< Mambo ya Walawi 8 >

1 Yahweh akazungumza na Musa, akisema,
Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2 “Walete Aroni na wanawe pamoja naye, mavazi na mafuta ya upako, fahali kwa ajili ya sadaka ya dhambi, kondoo dume wawili, na kikapu cha mkate usio na hamira.
Waxaad keentaa Haaruun iyo wiilashiisa oo isaga la jira, iyo dharka, iyo saliidda lagu subkado, iyo dibiga ah qurbaanka dembiga, iyo labada wan, iyo dambiisha ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirto.
3 Ita kusanyiko lote kwenye ingilio la hema la kukutania.”
Oo ururka oo dhanna waxaad ku soo shirisaa iridda teendhada shirka.
4 Kwa hiyo Musa akafanya kama Yahweh alivyomwamru, nalo kusanyiko lilikuja pamoja mbele ya ingilio la hema la kukutania. Kisha Musa akaliambia kusanyiko,
Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka.
5 “Hivi ndivyo alivyotuamru Yahweh tutende.”
Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.
6 Musa akamleta Aroni na wanawe na kuwaosha kwa maji.
Markaasaa Muuse wuxuu soo kexeeyey Haaruun iyo wiilashiisii, oo biyuu iyagii ku maydhay.
7 Akamvika Aroni kanzu ya ndani yenye urefu wa kufika magotini na kumfunga ukumbuu kiunoni mwake, akamvika joho la nje lenye mikono mirefu na kumvika kile kizibao chenye vipande viwili tumboni na mgongoni na kukifunga kuzunguka kiunoni mwake kwa mshipi uliosokotwa kwa ustadi na kukikaza mwilini mwake.
Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.
8 Kisha Musa akaweka kifuko kifuani mwa Aroni, na ndani ya kifuko hicho akaweka Urimu na Thumimu.
Oo haddana wuxuu isagii saaray laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii.
9 Na kisha akamfunga kiremba kichwani, na juu ya kiremba kwa mbele, akaweka bamba la dhahabu; liwe taji takatifu, kama Yahweh alivyomwamru yeye.
Oo madaxana wuxuu u saaray duub, oo duubka dhankiisa horena wuxuu ku dhejiyey waslad khafiif ah oo dahab ah oo ah taajka quduuska ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.
10 Musa akayatwaa hayo mafuta ya upako, akalipaka lile hema la kukutania na kila kitu kilichokuwamo ndani yake na kuvitenga kwa ajili ya Yahweh.
Markaasaa Muuse soo qaaday saliidda lagu subkado, oo wuxuu ku subkay taambuuggii iyo waxyaalihii gudihiisa ku jiray oo dhan, oo dhammaantoodna quduus buu ka dhigay.
11 Akayanyunyiza hayo mafuta juu ya madhabahu mara saba, na kisha akaipaka mafuta hiyo madhabahu na vyombo vyake vyote, na sinia la kunawia na kitako chake ili kuvitenga wa ajili ya Yahweh.
Oo qaarkeedna wuxuu toddoba jeer ku saydhsaydhay meeshii allabariga, oo wuxuu subkay meeshii allabariga iyo weelasheedii oo dhan iyo berkeddii weysada iyo salkeedii, si uu dhammaantood quduus uga dhigo.
12 Akamimina sehemu ya mafuta ya upako juu ya kichwa cha Aroni na kisha akampaka mafuta ili kumtenga.
Oo saliidda lagu subkado qaarkeedna wuxuu ku shubay Haaruun madaxiisa, oo isagii wuu subkay si uu quduus uga dhigo.
13 Musa akawaleta wana wa Aroni na kuwavika kila mmoja kanzu ya ndani yenye urefu wa kufika magotini. Kila mmoja wao akamfunga kwa ukumbuu kiunoni mwake na kuwafunga vitambaa vya kitani kichwani pao, kama vile Yahweh alivyokuwa amemru Musa.
Oo haddana Muuse wuxuu soo kexeeyey wiilashii Haaruun, oo wuxuu iyagii u geliyey jubbado, wuxuuna ugu xidhay dhex-xidho, duubabna wuu u duubay sidii Rabbigu Muuse ku amray.
14 Musa akamleta huyo fahali kwa ajili ya sadaka ya dhambi, naye Aroni na wanawe wakaweka mikono yao juu ya kichwa cha fahali ambaye wamemelete kwa ajili ya sadaka ya dhambi.
Oo haddana wuxuu keenay dibigii ahaa qurbaanka dembiga, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen dibigii qurbaankii dembiga ahaa.
15 Musa akamchinja, na kisha akachukua sehemu ya damu yake kwa kidole chake na kuiweka juu ya mpembe za madhabahu, akaitakasa hiyo madhabahu, na kuitenga kwa Mungu, ambapo kwa kufanya hivyo, aliisababisha madhabahu kuwa sehemu ya kufaa kwa kufanyia upatanisho.
Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.
16 Akachukua mafuta yote yaliyokuwa sehemu za ndani, kile kiwambo cha ini, zile figo mbili pamoja na mafuta yake, Musa akaichoma hiyo nyama yote juu ya madhabahu.
Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.
17 Lakini yule fahali, ngozi yake, nyama yake na kinyesi chake, akavichoma nje ya kambi, kama vile Yehweh alivyokuwa amemwamru yeye.
Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.
18 Musa akamleta yule konndoo dume kwa ajili ya sadaka ya kuteketezwa, naye Aroni na wanawe wakaweka mikono yao juu ya kichwa cha huyo kondoo.
Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.
19 Musa akamchinja kondoo na kuinyunyizia damu yake kila upande wa madhabahu.
Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
20 Naye akamkatakata kondoo vipande vipande na akakiteketeza kichwa chake pamoja na vile vipande na mafuta.
Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii,
21 Akaziosha kwa maji zile sehemu za ndani pamoja na miguu na akamteketeza kandoo mzima juu ya madhabahu. Ilikuwa ni dhabihu ya kuteketezwa na ilitoa harufu ya kupendeza, sadaka iliyofanywa kwa Yahweh kwa moto kama vile Yahweh alivyokuwa amemwamru Musa.
oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
22 Kisha Musa akamleta yule kondoo dume mwingine, kondoo wa kuwekwa wakfu, naye Aroni na wanawe wakaweka mikono yao juu ya kichwa cha kondoo.
Oo haddana wuxuu keenay wankii kale, kaasoo ahaa wankii quduuskadhigidda, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.
23 Aroni akamchinja, naye Musa akachukua sehemu ya damu na kuiweka kwenye ncha ya sikio la Aroni la kulia, juu ya dole gumba la mkono wake wa kulia, na kwenye kidole kikumbwa cha mguu wake wa kulia.
Markaasuu wankii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii oo wuxuu mariyey Haaruun caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig.
24 Akawaleta wana wa Aroni, naye akaweka sehemu ya damu ya kondoo yule kwenye ncha ya sikio lao la kulia, kwenye dole gumba lao cha mkono wa kulia na kwenye kidole chao kikubwa cha mguu wa kulia. Kisha Musa akainyunyiza damu ya huyo kila upande wa madhabahu
Oo haddana wuxuu keenay Haaruun wiilashiisii, kolkaasaa Muuse dhiiggii mariyey caaradda dhegahooda midig, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo Muusena wuxuu dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.
25 Naye akayatwaa yale mafuta, mafuta ya mkiani, mafuta liyolikuwa sehemu za ndani, na mafuta yafunikayo ini, zile figo mbili pamoja na mafuta yake na paja la kulia.
Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig.
26 Akachukua mkate mmoja kutoka kwenye kikapu cha mikate isiyo na hamira ambayoo ilikuwa mbele za Yahweh, akatwaa mkate moja usio na hamira, na mkate mmoja ulioandaliwa kwa mafuta, na mkate mwemba wa kaki na akaiweka juu ya mafuta na juu ya paja la kulia la kondoo.
Oo dambiishii ay kibista aan khamiirka lahaynu ku jirtay oo Rabbiga hortiisa tiilna wuxuu ka soo bixiyey xabbad ah kibis aan khamiir lahayn, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah, oo wuxuu saaray baruurtii iyo bowdadii midig,
27 Akaiweka yote mikoni mwa Aroni na katika mikono ya wanawe na kuitikisa mbele za Yahweh kuwa sadaka ya kutikiswa
oo intaas oo dhan ayuu saaray Haaruun gacantiisii, iyo gacantii wiilashiisa, oo sida qurbaanka la ruxruxo ayaa Rabbiga hortiisa lagu ruxruxay.
28 Kisha Musa akaichukua mikate hiyo kutoka mikononi mwao na kuiteketeza juu ya madhabahu kwa ajili ya sadaka ya kuteketezwa. Zilikuwa ni sadaka ya kuwekwa wakfu na ilitoa harufu ya kupendeza. Ilikuwa sadaka iliyofanywa kwa Yahweh kwa moto.
Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
29 Musa akakichukua kidari na kukitikisa kuwa sadaka ya kutikiswa kwa Yahweh. Ilikuwa ni mgao wa Musa wa kondoo wa kuwekewa mikono kwa makuhani, Kama vile Yahweh alivyokuwa amemwamuru yeye.
Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray.
30 Musa akatwaa sehemu ya mafuta ya upako na damu iliyokuwa juu ya madhabahu; naye akayanyunyiza haya juu ya nguo za Aroni, juu ya nguo zake mwenyewe na juu ya nguo za wana wa Aruni waliokua pamoja naye. Kwa njia hii alimtenga Aroni na nguo zake, na wanawe na nguo zao kwa ajili ya Yahweh.
Markaasaa Muuse qaaday saliiddii lagu subkado qaarkeed iyo dhiiggii meesha allabariga ku kor yiil, oo wuxuu ku kor saydhsaydhay Haaruun, iyo dharkiisii, iyo wiilashiisii, iyo dharkii wiilashiisa, oo wuxuu quduus ka dhigay Haaruun iyo dharkiisii iyo wiilashiisii iyo dharkii wiilashiisaba.
31 Kwa hiyo Musa akawambia Aruni na wanawe, “Ipikeni nyama mbele ya ingilio la hema la kukutania, na hapo mtaila pamoja na mkate ulio kwenye kikapu cha kuwekwa wakfu, kama ilivyoamriwa, kusema, 'Aroni na wanawe wataila.'
Markaasaa Muuse Haaruun iyo wiilashiisii ku yidhi, Hilibka waxaad ku ag karisaan iridda teendhada shirka, oo halkaas ku cuna hilibka iyo kibista dambiisha quduuskadhigidda ku jirta, sidaan u amray, oo aan u idhi, Haaruun iyo wiilashiisu waa inay cunaan.
32 Masalio yoyote ya nyama na mikate utayateketeza kwa moto.
Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.
33 Na hamtatoka kwenye ingilio la hema la kukutania kwa muda wa siku saba, hata zitakapotimia siku za kuwekwa mikono kwenu. Kwa kuwa kwa muda wa siku saba, Yahweh atawaweka wakfu.
Oo idinkuna waa inaydaan ka bixin iridda teendhada shirka intii toddoba maalmood ah, ilaa maalmaha quduus laydinka dhigay ay dhammaystirmaan, waayo, isagu wuxuu quduus idinka dhigayaa intii toddoba maalmood ah.
34 Kilichotendeka siku hii— Yahweh ndiye amekiamru kitendekeke ili kufanya upatanisho kwa ajili yenu.
Oo Rabbigu wuxuu amray in la yeelo sida maantadan la yeelay, in kafaaraggud laydiin sameeyo.
35 Mtakaa kwenye ingilio la hema la kukutania mchana na usiku siku saba, nanyi ishikeni amri ya Yahweh ili msije mkafa, kwa sababu hivi ndivyo ilivyoamriwa.
Oo intii toddoba maalmood ah habeen iyo maalinba waa inaad ag joogtaan iridda teendhada shirka, oo Rabbiga amarkiisa xajiya yeydnan dhimanine, waayo, sidaasaa laygu amray.
36 Kwa hiyo Aroni na wanawe wakafanya mambo yote ambayo Yahweh alikuwa amewaamru kwa kinywa cha Musa.
Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

< Mambo ya Walawi 8 >