< Mika 3 >

1 Nimesema'”Sasa sikilizeni, ninyi viongozi wa Yakobo na kutawala nyumba ya Israeli: Je siyo sahihi kwenu kuielewa haki?
Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin?
2 Ninyi manaochukia mazuri na kupenda uovu, ninyi mnaoambua ngozi yao, miili yao kutoka kwenye mifupa yao-
Idinku wanaagga waad neceb tihiin oo sharkaad jeceshihiin, oo haraggoodana waad ka mudhxisaan, oo hilibkoodana lafahooda waad ka mudhxisaan.
3 ninyi mnaokula pia miili ya watu wangu, na kuambua ngozi yao, kuvunja mifupa yao, na kuwakatakata katika vipande vipande, kama nyama kwenye chungu, kama nyama kwenye sufuria kubwa.
Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro.
4 Kisha ninyi watawala mtalia kwa Yahwe, lakini hatawajibu. Atauficha uso wake kutoka kwenu kipindi hicho, kwasababu mmefanya matendo maovu.”
Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.
5 Yahwe asema hivi kuhusu manabii ambao wawafanyao watu wangu kushindwa, “Kwa wale wawalishao wanatangaza, 'Kutakuwa na ustawi.' Lakini kwa wale wasioweka kitu kwenye vinywa vyao, wanaanzisha vita dhidi yake.
Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.
6 Kwa hiyo, itakuwa usiku kwenu usiokuwa na maono juu yenu; itakuwa giza ili kwamba msiweze kubashiri. Jua litakwenda chini juu ya manabii, na siku itakuwa giza juu yao.
Haddaba sidaas daraaddeed waxay idiin noqon doontaa habeen, waxbana laydinma tusi doono, oo waxay idiin noqon doontaa gudcur, mana aad faalan doontaan, oo qorraxdu way dhici doontaa nebiyada oo jooga, oo maalintuna way ku madoobaan doontaa iyaga.
7 Waonaji watawekwa kwenye aibu, waaguzi wa watachanganyikiwa. Wote watafunga midomo yao, kwa kuwa hakuna jibu kutoka kwangu.”
Oo kuwa wax arka way ceeboobi doonaan, oo faaliyayaashuna way isku wareeri doonaan, haah, oo dhammaantood waxay dabooli doonaan bushimahooda, waayo, ma jirto jawaab Rabbiga ka timid.
8 Lakini kwangu, nimejazwa nguvu kutoka kwa Roho wa Yahwe, na nimejaa haki na uweza, kumwambia Yakobo kosa lake, na Israeli dhambi yake.
Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego.
9 Sasa sikieni hii, ninyi viongozi wa nyumba ya Yakobo, na watawala wa nyumba ya Israeli, ninyi ambao mnaochukia haki, na kupotosha kila haki.
Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya.
10 Mnaijenga Sayuni kwa damu na Yerusalemu kwa uovu.
Siyoon dhiig bay ku dhisaan, Yeruusaalemna xumaan bay ku dhisaan.
11 Viongozi wenu huhukumu kwa rushwa, makuhani wenu hufundisha kwa hijara, na manabii wenu hufanya utabiri kwa ajili ya pesa. Hata hivyo bado mtamtegemea Yahwe na kusema, “Je hayupo Yahwe pamoja nasi? Hakuna uovu utakaokuja juu yetu.”
Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.
12 Kwa hiyo, kwasababu yenu, Sayuni italimwa kama shamba, Yerusalemu itakuwa rundo la kifusi, na mwinuko wa hekalu utakuwa kama mwinuko wa msituni.
Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

< Mika 3 >