< Hesabu 35 >

1 BWANA akanena na Musa kwenye nyanda za Moabu karibu na Yorodani kule Yeriko akasema,
Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
2 “Waamuru watu wa Israeli kutoa sehemu ya urithi wa ardhi yao kwa Walawi. Watawapa miji ya kuishi ndani yake na eneo la malisho kuzunguka miji hiyo.
Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.
3 Walawi watakuwa na miji hiyo ya kuishi. Eneo la malisho litakuwa kwa ajili ya ng'ombe zao, kondoo zao, na wanyama wao wote.
Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan.
4 Hayo malisho yatakayozunguka miji hiyo ambayo mtawapa Walawi yataanzia kwenye maboma kwa ukubwa wa “mita 457” kila upande.
Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah.
5 Utapima dhiraa elfu mbili kutoka nje ya mji kuelekea mashariki, na dhiraa elfu mbili kuelekea kusini, na dhiraa elfu mbili kuelekea upande wa magharibi, na dhiraa elfu mbilii kuelekea upandewa kaskazini. Haya yatakuwa maeneo ya malisho yao. Miji itakuwa katikati.
Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.
6 Katika hiyo miji sita mtakayowapatia Walawi itatumika kama miji ya ukimbizi. Mtatoa maeneo haya ili kama mtu ameua mtu apate mahali pa kukimbilia. Pia mtatoa miji mingine arobaini na mbli.
Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.
7 Jumla ya miji ambyo mtawapa Walawi itakuwa arobaini na nane. Mtawapa hiyo miji pamoja na maeneo yao ya malisho.
Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.
8 Zile kabila kubwa za watu wa Israeli, kabila ambalo lina ardhi zaidi, watatoa ardhi zaidi. Makabila madogo madogo watatoa miji michache. Kila kabila lazima watoe kwa ajili ya Walawi kwa kufuata mgawo waliopata.”
Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.
9 Kisha BWANA akanena na Musa akamwambia,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
10 “Sema na wana wa Israeli na uwaambie, 'Mtakapovuka Yorodani kuingia Kanaani,
Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,
11 Kisha mchague miji itakayotumika kama miji ya ukimbizi kwa, ajili yenu, mahali ambapo mtu aliyeua mtu pasipo kukusudia anaweza kukimbilia.
waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.
12 Hii miji itakuwa kwenu miji ya ukimbizi kwa mtu anayetaka kulipa kisasi. ili kwamba mtuhumiwa asije akauawa bila kwanza kusikilizwa na jamii.
Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.
13 Mtachagua miji sita kuwa miji ya ukimbizi.
Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.
14 Mtatoa miji mitatu kule ng'ambo ya Yorodani na miji mitatu huko Kanaani. Itakuwa miji ya ukimbizi.
Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.
15 Kwa ajili ya watu wa Israeli, wageni, kwa, yeyote anayeishi kati yenu, hii miji sita itatumika kama miji ya ukimbizi kwa mtu yeyote atakayeua mtu bila kukusudia anaweza kukimbila.
Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.
16 Lakini kama mtuhumiwa amempiga mtu na chombo cha chuma, na huyo mtu akafa, basi kwa hakika yule mtuhumiwa ni muuaji. Kwa hiyo anatakiwa kuuawa.
Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
17 Kama yule mtuhumiwa amempiga mtu kwa jiwe mkonono mwake ambalo linaweza kumwua mtu, na kama yule mtu atakufa, basi hakika huyo mtuhumiwa ni mwuaji. Kwa hakika anatakiwa kuuawa.
Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
18 Kama mtuhumiwa amempiga mtu kwa silaha ya mti ambayo inaweza kuua mtu na kama huyo mtu atakufa, basi kwa hakika huyo mtuhumiwa ni mwuaji. kwa hakika huyo anataikwa kuuawa.
Amase hadduu ku dhufto hub qori ah oo uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
19 Mwenye kulipa kisasi cha damu ndiye atakayemwua mwuaji. atkapokutana naye, anaweza kumwua.
Oo aardoonka dhiigga doonayaa qudhiisu ha dilo gacankudhiiglaha. Markuu isaga helo ha dilo.
20 Lakini kama yule mtuhumiwa atamshinda mtu yeyote yule anayemchukia au kama atamtupia kitu, wakati akimvizia, kiasi kwamba huyo mtu akafa,
Oo hadduu nacayb aawadiis u riixdo, ama intuu u gabbado uu wax ku tuuro, oo uu markaas dhinto,
21 au kama atampiga ngumi kwa chuki na mtu huyo akafa, ndipo yule mtuhumiwa aliyempiga hakika atauawa. Yeye ni mwuaji. Yule mlipa kisasi cha damu anaweza kumwua muuaji pale atakapokutana naye.
amase hadduu cadownimo aawadeed gacanta ugu dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, kii wax ku dhuftay hubaal waa in la dilaa, waayo, isagu waa gacankudhiigle, oo aardoonka dhiigga doonayaa gacankudhiiglaha ha dilo markuu helo.
22 Lakini kama mtuhumiwa atampiga mtu ghafla bila kuwa na chuki hapo awali, au kama atamtupia kitu ambacho kitampiga mtu bila kumvizia
Laakiinse hadduu kama' u riixo isagoo aan cadownimo ku jirin, amase uu wax ku tuuro isagoo aan u gabban,
23 au kama atatupa jiwe amabalo linaweza kumwua mtu bila kumwona, basi huyo mtu hakua adui yake, hakukusudia kumwumiza huyo mtu. Basi hiki ndicho kitachofanywa kama mtu huyo atakufa.
amase hadduu ku dhufto dhagax qof u dhiman karo, oo isagoo aan arkayn uu ku tuuro, oo uu sidaas ku dhinto, oo hadduusan cadowgiis ahayn ama uusan waxyeelladiisa doondoonayn,
24 Kwa tatizo la jinsi hiyo, Watu wataamua kati ya mlipa kisasi na mtuhumiwa kwa kufuata taratibu zifuatazo.
markaas kii wax dilay iyo kan ah aardoonka dhiigga doonayo, shirku waa inuu ugu kala garsooraa sida xukummadanu yihiin.
25 Watu watamwokoa mtuhumiwa kutoka kwenye nguvu za mlipa kisasi cha damu. Watu watamrudisha mtuhumiwa katika mji wa ukimbizi ambao hapo awali alikimbilia. Ataishi pale mpaka yule kuhani anayetumikia atakapokufa, ambaye alipakwa mafuta matakatifu.
Oo shirku waa inuu gacankudhiiglaha ka samatabbixiyaa gacanta kan ah aardoonka dhiigga doonayo, oo shirku waa inuu isaga ku celiyaa magaaladiisii uu magangalay, oo uu ku cararay, oo isagu waa inuu halkaas degganaado jeer uu dhinto wadaadka sare oo lagu subkay saliiddii quduuska ahayd.
26 Lakini kama yule mtuhumiwa muda fulani ataenda nje ya mipaka ya mji a ukimbizi ambao alikimbilia,
Laakiinse gacankudhiigluhu mar kasta ha ahaatee hadduu ka gudbo soohdinta magaaladiisii uu magangalay oo uu ku cararay,
27 na kama yule mlipa kisasi cha damu atamwona nje ya mipaka ya mji wake wa ukimbizi, kama atamwua huyo mtuhumiwa, mlipa kisasi cha damu hatakuwa na hatia ya mauaji hayo.
oo markaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo uu ka helo meel dibadda ka ah soohdinta magaaladiisii uu magangalay, kolkaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo hadduu gacankudhiiglaha dilo, isagu ma ahaan doono mid dhiig qaba,
28 Hii ni kwa sababu yule mtuhumiwa alitakiwa kubaki katika mji wake wa ukimbizi mpaka kuhani mkuu atakapokufa. Baada ya kifo cha kuhani mkuu, yule mtuhumiwa atarejea kwenye nchi yake ambako kuna mali yake.
waayo, waxaa isaga waajib ku ahaa inuu iska joogo magaaladiisii uu magangalay ilamaa uu wadaadka sare dhinto, laakiinse markuu wadaadka sare dhinto gacankudhiigluhu waa inuu markaas dabadeed ku noqdo dalkiisii hantida u ahaa.
29 Hizi amri zitakuwa maagizo kwenu kwa kizazi chote mahali kote mnakoishi.
Oo waxyaalahanu waa inay qaynuun xukun ah degmooyinkiinna oo dhan idiinku ahaadaan ab ka abkiin.
30 Yeyote amwuaye mtu, mwuaji atauawa, kama neno la ushahidi litakavyotolewa. Lakini ushahidi wa mtu mmoja unaweza usitoshe kusababisha mtu kuuawa.
Ku alla kii qof dila, gacankudhiiglaha waa in la dilaa markii lagu marag furo, laakiinse qofnaba yaan lagu dilin markhaati keliya maragfurkiis.
31 Pia, msipokee fidia kwa ajili ya uhai wa mwuaji ambaye ana hatia ya mauti. Kwa hakika lazima auawe.
Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa.
32 Na msipokee fidia ya mtu aliyekimbilia kwenye miji ya ukimbizi. Msimruhusu kwa namna yeyote kurudi kwenye mali zake mpaka pale kuhani mkuu atakapokufa.
Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto.
33 Msiiharibu nchi mnayokaa kwa namna hii, kwa kuwa damu ya mwuaji huharibu nchi. Hakuna sadaka ya upatanisho inayoweza kufanywa kwa nchi pale damu inapomwagika juu yake, isipokuwa kwa damu ya mtu aliyeimwaga.
Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane.
34 Kwa hiyo msiinajisi nchi mnayoishi kwa sababu Mimi ninaishi ndani yake. Mimi BWANA huishi kati ya watu wa Israeli.”'
Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.

< Hesabu 35 >