka; Bwana, utakapo inuka, utazidharau ndoto zao.
Sayidow, sidii mid riyo ka toosay Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
21 Maana moyo wangu ulipata uchungu, nami nilijeruhiwa sana.
Waayo, qalbigaygu wuu murugooday, Oo waxaa layga muday kelyaha,
22 Nilikuwa mjinga na sijui neno; nilikuwa kama mnyama tu mbele yako.
Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23 Lakini mimi nipo pamoja nawe daima; umenishika mkono wa kuume.
Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 Utaniongoza kwa shauri lako na baadaye utanipokea katika utukufu.
Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 Ni nani niliye naye mbinguni isipokuwa wewe? Hakuna nimtamaniye duniani isipokuwa wewe.
Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 Mwili wangu na moyo wangu huwa dhaifu, bali Mungu ndiye nguvu ya moyo wangu daima.
Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 Wale walio mbali nawe wataangamia; utawaangamiza wote wasio waaminifu kwako.
Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 Lakini mimi, linipasalo kufanya ni kumkaribia Mungu. Nimemfanya Bwana Yahwe kimbilio langu. Nami nitayatangaza matendo yako yote.
Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.

< Zaburi 73 >