< Mithali 24 >
1 Usiwe na husuda kwa wenye ubaya, wala usitamani kuambatana nao,
Dad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.
2 kwa sababu mioyo yao inapanga njama za vurugu na midomo ya huongea juu ya madhara.
Waayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.
3 Kwa hekima nyumba hujengwa na kwa ufahamu huimarishwa.
Guri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,
4 Kwa maarifa vyumba hujazwa vitu vyote vya thamani na utajiri wa kupendeza.
Qawladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.
5 Shujaa wa hekima ni imara, na mtu wa maarifa huongeza nguvu zake;
Ninkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.
6 maana kwa uongozi wa busara unaweza kufanya vita na kwa washauri wengi kuna ushindi.
Waayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.
7 Hekima ipo juu sana kwa mpumbavu; hafumbui kinywa chake kwenye mlango.
Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.
8 Kuna yule mwenye kupanga kufanya mabaya- watu wanamwita bwana wa njama.
Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.
9 Mipango ya mpumbavu ni dhambi na watu humchukia mwenye dhihaka.
Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.
10 Kama utakuwa dhaifu na mwenye kuogopa siku ya taabu, basi nguvu zako ni haba.
Maalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.
11 Waokoe wanaochukuliwa kwenda kwenye mauti na uwashikilie wale wanaopepesuka kwenda kwa mchinjaji.
Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
12 Kama utasema, “Tazama, hatujui chochote juu ya hili,” je yule anayepima mioyo hajui unachosema? Na yule anayelinda maisha yako, je hajui? Je Mungu hatampa kila mmoja kile anachostahili?
Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
13 Mwanangu, kula asali kwa kuwa ni nzuri, kwa sababu matone ya sega la asali ni matamu unapoonja.
Wiilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.
14 Hekima ndiyo ilivyo katika nafsi yako - kama utaitafuta, tumaini lako halitabatilika na kutakuwa na tumaini.
Oo xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.
15 Usisubiri kwa kuvizia kama waovu ambao hushambulia nyumba ya mwenye haki. Usiiharibu nyumba yake!
Sida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.
16 Maana mwenye haki huanguka mara saba na kuinuka tena, lakini waovu huangushwa kwa maafa.
Waayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.
17 Usisherekee wakati adui yako anapoanguka na wala moyo wako usifurahi anapojikwaa,
Ha rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,
18 au Yehova ataona na kutoridhika na kuondoa ghadhabu juu yake.
Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.
19 Usifadhaike kwa sababu ya watenda mabaya, na wala usiwahusudu watu waovu,
Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,
20 maana mtu mbaya hana matumaini na taa ya watu waovu itazimika.
Waayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.
21 Mwanangu; mche Yehova, na umwogope mfalme, usishirikiane na watu wenye kuasi dhidi yao,
Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
22 maana kwa ghafula msiba wao utakuja na ni nani ajuaye ukubwa wa uharibifu utakao kuja kutoka kwa hao wote?
Waayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba?
23 Haya ni maneno ya wenye busara pia. Upendeleo katika kuhukumu kesi kwa sheria si vizuri.
Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.
24 Anayemwambia mwenye hatia, “Wewe upo sawa,” atalaaniwa na watu na mataifa yatamchukia.
Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25 Bali wenye kuwakemea waovu watakuwa na furaha na zawadi za wema zitakuja kwao.
Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
26 Anayetoa jibu la kweli hutoa busu kwenye midomo.
Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.
27 Andaa kazi yako ya nje, na tayarisha kila kitu kwa ajili yako mwenyewe shambani; baada ya hapo, jenga nyumba yako.
Shuqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.
28 Usitoe ushahidi dhidi ya jirani yako bila sababu na usidanganye kwa midomo yako.
Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.
29 Usiseme, “Mimi nitamtendea kile alichonitendea; nitalipiza kwa kile alichofanya.”
Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.
30 Nilikwenda jirani na shamba la mtu mvivu, nikapita kwenye shamba la mzabibu la mtu asiye na akili.
Waxaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,
31 Miiba imeota kila sehemu, ardhi ilikuwa imefunikwa kwa upupu, na ukuta wake wa mawe ulikuwa umebomoka.
Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
32 Kisha nikaliona na kufikiria juu yake; nikatazama na kupokea mafundisho.
Markaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.
33 Kulala kidogo, kusinzia kidogo, kupumzika kwa kukunja mikono kidogo-
Weliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,
34 na umasikini huja kwa kutembea juu yako, na mahitaji yako kama askari mwenye silaha.
Haddaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.