< Mithali 23 >

1 Unapoketi kula pamoja na mtawala, angalia kwa uangalifu kilichopo mbele yako,
Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
2 na kama ni mtu unayependa kula chakula sana weka kisu kooni.
Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.
3 Usitamani vinono vyake maana ni chakula cha uongo.
Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
4 Usifanye kazi sana ili kupata mali; uwe na busara ya kutosha ili ujue wakati wa kuacha.
Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
5 Je utaruhusu macho yako yaangaze juu yake? Itaondoka, maana itawaa mabawa kama tai na kuruka angani.
Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
6 Usile chakula cha yule mwenye jicho baya- na usiwe na shauku ya vinono vyake,
Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
7 maana ni mtu mwenye kuhesabu gharama ya chakula. “Kula na kunywa!” anakuambia, lakini moyo wake haupo pamoja nawe.
Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
8 Utatapika kiasi kidogo ulichokula na utakuwa umepoteza sifa zako njema.
Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
9 Usiongee katika usikivu wa mpumbavu, maana atadharau hekima ya maneno yako.
Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10 Usihamishe jiwe la mpaka wa kale au kunyang'anya mashamba ya yatima,
Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11 maana Mkombozi wao ni imara na atatetea kesi yao dhidi yako.
Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
12 Elekeza moyo wako katika mafundisho na masikio yako kwenye maneno ya maarifa.
Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
13 Usizuie kuadilisha mtoto, maana ukimchapa kwa fimbo, hatakufa.
Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
14 Ni wewe unayepaswa kumchapa kwa fimbo na kuikoa nafsi yake kuzimu. (Sheol h7585)
Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa. (Sheol h7585)
15 Mwanangu, kama moyo wako una busara, basi moyo wangu utafurahi pia;
Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
16 sehemu zangu ndani kabisa zitafurahi sana midomo yako inaponena haki.
Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
17 Usiruhusu moyo wako kuwahusudu wenye dhambi, lakini endelea kumcha Yehova siku zote.
Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
18 Hakika tumaini lako halitaondolewa na siku zako za hapo baadaye.
Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
19 Sikia- wewe! - mwanangu, na uwe mwenye busara na uelekeze moyo wako katika njia.
Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
20 Usishirikiane pamoja na walevi, au pamoja na walaji wa nyama walafi,
Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
21 maana mlevi na mlafi wanakuwa masikini na usingizi utawavika kwa matambara.
Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
22 Msikilize baba yako ambaye alikuzaa na usimdharau mama yako wakati akiwa mzee.
Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
23 Inunue kweli, lakini usiiuze; nunua hekima, nidhamu, na ufahamu.
Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
24 Baba yake mwenye haki atafurahia sana, na yule amzaaye mtoto mwenye busara atamfurahia.
Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.
25 Mfurahishe baba yako na mama yako na yule aliyekuzaa afurahie.
Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.
26 Mwanangu, nipe moyo wako na macho yako yachunguze njia zangu.
Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
27 Maana malaya ni shimo refu, na mke wa mume mwingine ni kisima chembamba.
Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
28 Anavizia kama mnyang'anyi na huongeza idadi ya wadanganyifu miongoni mwa wanadamu.
Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
29 Nani mwenye taabu? Nani mwenye huzuni? Nani mwenye mapigano? Nani mwenye malalamiko? Nani mwenye majeraha bila sababu? Nani mwenye macho mekundu?
Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
30 Ni wale ambao huzengea kwenye mvinyo, wale wanaojaribu kuchanganya mvinyo.
Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.
31 Usiutazame mvinyo ukiwa mwekundu, wakati unametameta kwenye kikombe na kutelemka kwa uraini.
Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
32 Mwisho wake unauma kama nyoka na sumu yake kama kifutu.
Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.
33 Macho yako yataona vitu vigeni na moyo wako utatamka vitu vya ukaidi.
Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
34 Utakuwa kama anayelala kwenye bahari au anayelala juu ya mlingoti. “
Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.
35 Wamenipiga,” utasema, “lakini sikuumia. Wamenichapa, lakini sikuwa na hisia. Nitaamka lini? Nitatafuta kinywaji kingine.”
Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.

< Mithali 23 >