< Nehemia 13 >

1 Siku hiyo walisoma Kitabu cha Musa katika masikio ya watu. Ilionekana imeandikwa ndani yake kwamba hakuna Mwamoni au Mmoabu anapaswa kuja katika kusanyiko la Mungu, milele.
Oo maalintaas ayay kitaabkii Muuse akhriyeen iyadoo dadkii maqlayo; oo waxaa laga helay oo ku qornaa inayan shirka Ilaah weligood soo gelin mid reer Cammoon ah iyo mid reer Moo'aab ah toona;
2 Hii ilikuwa kwa sababu hawakuja kwa watu wa Israeli na mkate na maji, bali walikuwa wamemwajiri Balaamu kulaani Israeli. Hata hivyo, Mungu wetu aligeuza laana kuwa baraka.
maxaa yeelay, iyagu reer binu Israa'iil kalama ayan hor iman cunto iyo biyo toona, laakiinse waxay u soo kiraysteen Balcaam inuu habaaro aawadeed, habase ahaatee Ilaaheennu habaarkii wuxuu u beddelay duco.
3 Mara tu waliposikia sheria, waliwatenga Israeli toka kwa kila mgeni.
Oo waxay noqotay markay sharcigii maqleen inay reer binu Israa'iil ka sooceen dadkii isku qasnaa oo dhan.
4 Sasa kabla ya hapo Eliashibu kuhani akawekwa juu ya vyumba vya nyumba ya Mungu wetu. Alikuwa na uhusiano na Tobia.
Oo waxyaalahaas ka hor wadaadkii Eliyaashiib oo loo doortay inuu madax u ahaado qolalka guriga Ilaaheenna ayaa xidhiidh la yeeshay Toobiyaah,
5 Eliashibu alimuandalia Tobia chumba kikubwa, ambako hapo awali waliweka sadaka ya nafaka, uvumba, makala, na sehemu ya kumi ya nafaka, divai, na mafuta, ambazo ziliwekwa kwa ajili ya Walawi, waimbaji, walinzi wa mlango, na michango kwa makuhani.
oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.
6 Lakini wakati huu wote sikuwepo Yerusalemu. Kwa mwaka wa thelathini na mbili wa Artashasta mfalme wa Babeli, nilikwenda kwa mfalme. Baada ya muda nikamwomba mfalme ruhusa ya kuondoka,
Laakiinse waagaas oo dhan anigu Yeruusaalem ma aanan joogin, waayo, sannaddii soddon iyo labaad oo boqorkii Baabuloon ee Artaxshasta ahaa ayaan u tegey boqorka, oo maalmo yar dabadood ayaan boqorka fasax weyddiistay.
7 na nikarudi Yerusalemu. Nikafahamu mabaya ambayo Eliashibu alikuwa amefanya kwa kumpa Tobia chumba cha kuhifadhi katika mahakama ya nyumba ya Mungu.
Markaasaan Yeruusaalem imid oo waxaan gartay sharkii uu Eliyaashiib u sameeyey Toobiyaah markuu qowlad uga diyaarshay barxadihii guriga Ilaah.
8 Nilikuwa na hasira sana na nikatupa vitabu vya nyumba ya Tobia nje ya chumba cha kuhifadhi.
Haddaba taasu aad bay ii murugaysay, sidaas daraaddeed qowladdii dibaddaan uga wada tuuray alaabtii guriga Toobiyaah oo dhan.
9 Niliamuru kwamba watakase vituo vya kuhifadhi, nami nikarudisha ndani yao makala ya nyumba ya Mungu, sadaka ya nafaka, na uvumba.
Markaasaan amar bixiyey oo qolalkii waa la nadiifiyey; oo halkaasaan mar kale ku soo celiyey weelashii gurigii Ilaah, iyo qurbaannadii hadhuudhka, iyo fooxii.
10 Niligundua kwamba sehemu zilizotolewa kwa ajili ya kuwapa Walawi hazikutolewa kwao, ili waweze kuondoka haraka hekaluni, kila mmoja kwenda shambani kwake, kama waimbaji waliofanya walivyoondoka.
Oo haddana waxaan kaloo gartay inaan kuwii reer Laawi qaybahoodii la siin, oo sidaas daraaddeed kuwii reer Laawi iyo kuwii gabayaaga ahaa oo shuqulka samayn jirayba way carareen oo mid waluba beertiisii buu tegey.
11 Kwa hiyo nikawasiliana na maafisa na kusema, 'Kwa nini nyumba ya Mungu imeachwa?' Niliwakusanya pamoja na kuwaweka kwenye nafasi zao.
Markaasaan taliyayaashii la diriray oo waxaan ku idhi, War maxaa guriga Ilaah looga tegey? Kolkaasaan iyagii soo wada ururiyey oo meeshoodii ku celiyey.
12 Kisha Yuda wote wakaleta zaka ya nafaka, divai mpya, na mafuta kwenye vituo vya kuhifadhi.
Markaasaa dadka dalka Yahuudah oo dhammu waxay qolalkii khasnadaha soo geliyeen meeltobnaadyadii hadhuudhka iyo kuwii khamriga iyo kuwii saliiddaba.
13 Nikawaweka kama watunza hazina juu ya hazina, Shelemia kuhani, na Sadoki mwandishi, na Walawi, Pedaya. Hanani, mwana wa Zakuri, mwana wa Matania, alikuwa na wafuasi wao, kwa sababu walihesabiwa kuwa waaminifu. Kazi yao ilikuwa kusambaza vifaa kwa washirika wao.
Oo qolalkii khasnadaha waxaan madax uga dhigay khasnajiyo, oo waxay ahaayeen wadaadkii Shelemyaah ahaa, iyo karraanigii Saadooq ahaa, oo reer Laawina waxaa kaga jiray Fedaayaah, oo waxaa ku xigay Xaanaan ina Sakuur, oo ahaa ina Matanyaah, waayo, waxaa lagu tiriyey inay aamin yihiin, oo shaqadooduna waxay ahayd inay walaalahood wax u qaybiyaan.
14 Nikumbuke, Ee Mungu wangu, juu ya hili, wala usiondoe matendo mema niliyoyatenda kwa ajili ya nyumba ya Mungu wangu na huduma zake.
Ilaahayow, haddaba bal taas daraaddeed ii xusuuso, oo ha tirtirin falimahaygii wanaagsanaa oo aan u qabtay gurigaaga iyo waxyaalihii la dhawri lahaa.
15 Siku hizo nikaona watu wa Yuda waliokanyaga mvinyo siku ya Sabato, na kuleta makundi ya nafaka, na kuwapakia punda, na divai, na zabibu, na tini, na kila aina ya mizigo nzito, waliyoleta Yerusalemu siku ya Sabato. Nikashuhudia kuwa walikuwa wakiuza chakula siku hiyo.
Oo waagaas waxaan dalka Yahuudah ku arkay kuwo maalinta Sabtida macsarada canabka ku tumanaya, oo xidhmooyin soo ururinaya, oo dameerro raraya, iyo weliba khamri iyo canab, iyo berde iyo rar cayn kasta ah oo Yeruusaalem la soo gelinaya maalinta sabtida; oo anna iyagii waan uga digay maalintii ay cuntada iibiyeen.
16 Watu kutoka Tiro waliokaa Yerusalemu walileta samaki na kila aina ya bidhaa, na wakawauza siku ya Sabato kwa watu wa Yuda na katika mji!
Oo halkaas waxaa kaloo degganaa dad reer Turos ah oo keeni jiray kalluun iyo alaab cayn kasta ah, oo maalinta ayay ka iibin jireen dadka dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem gudaheeda.
17 Kisha nikawaambia viongozi wa Yuda, “Je! ni ubaya gani huu mnafanya, kuinajisi siku ya Sabato?
Markaasaan la diriray kuwii gobta ahaa oo dalka Yahuudah oo waxaan ku idhi, War waa maxay waxan sharka ah oo aad samaysaan oo aad ku nijaasaysaan maalinta sabtida ah?
18 Je! Baba zenu hawakufanya hivyo? Je, Mungu wetu hakuleta mabaya haya juu yetu na juu ya mji huu? Sasa unaleta ghadhabu zaidi juu ya Israeli kwa kudharau Sabato.”
War sow awowayaashiin saasoo kale ma yeelin, sow Ilaah belaayadan oo dhan taas aawadeed inooguma soo dejin innaga iyo magaaladaba? Oo weliba markaad sabtida nijaasaysaan waxaad reer binu Israa'iil ku soo dejisaan cadho kale oo badan.
19 Mara ilipokuwa giza kwenye milango ya Yerusalemu kabla ya Sabato, niliamuru milango ifungwe na kwamba haifai kufunguliwa hadi baada ya Sabato. Niliwaweka baadhi ya watumishi wangu kwenye malango ili mzigo wowote usiweze kuletwa siku ya Sabato.
Oo sabtida ka hor markii irdihii Yeruusaalem soo madoobaanayeen, ayaan amray in albaabbada la xidho, oo waxaan kaloo amray inaan la furin jeeray sabtidu dhammaato; oo qaar midiidinnadaydii ah ayaan irdihii waardiye uga dhigay inaan maalinta sabtida waxba rar la soo gelin.
20 Wafanyabiashara na wauzaji wa kila aina ya bidhaa walikimbia nje ya Yerusalemu mara moja au mbili.
Haddaba baayacmushtariyaashii iyo kuwii alaab cayn kasta iibin jiray mar iyo laba ayay Yeruusaalem dibaddeeda u hoydeen.
21 Lakini niliwaonya, “Mbona mnakaa nje ya ukuta? Ikiwa mtafanya hivyo tena, nitakuweka mikononi!” Kutoka wakati huo hawakuja siku ya sabato.
Markaasaan iyagii u digay oo ku idhi, War maxaad derbiga hareerihiisa ugu hoyataan? Haddaad mar dambe saas yeeshaan gacan baan idin saarayaa. Oo ayaantaas ka dib mar dambe ma ay iman maalin sabti ah.
22 Nikawaamuru Walawi kujitakasa, na kuja kulinda milango, ili kutakasa siku ya Sabato. Nikumbuke kwa hili pia, Mungu wangu, na kunipatia huruma kwa sababu ya uaminifu wa agano ulilonalo kwangu.
Oo waxaan kuwii reer Laawi ku amray inay isdaahiriyaan iyo inay yimaadaan oo irdaha dhawraan si ay quduus uga dhigaan maalinta sabtida. Ilaahayow, taas aawadeedna ii xusuuso, oo iigu tudh siday weynaanta naxariistaadu tahay.
23 Katika siku hizo niliona Wayahudi waliokuwa wameoa wanawake wa Ashdodi, Amoni na Moabu.
Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab.
24 Nusu ya watoto wao walizungumza lugha ya Ashdodi, lakini hawakuweza kuzungumza lugha ya Yuda, lakini lugha ya mmoja wa watu wengine.
Oo carruurtoodii badhkoodna waxay ku hadli jireen afkii reer Ashdood, oo afkii Yuhuuddana kuma ay hadli karin, laakiinse waxay ku hadli jireen sidii afkii dadyow kasta.
25 Nami nikawasiliana nao, na mimi niliwaadhibu, na nikawapiga baadhi yao na kuvuta nywele zao. Naliwaapisha kwa Mungu, nikisema, Msiwape wana wao binti zenu, wala msiwachukue binti zao kwa ajili ya wana wenu, wala ninyi wenyewe.
Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina.
26 Je, Sulemani mfalme wa Israeli hakufanya dhambi kwa sababu ya wanawake hawa? Miongoni mwa mataifa mengi hapakuwa na mfalme kama yeye, na alipendwa na Mungu wake. Mungu akamfanya awe mfalme juu ya Israeli wote. Hata hivyo, wake zake wa kigeni walimfanya atende dhambi.
War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad.
27 Je, tunapaswa kukusikiliza na kufanya uovu huu hata kumhalifu Mungu wetu na kuwaoa wanawake wageni?
Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa?
28 Mmoja wa wana wa Yoyada, mwana wa Eliashibu, kuhani mkuu, alikuwa mkwewe na Sanbalati Mhoroni. Kwa hiyo nilimondoa kutoka mbele yangu.
Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay.
29 Wakukumbushe, Mungu wangu, kwa sababu wameunajisi ukuhani, na agano la ukuhani na Walawi.
Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.
30 Kwa hiyo nimewatakasa kutoka kila kitu kigeni, na kuimarisha kazi za makuhani na Walawi, kila mmoja kwa kazi yake mwenyewe.
Haddaba sidaasaan uga nadiifiyey dad kasta oo qalaad, oo waxaan bixiyey amar ku saabsan wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba iyo mid walba shuqulkiisii,
31 Nilitoa sadaka za kuni wakati uliowekwa na matunda ya kwanza. Nikumbuke, Mungu wangu, kwa mema.
iyo amar ku saabsan qurbaankii qoryaha oo wakhtiyada la amray la keeno, iyo midhaha ugu horreeya. Ilaahayow, wanaag igu xusuuso.

< Nehemia 13 >