< Hesabu 16 >

1 Sasa Kora mwana wa Izihari mwana wa Kohathi mwana wa Lawi, pamoja na Dathani na Abiramu mwana wa Eliabu, na Oni mwana wa Peleti, wa uzao wa Reubeni, waliwakusanya wanaume kadhaa.
Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay,
2 Wakamwinukia Musa, pamoja na wanaume fulani kutoka wana wa Israeli, viongozi wa watu wapatao mia mbili na hamsini waliokuwa wakifahamika katika ile jamii.
oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa.
3 Walikusanyika pamoja kumpinga Musa na Haruni. Wakawaambia, “Ninyi sasa mnatumia mamlaka zaidi ya uwezo wenu! Watu wote wamejitenga, kila mmoja wao, na BWANA yuko pamoja nao. Kwa nini mnajiinua sana juu ya watu wengine wa BWANA?”
Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?
4 Musa alipoyasikia hayo, akalala kifudifudi.
Oo Muusena markuu taas maqlay ayuu wejiga dhulka dhigay.
5 Akamwambia Kora na wote aliokuwa nao, “Asubuhi BWANA atafanya ijulikane ni nani walio wake na nani aliyetengwa kwa ajili yake. Atamleta huyo mtu karibu na yeye. Yule anayemchagua atamleta karibu naye.
Markaasuu la hadlay Qorax iyo guutadiisii oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Berri subax ayaa Rabbigu muujin doonaa kuwa ah kuwiisa iyo kii quduus ah, wuuna soo dhowayn doonaa; oo kii uu isagu dooranayana wuu isu soo dhowayn doonaa.
6 Fanya hivi, wewe Kora na kundi lako.
Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo,
7 Kesho mchukue vyetezo na muweke moto na ubani ndani yake mbele ya BWANA. Yule ambaye BWANA amemchagua, atamtenga kwa BWANA. Sasa imetosha ninyi watu wa uzao wa Lawi,”
oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow.
8 Tena Musa akamwambia Kora, “Sasa unisililize, ninyi watu wa uzao wa Lawi:
Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Haddaba maqla reer Laawiyow.
9 Je ni jambo dogo kwenu kwamba Mngu wa mbinguni amewatenga ninyi kutoka watu wa Israeli, ili awalete ninyi karibu na yeye, ili mfanye kazi katika masikani ya BWANA na kusimama mbele ya watu ili muwatumikie?
Ma idinla yar tahay in Ilaaha reer binu Israa'iil idiinka soocay shirka reer binu Israa'iil inuu idin soo dhowaysto si aad u samaysaan hawsha taambuugga Rabbiga oo aad shirka hortiisa istaagtaan oo u adeegtaan,
10 Amewasogeza karibu, na ndugu zako, wa uzao wa Lawi pamoja nanyi, na sasa mnataka na ukuhani pia!
iyo inuu weliba idinka iyo walaalihiinna reer Laawi oo dhanba soo dhowaystay? Oo haddana ma waxaad doonaysaan wadaadnimada?
11 Hiyo ndiyo sababu wewe na kundi lako mmekusanyika pamoja kinyume na BWANA. Kwa nini mnalalamika juu ya Haruni, ambaye anamtii BWANA?”
Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?
12 Kisha Musa akamwita Dathani na Abiramu, wana wa Eliabu, lakini wakasema, “hatutakuja.
Markaasaa Muuse u cid diray Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, oo iyana waxay yidhaahdeen, Iman mayno.
13 Kwani jambo dogo kwamba umetuleta mpaka kwenye nchi inayotiririka maziwa na asali, ili kutuua katika jangwa hili? Sasa unataka kujifanya kuwa mtawala wetu!
Ma wax yar baa inaad naga soo kaxaysay dal caano iyo malab la barwaaqaysan, si aad noogu dishid cidlada dhexdeeda, oo aad weliba annaga amiir isaga kaayo dhigtid?
14 Na kwa nyongeza, haujatuingiza kwenye nchi ya kutiririka maziwa na asali, au kutupa urithi wa mashamba na mashamba ya mizabibu. Sasa unataka kutupofusha na ahadi hewa? Hatutakuja kwako.”
Oo weliba nama aadan geeyn dal caano iyo malab la barwaaqaysan, oo namana aadan siin dhul iyo beero canab ah oo aan dhaxalno. War ma waxaad doonaysaa inaad dadkan indhaha ka riddo? Annagu iman mayno.
15 Musa alikasirika sana na akamwambia BWANA, “Usisipokee sadaka zao. Sijachukua punda mmoja kutoka kwao, na sijamdhuru hata mmoja wao.”
Markaasaa Muuse aad u cadhooday, oo wuxuu Rabbiga ku yidhi, Adigu qurbaankooda ha aqbalin. Anigu iyaga dameerna kama qaadan, midkoodna waxba ma yeelin.
16 Kisha Musa akamwambia Kora, “Kesho wewe na kundi lako mtaenda mbele za BWANA-wewe na wao na Haruni.
Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.
17 Kila mmoja wenu atatwaa chetezo na kuweka ubani ndani yake. Ndipo kila mtu atamletea BWANA chetezo chake, vyetezo mia mbili na hamsini. Wewe na Haruni, pia, kila mmoja ataleta chetezo chake.
Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata.
18 Kwa hiyo kila mtu alitwaa chetezo chake, akaweka moto ndani yake, akaweka na ubani ndani yake, na kusimama mbele ya lango la hema ya kukutania pamoja na Musa na Haruni.
Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.
19 Kora naye akawakusanya watu wote waliokuwa kinyume na Musa na Haruni hapo kwenye lango la hema ya kukutania, na kisha utukufu wa BWANA ukaonekana kwa watu wote.
Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.
20 Ndipo BWANA aliposema na Musa na Haruni:
Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
21 “Tokeni ninyi kutoka hawa watu ili nipate kuwaangamiza haraka.”
Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.
22 Musa na Haruni wakalala kifudifudi na kusema, “Mungu, Mungu wa wote wenye mwili, kama mtu akitenda dhambi, ni lazima uwe na hasira na watu wote?”
Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?
23 BWANA akanena na Musa, akamwambia,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
24 “Sema na watu wote, uwaaambie, 'Tokeni kwenye hema ya Kora, Dathani, na Abiramu.'”
Shirka la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, War, ka ag kaca taambuugyada Qorax, iyo Daataan iyo Abiiraam.
25 Kisha Musa akaamuka akaenda kwa Dathani na Kwa Abiramu; viongozi wa Israeli wakamfuata.
Markaasaa Muuse wuxuu u kacay Daataan iyo Abiiraam, oo waayeelladii reer binu Israa'iilna isagay soo raaceen.
26 Akaongea na watu wote akasema, “Sasa jitengeni na hema ya hawa watu waovu na msiguse kitu chochote kilicho chao, vinginevyo mtaangamizwa na dhambi zao.”
Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine.
27 Kwa hiyo watu wote toka pande zote za hema ya Kora, Dathani na Abiramu wakaondoka. Dathani na Abiramu wakatoka nje wakasimama kwenye lango la hema zao, wakiwa na wake wao, wana, na watoto wao.
Haddaba waxay ka kaceen dhinac kasta ee taambuugyadii Qorax iyo Daataan iyo Abiiraam. Markaasay Daataan iyo Abiiraam soo bexeen, oo waxay istaageen iridda teendhooyinkoodii, iyaga iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo dhallaankoodiiba.
28 Kisha Musa akasema, “Kwa hili sasa mtatambua kuwa BWANA amenituma kufanya kazi hizi zote, kwa kuwa sijazifanya kwa uwezo wangu.
Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Tanaad ku ogaanaysaan in Rabbigu ii soo diray inaan waxyaalahan oo dhan sameeyo, waayo, anigu maankayga uun kama samayn.
29 Kama hawa watu watakufa kifo cha kawaida ambacho humpata kila mmoja, basi BWANA hakunituma.
Haddii nimankanu ay u dhintaan sida caadiga u ah dadka oo dhan, ama iyaga loo booqdo sida dadka oo dhan loo soo booqdo, markaas Rabbigu ima uu soo dirin.
30 Lakini kama BWANA aumbaye malango ya ardhi ambayo huwameza kama mdomo mkubwa, pamoja na familia zao, na kama wataingia ndani ya shimo wakiwa hai, ndipo mtakapojua kuwa wamemdharau BWANA,” (Sheol h7585)
Laakiinse haddii Rabbigu wax cusub sameeyo, oo dhulku afka kala qaado oo uu iyaga iyo waxay leeyihiin oo dhan liqo, oo haddii iyagoo noolnool ay She'ool ku dhaadhacaan, de markaas waxaad garan doontaan in nimankanu Rabbiga quudhsadeen. (Sheol h7585)
31 Mara ghafla Musa alipomaliza kusema maneno haya, aridhi ya pale walipokuwa ikafunguka.
Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay,
32 Dunia ikafungua makanwa yake na kuwameza, familia zao na watu wote wa Kora, pamoja na mali zao zote.
oo dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo reerahoodii, iyo dadkii Qorax oo dhan, iyo alaabtoodii oo dhan.
33 Wao na kila mmoja kwenye familia zao wakaingia ndani shimoni wakiwa hai. Dunia ikwafunika, na kwa njia hii wakapotea kutoka miongoni mwa ile jamii. (Sheol h7585)
Haddaba iyagii iyo wixii ay lahaayeen oo dhammuba iyagoo noolnool ayay She'ool ku dhaadhaceen, markaasaa dhulkii ku dul xidhmay, oo iyana shirkii way ka halligmeen. (Sheol h7585)
34 Nao Israeli yote waliokuwa karibu nao wakakimbia kwa sababu ya vilio vyao. Walisema kwa mshangao, “Nchi isije kutumeza na sisi!”
Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.
35 Kisha moto ukashuka toka kwa BWANA na kuwaangamiza wale wanaume 250 waliokuwa wametoa ubani.
Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.
36 Tena BWANA akanena na Musa, akasema,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
37 “Mwambie Eliazari mwana wa Haruni yule kuhani achukue vile vyetezo kutoka ule moto, kwa kuwa vile vyetezo vimetengwa ka ajili yangu. Na aumwage ule moto mbali.
La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.
38 Vitwae vile vyetezo vya wale waliopoteza maisha yao kwa sababu ya dhambi zao. Na vifanyike kuwa mbao za kufuliwa ili viwe vifuniko vya madhabahu. Kwa kuwa wale watu walivitoa kwangu, kwa hiyo ni vitakatifu. Vitakuwa ishara ya uwepo wangu kwa wana wa Israeli.”
Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan.
39 Naye Eleazari yule kuhani akavichukue vile vyetezo vya shaba ambavyo vilikuwa vimetumiwa na wale watu walioungua, na vikafuliwa kuwa vifuniko vya madhbahu,
Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay,
40 ili kuwa ukumbusho kwa wana wa Israeli, ili kwamba asije akatokea mtu toka nje ya uzao wa Haruni akaja kutoa ubani kwa BWANA, ili wasije kuwa kama Kora na kundi lake— kama vile BWANA alivyoamuru kupitia kinywa cha Musa.
inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.
41 Lakini siku iliyofuata asubuhi watu wa Israeli wakamlalamikia Musa na Haruni. Nao walisema, “Umeua watu wa BWANA.”
Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.
42 Kisha ikatokea, wakati watu walipokuwa wamekusanyika kinyume na Musa na Haruni, wakatazama kuielekea hema ya kukutania, na tazama lile wingu lilikuwa likiifunika. Utukufu wa BWANA ukaonekana,
Oo kolkii shirkii oo dhammu ay soo urureen oo ay Muuse iyo Haaruun gees ka noqdeen, waxay soo fiiriyeen teendhadii shirka xaggeedii, oo bal eeg, daruurtii baa qarisay, oo waxaa muuqatay Rabbiga ammaantiisii.
43 Musa na Haruni wakaja mbele ya hema ya kukutania.
Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay yimaadeen teendhadii shirka horteeda.
44 Kisha BWANA akanena na Musa, akamwambia,
Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
45 “Toka kati ya watu hawa ili niwaangamize haraka.” Musa na Haruni wakalala chini kifudifudi.
Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.
46 Musa akamwambia Haruni, uchukue chetezo, na utie ndani moto kutoka madhabahuni, tia na uvumba ndani yake, upeleke haraka kwa watu, na ukafanye upatanisho kwao, kwa sababu hasira hii inatoka kwa BWANA. Tauni imeanza.”
Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.
47 Kwa hiyo Haruni akafanya kama alivyoelekezwa na Musa. Akakimbia kati ya watu. na Tauni ilikuwa imeanza kuenea kati ya watu, kwa hiyo akaweka ndani yake uvumba na akafanya upatanisho wa watu.
Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday.
48 Haruni akasimama kati kati ya zile maiti na watu hai; na kwa njia hii ile tauni ikazuiwa.
Markaasuu isdhex taagay kuwii dhintay iyo kuwii noolaa; oo belaayadiina way joogsatay.
49 Idadi ya wale waliokuwa wamekufa kwa tauni walikuwa 14, 000, nje na wale waliokufa kutokana na swala la Kora.
Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax.
50 Haruni akarudi kwa Musa kwenye lango la hema ya kukutania, na ile tauni ikakoma.
Markaasaa Haaruun Muuse ugu noqday iriddii teendhadii shirka; oo belaayadiina way joogsatay.

< Hesabu 16 >