< Nehemia 5 >

1 Kisha wale wanaume na wake zao wakalia kwa nguvu dhidi ya Wayahudi wenzao.
Markaasaa waxaa dadkii iyo afooyinkooda ka kacay qaylo weyn oo ay kaga cabanayeen walaalahooda Yuhuudda ah.
2 Kwa maana kulikuwa na baadhi ya watu ambao walisema, “Sisi na wana wetu na binti zetu tupo wengi. Basi hebu tupate nafaka tuweze kula na tukae tuishi.”
Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno.
3 Pia kulikuwa na baadhi ya watu ambao walisema, “Tunaweka rehani mashamba yetu, mizabibu yetu, na nyumba zetu ili tupate nafaka wakati wa njaa.”
Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed.
4 Wengine pia walisema, “Tumekopesha pesa kulipa kodi ya mfalme kwenye mashamba yetu na mashamba yetu ya mizabibu.
Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay.
5 Hata hivyo sasa miili yetu na damu ni sawa na ndugu zetu, na watoto wetu ni sawa na watoto wao. Tunalazimishwa kuuza wana wetu na binti zetu kuwa watumwa. Baadhi ya binti zetu tayari wamekuwa watumwa. Lakini hatuna nguvu za kusaidia kwa sababu watu wengine sasa wana mashamba yetu na mizabibu yetu.”
Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.
6 Nilikasirika sana niliposikia kilio chao na maneno haya.
Oo anna aad baan u cadhooday markii aan maqlay qayladoodii iyo erayadan.
7 Kisha nikafikiri juu ya hili, na kuleta mashtaka dhidi ya wakuu na viongozi. Nikawaambia, “Ninyi mnatafuta riba, kila mmoja kutoka kwa ndugu yake mwenyewe.” Nikakutanisha kusanyiko kubwa juu yao
Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah.
8 na kuwaambia, “Sisi, kwa kadiri tulivyoweza, tumewakomboa toka utumwani ndugu zetu wa Kiyahudi ambao walikuwa wameuzwa kwa mataifa, lakini hata mnawauza ndugu na dada zenu ili wauzwe tena kwetu!” Walikuwa kimya na hawakupata neno la kusema.
Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.
9 Pia nikasema, 'Mnachokifanya sio kizuri. Je, hampaswi kutembea katika hofu ya Mungu wetu ili kuzuia malalamiko ya mataifa ambayo ni adui zetu?
Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed?
10 Mimi na ndugu zangu na watumishi wangu tunawapa fedha na nafaka. Lakini lazima tuache kutoza riba juu ya mikopo hii.
Oo sidaasoo kale aniga iyo walaalahay iyo midiidinnadayda lacag iyo hadhuudh baan korsocod ku amaahinnaa. Waan idin baryayaaye aan iska dayno korsocodkan.
11 Warudishieni leo leo mashamba yao, mizabibu yao, mashamba yao ya mizeituni, na nyumba zao na asilimia ya fedha, nafaka, divai mpya, na mafuta mliyowatoza.”
Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad maantadan u celisaan beerahoodii, iyo beerahoodii canabka ahaa, iyo beerahoodii saytuunka ahaa, iyo guryahoodii, oo lacagtii, iyo hadhuudhkii, iyo khamrigii, iyo saliiddii aad korsocodka uga qaadateenna boqolkii meelood meel u celiya.
12 Wakasema, “Tutarudisha kile tulichochukua kutoka kwao, wala hatutahitaji kitu kutoka kwao. Tutafanya kama unavyosema.” Ndipo nikawaita makuhani, na kuwaapisha kuwafanya kama walivyoahidi.
Markaasay yidhaahdeen, Waxoodii waan u celinaynaa, oo wax dambena weyddiisan mayno innaba. Waxaannu yeelaynaa sidaad tidhaahdo. Markaasaan u yeedhay wadaaddadii, oo waxaan ku dhaariyey inay ballankan siduu yahay oofiyaan.
13 Nikakung'uta vazi langu, nikasema, “Basi Mungu aondoe nyumba na mali ya kila mtu asiyetimiza ahadi yake. Kwa hiyo akung'utwe na kuwa hana kitu. Kusanyiko lote likasema “Amina,” na wakamsifu Bwana. Na watu wakafanya kama walivyoahidi.
Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.
14 Kwa hiyo tangu wakati niliowekwa kuwa mkuu wao katika nchi ya Yuda, tangu mwaka wa ishirini mpaka mwaka wa thelathini na pili wa mfalme Artashasta, miaka kumi na miwili, mimi na ndugu zangu hatukula chakula kilichotolewa kwa gavana.
Oo weliba tan iyo waagii la ii doortay inaan taliye u ahaado dalka Yahuudah waagaasoo ahaa boqorkii Artaxshasta sannaddiisii labaatanaad ilaa tan iyo sannaddiisii laba iyo soddonaad inta u dhex leh intaasoo ahayd laba iyo toban sannadood, aniga iyo walaalahay midna ma cunin cuntadii taliyaha.
15 Lakini wakuu wa zamani waliokuwa kabla yangu waliwaweka watu mizigo mizito, na wakachukua kwao shekeli arobaini za fedha kwa ajili ya chakula na divai yao ya kila siku. Hata watumishi wao waliwadhulumu watu. Lakini sikufanya hivyo kwa sababu ya hofu ya Mungu.
Laakiinse taliyayaashii hore oo iga sii horreeyey dadka culays bay ku hayeen, oo waxay ka qaadan jireen cunto iyo khamri iyo weliba afartan sheqel oo lacag ah, oo xataa midiidinnadoodu dadka way xukumi jireen. Laakiinse anigu saas ma aan yeelin, maxaa yeelay, waxaan ka cabsadaa Ilaah.
16 Niliendelea kufanya kazi kwenye ukuta, na hatukununua ardhi. Na watumishi wangu wote walikusanyika huko kwa ajili ya kazi hiyo.
Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.
17 Katika meza yangu walikuwa Wayahudi na maafisa, watu 150, isipokuwa wale waliokuja kwetu kutoka kwa mataifa waliokuwa wakituzunguka.
Oo weliba waxaa miiskayga wax ka cuni jiray boqol iyo konton nin oo ah Yuhuud iyo taliyayaal oo ayan ku jirin kuwii nooga yimid quruumihii hareerahayaga ku wareegsanaa.
18 Kila kitu kilichoandaliwa kila siku kilikuwa ng'ombe moja, kondoo sita waliochaguliwa, na ndege, na kila siku kumi aina zote za divai nyingi. Na hata kwa haya yote sikuhitaji mahitaji ya chakula cha gavana, kwa sababu madai yalikuwa mazito sana juu ya watu.
Haddaba maalintiiba waxaa naloo diyaarin jiray dibi iyo lix neef oo wanaagsan oo ido ah; oo weliba waxaa la ii diyaarin jiray digaag, oo tobankii maalmoodba mar baa naloo keeni jiray cayn kasta oo khamri ah; oo weliba intaas oo dhan anigu marna ma weyddiisan cuntadii taliyaha, maxaa yeelay, addoonnimada dadkan saarnayd aad bay u cuslayd.
19 Nikumbuke, Ee Mungu wangu, kwa wema, kwa sababu ya yote niliyoyafanya kwa watu hawa.
Ilaahayow, wanaag igu xusuuso wixii aan dadkan u sameeyey oo dhan aawadiis.

< Nehemia 5 >