< Maombolezo 1 >

1 Mji ambao mwanzo ulikuwa na watu wengi sasa umekaa peke yake. Amekuwa kama mjane, japo alikuwa taifa kubwa. Alikuwa mtoto wa mfalme miongoni mwa mataifa, lakini sasa amelazimishwa utumwani.
Magaaladii dadku ka buuxay sidee bay keligeed u fadhiisataa! Sidee bay carmal oo kale u noqotay! Tii quruumaha dhexdooda ku weynayd, oo dalalka gobolladooda amiirad ku ahayd Sidee bay addoon u noqotay!
2 Analia na kuomboleza usiku, na machozi yake yanafunika mashavu yake. Hamna ata mpenzi wake anaye mliwaza. Marafiki wake wote wamemsaliti. wamekuwa maadui wake.
Habeenkii aad bay u ooydaa, oo ilmadeediina dhabannaday kaga taal. Kuwii jeclaa oo dhan iyadu kama haysato mid u qalbi qaboojiya. Saaxiibbadeedii oo dhammu way wada khiyaaneeyeen, Oo waxay noqdeen cadaawayaasheedii.
3 Baada ya umaskini na mateso, Yuda ameenda matekani. Anaishi miongoni mwa mataifa na hapati pumziko lolote. Wanao wakimbiza wamewapata katika upweke wake.
Quruunta Yahuudah maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay dhibkeedii iyo addoonsigeedii weynaa aawadood. Quruumahay dhex deggan tahay, oo innaba nasasho ma hesho. Silciyayaasheedii oo dhammu waxay soo gaadheen iyadoo cidhiidhi ku dhex jirta.
4 Barabara za Sayuni zinaomboleza kwasababu hakuna anaye kuja kwenye sherehe iliyo andaliwa. Malango yake yote ni ukiwa. Makuhani wake wote wana sononeka. Mabikra wake wana uzuni na yeye mwenyewe yupo katika ugumu.
Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.
5 Maadui wake wamekuwa bwana zake; maadui wake wana fanikiwa. Yahweh amemuadhibu kwa dhambi zake nyingi. Watoto wake wadogo wanaenda matekani kwa maadui zake.
Kuwii cidhiidhin jiray madax bay noqdeen, cadaawayaasheediina way barwaaqoobaan, Waayo, Rabbigu wuxuu iyada u dhibay xadgudubyadeedii badnaa aawadood. Carruurteediina maxaabiis ahaan bay cadowgoodii u hor socdeen.
6 Uzuri umemwacha binti wa Sayuni. Watoto wa mfalme wamekuwa kama ayala ambaye haoni malisho, na wanaenda bila uwezo kwa wanao wakimbiza.
Oo magaaladii Siyoon quruxdeedii oo dhammuna way ka dhammaatay. Amiirradeedii waxay noqdeen sidii deero daaq weyday, Oo waxay tageen iyagoo aan itaal ku lahayn kan eryanaya hortiis.
7 Katika siku za mateso yake na kutokuwa na nyumba, Yerusalemu itakumbuka hazina zake za dhamani alizo kuwa nazo awali. Wakati watu wake walipo angukia mikononi mwa adui, hakuna aliye msaidia. Maadui waliwaona na kucheka maangamizo yake.
Yeruusaalem wakhtiga ay dhib iyo wareeg ku jirto ayay waxay soo xusuusataa Waxyaalihii wanaagsanaa oo ay waagii hore haysatay oo dhan. Markii dadkeedu gacanta cadowga ku dhacay, oo aan ninna caawiyin Ayaa cadaawayaashu iyada arkeen, oo baabba'eedana way ku majaajiloodeen.
8 Yerusalemu ili tenda dhambi sana, hivyo basi, amedhalillika kama kitu kichafu. Wote walio mheshimu sasa wana mdharau kwa kuwa wameona uchi wake. Anasononeka na kujaribu kugeuka pembeni.
Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.
9 Amekuwa mchafu chini ya sketi yake. Hakuwaza hatima yake. Anguko lake lilikuwa baya. Hakukuwa na wakumliwaza. Alilia, “Angalia mateso yangu, Yahweh, kwa kuwa adui amekuwa mkuu sana.”
Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.
10 Adui ameeka mkono wake kwenye hazina zetu za dhamani. Ameona mataifa yakiingia sehemu yake takatifu, japo uliamuru wasiingie katika sehemu yako ya kukusanyikia.
Cadowgu wuxuu gacanta ku fidiyey waxyaalaheedii wanaagsan oo dhan, Waayo, iyadu way aragtay in quruumihii ay meesheedii quduuska ahayd galeen, Kuwaasoo aad amartay inayan ururkaaga gelin.
11 Watu wote wana sononeka wanapo tafuta mkate. Wametoa hazina zao za dhamani kwa ajili ya chakula cha kurejesha uhai wao. Tazama, Yahweh, ni kumbuke mimi, kwa kuwa nimekuwa sina faida.
Dadkeeda oo dhammu way taahaan, oo kibis bay doondoonaan. Waxyaalahoodii wanaagsanaa cuntay siisteen si ay nafta ugu ceshadaan. Rabbiyow, bal eeg oo ka fiirso, waayo, waxaan noqday wax la nacay.
12 Sio kitu kwako, wote mnao pita? Angalia na uone kama kuna mtu mwenye uzuni kama uzuni ninao teswa nao, tangu Yahweh amenitesa mimi katika siku ya hasira yake kali.
Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.
13 Ni kutoka juu ndipo alipo tuma moto kwenye mifupa yangu na umenishinda. Ametanda nyavu kwa miguu yangu na kunigeuza. Amenifanya ukiwa na dhahifu.
Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.
14 Nira ya makosa yangu imefungwa na mikono yake. Zimesokotwa na kuekwa shingoni mwangu. Amefanya uweza wangu kushindwa. Bwana amenikabidhi mikononi mwa, na siwezi kusimama.
Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.
15 Bwana ametupa pembeni wanaume wangu hodari walio niokoa. Ameitisha kusanyiko dhidi yangu kuponda wanaume wangu imara. Bwana amewakanyaga binti bikra wa Yuda kwenye chombo cha kusagia mvinyo.
Raggaygii xoogga badnaa oo dhan Sayidku dhexdayduu ku tuuray. Wuxuu iigu yeedhay shir inuu barbaarradayda burburiyo. Gabadhii bikradda ahayd ee quruunta Yahuudah ah Sayidku wuxuu ugu tuntay sidii macsaro khamri.
16 Kwa vitu hivi ninalia. Macho yangu, maji yanashuka chini ya macho yangu tangu mfariji aliye paswa kurejesha maisha yangu yuko mbali na mimi. Watoto wangu wamekuwa ukiwa kwasababu adui yangu ameshinda.
Waxyaalahan daraaddood ayaan la ooyayaa, oo indhahayga ilmaa ka daadanaysa, Maxaa yeelay, kii i qalbi qaboojin lahaa oo naftayda u raaxayn lahaa waa iga fog yahay. Carruurtaydii way cidloobeen, maxaa yeelay, cadowgii baa iga adkaaday.
17 Sayuni ametandaza mikono yake; hakuna wakuwa mliwaza. Yahweh ameamuru hao karibu na Yakobo wawemaadui wake. Yerusalemu ni kitu kichafu kwao.
Siyoon gacmahay hoorsataa, mase jiro mid u qalbi qaboojiya. Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka Yacquub ku wareegsan ay cadaawayaashooda noqdaan. Yeruusaalemna waxay dhexdooda ku tahay sida wax wasakh ah.
18 Yahweh ni mwenye haki, kwa kuwa nimeasi dhidi ya amri zake. Sikia, ninyi watu, na muone uzuni wangu. Mabikra wangu na wanaume imara wameenda matekani.
Rabbigu waa xaq, waayo, amarkiisaan ku caasiyoobay. Dadyowga oo dhammow, i maqla, waan idin baryayaaye, oo bal murugtayda fiiriya. Hablahaygii bikradaha ahaa iyo barbaarradaydii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay.
19 Niliita marafiki zangu, lakini walikuwa na hila kwangu. Makuhani wangu na wazee waliangamia kwenye mji, walipo kuwa wanatafuta chakula cha kurejesha uhai wao.
Waxaan u yeedhay kuwii i jeclaa, laakiinse way i khiyaaneeyeen. Wadaaddadaydii iyo duqowdaydiiba magaalada dhexdeeda ayay ku naf bexeen, Intay doondoonayeen cunto ay nafta ku ceshadaan.
20 Tazama, Yahweh, kwa kuwa nipo kwenye ugumu; tumbo langu lina nguruma, moyo wangu umetibuka ndani yangu, kwa kuwa nimekuwa muasi sana. Nje, upanga umemliza mama, ndani ya nyumba kuna mauti tu.
Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.
21 Wamesikia sononeko langu, lakini hakuna wakuni liwaza. Maadui zangu wote wamesikia shida zangu na wamefurahi umenifanyia hivi. Umeleta siku uliyo ahidi; sasa acha wawe kama mimi.
Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.
22 Acha uovu wote uje mbele zako. Shughulika nao kama ulivyo shughulika na mimi kwasababu ya makosa yangu yote. Masononeko yangu ni mengi na moyo umezimia.
Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

< Maombolezo 1 >