< Mithali 9 >
1 Hekima amejenga nyumba yake; amechonga nguzo saba kutoka katika miamba.
Xigmaddu gurigeeday dhisatay, Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
2 Ameandaa wanyama wake kwa chakula cha usiku; ameichanganya divai yake; na kuandaa meza yake.
Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.
3 Amewatuma watumishi wake kupeleka mialiko na kutoka mahali pa juu sana kwenye mji anaita:
Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
4 “Wale wasiofunzwa waje hapa!” anawaambia wale wasionaufahamu.
Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
5 Njoo, ule chakula, na unywe divai nimeshaichanganya.
Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
6 Acheni njia zenu za kijinga, na mkaishi; tembeeni katika njia ya ufahamu.
Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.
7 Yeyote amrekebishaye mwenye dhihaka hukaribisha matusi na yeyote anayemshutumu mtu mbaya atapata madhara.
Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
8 Usimshutumu mwenye dhihaka, ama atakuchukia; mshutumu mtu mwenye busara, naye atakupenda.
Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
9 Mpe mafundisho mtu mwenye busara, naye atakuwa na busara zaidi; mfundishe mtu mwenye haki, naye ataongeza elimu.
Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
10 Hofu ya Mungu ni chanzo cha hekima na maarifa ya Mtakatifu ni ufahamu.
Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.
11 Maana kwa njia yangu siku zako zitazidishwa na uzima wako utaongezewa miaka.
Waayo, maalmahaagu anigay igu badan doonaan, Oo cimrigaaguna waa sii kordhi doonaa.
12 Kama unahekima, unahekima kwako mwenyewe, lakini ukidharau, utaibeba peke yako.
Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay, Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.
13 Mwanamke mpumbavu anakelele nyingi- hajafunzwa wala haelewi chochote.
Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
14 Anakaa kwenye mlango wa nyumba yake, kwenye kiti cha sehemu ya juu sana ya mji.
Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,
15 Anawaita kwa sauti wanaopita karibu, watu wale wanaotembea wima katika njia zao.
Inay u yeedho kuwa jidka maraya, Iyagoo jidadkooda iska sii soconaya,
16 Wale ambao hamjafunzwa njoni hapa ndani!” anawaambia wale wasio na akili. “
Ku alla kii garaaddaranu halkan ha u soo leexdo, Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
17 Maji ya kuiba ni matamu na mkate unaoliwa kwa siri unapendeza.”
Biyo la soo xaday way macaan yihiin. Oo cunto qarsoodi loo cunaana wax bay ka farxisaa.
18 Lakini hajui kwamba wafu wapo pale, wageni wake wapo kwenye vina vya kuzimu. (Sheol )
Laakiinse isagu garan maayo in kuwii dhintay ay halkaas joogaan, Iyo in martideedii ay She'ool guntiisa ku jiraan. (Sheol )