< Hesabu 25 >
1 Israeli akakaa Shitimu, na wanaume wakaanza kufanya ukahaba na wanawake wa Moabu,
Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,
2 kwa kuwa Wamoabu waliwakaribishsa kutoa sadaka kwa miungu yao. Kwa hiyo watu wakala na kuisujudia miungu ya Moabu.
waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii.
3 Watu wa Israeli wakaungana kumwabudu Baali wa Peori, na hasira ya BWANA ikawaka dhidi ya Israeli.
Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.
4 BWANA akamwambia Musa, “Waue viongozi wote wa watu na uwanyonge mbele yangu ili waonekane wakati wa mchana, ili kwamba hasira yangu kali iondoke kwa Israeli.”
Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil.
5 Kwa hiyo Musa akawaambia viongozi wa Israeli, “Kila mmoja wenu lazima awanyonge watu wake ambao wameshiriki kumwabudu Baali wa Peori.”
Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray.
6 Kisha mtu mmoja wa Israeli akaleta mwanamke mmoja aliyekuwa miongoni mwa familia yake. Hili lilitokea mbele ya macho ya Musa na watu wa Israeli, wakati walipokuwa wakilia mbele ya lango la hema ya kukutania.
Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda.
7 Finehasi mwana wa Eliazari, mwana wa Haruni kuhani, alipoona hivyo, akainuka kutoka jamii ya watu akachukua mkuki mkononi mwake.
Oo Fiinexaas ina Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii markuu taas arkay ayuu shirka dhexdiisii ka kacay oo wuxuu gacanta ku qaatay waran.
8 Akamfuata yule mwanaume Muisraeli hemani na kuwachoma kwa mkuki wote wawili kwenye miili yao, wote yule Muisraeli na yule mwanamke. Kwa hiyo ile tauni ambayo Mungu alikuwa ameituma kwa watu wa Israeli ikakoma.
Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil.
9 Idadi ya wale waliokufa kwa tauni walikuwa elfu ishirini na nne.
Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.
10 BWANA akanena na Musa, akasema,
Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
11 “Finehasi mwana wa Eliazari mwana wa Haruni, kuhani amaigeuza hasira yangu isiwe kwa wana wa Israeli kwa sababu alikuwa na wivu kati yao juu ya wivu wangu. Kwa hiyo sijawaangamiza watu wa Israeli kwa hasira yangu.
Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil.
12 Kwa hiyo waambie, 'BWANA anasema, “Tazama, Ninampa Finehasi agano la amani.
Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda.
13 Kwake na kwa wana wake baada yake, litakuwa agano la kudumu la ukuhani kwa sababu alikuwa na wivu juu yangu, Mungu wake. Amewapatanisha wana wa Israeli.
Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday.
14 Sasa yule Muisraeli aliyeuwawa pamoja na Yule mwanamke Mmidiani alikuwa Zimri mwana wa Salu, kiongozi wa familia ya uzao wa Simeoni.
Haddaba ninkii reer binu Israa'iil oo la dilay, oo naagtii reer Midyaan lala dilay, magiciisu wuxuu ahaa Simrii ina Saaluu oo amiir u ahaa qoladiisa reer Simecoon.
15 Jina la yule Mmidiani aliyeuwawa lilikuwa Cozibi binti wa Zuri, ambaye alikuwa mkuu wa familia wa kabila huko Midiani.
Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan.
16 Kwa hiyo BWANA akanena na Musa na kusema,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
17 “Watendee Wamidiani kama maadui na uwaangamize, kwa kuwa waliwatendea kama maadui
Reer Midyaan dhib oo laa iyaga,
18 kwa kuwadanganya. Waliwaongoza katika uovu kwa swala la Peori na kwa swala la dada yao Cozibi, binti wa kiongozi wa Wamidiani, ambaye aliuawa siku ile ya tauni kwa swala la Peori.”
waayo, waxay idinku dhibeen khiyaanadooda ay idinku khiyaaneeyeen xagga xaalkii Fecoor iyo xaalkii Kaasbii oo ahayd gabadhii amiirka reer Midyaan oo walaashood ahayd, taasoo maalintii belaayada la dilay xaalkii Fecoor aawadiis.