< Yoshua 7 >
1 Lakini watu wa Israeli hawakutenda katika uaminifu kuhusiana na vitu vilivyotengwa kwa ajili ya uharibifu. Akani mwana wa Karmi, mwana wa Zabdi, mwana wa Zera, kutoka katika kabila la Yuda, alivitwaa baadhi ya vitu hivyo vilivyokuwa vimetengwa kwa ajili ya uharibifu, na hasira ya Yahweh iliwaka juu yawatu wa Israeli.
Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.
2 Yoshua alituma watu kutoka Yeriko kwenda Ai, mji uliokuwa karibu na Bethi Aveni, mashariki mwa Betheli. Aliwaambia, “Nendeni na mkaipeleleza nchi.” Wale watu walikwea na kuipeleleza Ai.
Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.
3 Waliporudi kwa Yoshua, walimwambia, “Usitume watu wote kwenda Ai. Tuma tu watu elfu mbili au elfu tatu waende kuiteka Ai. Usiwafanye watu wateseke katika vita, kwani ni watu wachache.”
Oo markaasay Yashuuca ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhammu yaanay wada tegin; laakiinse laba ama saddex kun oo nin ha tageen, oo ha baabbi'iyeen Aacii; oo dadka oo dhan halkaas ha ku daalin, maxaa yeelay, iyagu way yar yihiin.
4 Hivyo ni watu wapatao elfu tatu tu kutoka katika jeshi ndio walioenda, lakini watu hawa waliwakimbia watu wa Ai.
Sidaas daraaddeed waxaa dadkii ka tegey oo halkaas u kacay in saddex kun oo nin ku dhow, oo waxay ka hor baqdeen dadkii reer Aacii.
5 Watu wa Ai waliwaua watu wapatao thelathini na sita, waliwafuata katika lango la mji hadi katika machimbo ya mawe, na waliwauwa walipokuwa wakishuka katika kilima. Na mioyo ya watu ilijawa hofu na ujasiri wao ukawatoka.
Oo markaasaa dadkii reer Aacii waxay iyagii ka laayeen lix iyo soddon nin; oo magaalada iriddeedii ayay ka eryadeen tan iyo Shebaariim, oo waxay ku laayeen meesha dhaadhaca ah, markaasaa dadkii qalbigiisii dhalaalay, oo biyo oo kale noqday.
6 Basi Yoshua alizirarua nguo zake. Yeye pamoja na wazewe wa Israeli waliweka mavumbi juu ya vichwa vyao na wakainamisha vichwa vyao hadi katika nchi mbele ya sanduku la Yahweh, na walibaki pale mpaka jioni.
Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.
7 Kisha Yoshua akasema, “Oo, Yahweh Bwana, kwanini umewavusha watu hawa ng'ambo ya Yordani? Kutuweka katika mikono ya Waamori ili kutuangamiza? ikiwa kama tulifanya maamuzi tofauti na tungekaa katika upande mwingine wa Yordani!
Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, Way, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad dadkan Webi Urdun uga soo gudbisay inaad nagu riddo gacmaha reer Amor iyo inaad na halligto? Waxaa noo wanaagsanaan lahaa inaannu degno Webi Urdun shishadiisa oo halkaas raalli ku ahaanno.
8 Bwana, niseme nini, baada ya Israeli kuwatega migongo maadui zao?
Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa'iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen?
9 Kwa kuwa Wakaanani na wenyeji wote wa nchi watakaposikia, watatuzunguka na kuwafanya watu wa nchi kulisahau jina letu. Na utafanya nini kwa ajili ya jina lako kuu?
Maxaa yeelay, reer Kancaan iyo kuwa dalka deggan oo dhammu waxay maqli doonaan warkaas, oo markaasay na hareerayn doonaan oo ay magacayaga dhulka ka tiri doonaan; oo markaas maxaad u samaynaysaa magacaaga weyn?
10 Yahweh akamwambia Yoshua, “Inuka! kwanini umelala kifudifudi?
Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Sara joogso, maxaad sidaas wejigaaga isugu tuurtay?
11 Israeli imetenda dhambi. Wamevunja agano langu nililowaagiza. Wameiba baadhi ya vitu vilivyokuwa vimetengwa. Wameiba na kisha pia wakaficha dhambi yao kwa kuweka vitu vile walivyochukua miongoni mwa mali zao wenyewe.
Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.
12 Na matokeo yake ni kwamba watu wa Israeli hawataweza kusimama mbele za maadui zao. Walitega migongo yao kwa maadui zao kwasababu wao wenyewe wametengwa kwa ajili ya uharibifu. Sitakuwa pamoja nanyi tena mpaka pale mtakapoteketeza vitu vile vilivyotakiwa kuharibiwa, lakini sasa bado viko miongoni mwenu.
Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane.
13 Inuka! Waweke watu wakfu kwangu, na uwaambie, 'Jiwekeeni wakfu ninyi wenyewe kesho. Kwa kuwa, Yahweh, Mungu wa Israeli asema hivi, “Kuna vitu vilitengwa ili kuteketezwa ambavyo bado viko miongoni mwenu, Israeli. Hamtaweza kusimama mbele ya maadui zenu mpaka pale mtakapoviondoa miongoni mwenu vitu vyote ambavyo vilitengwa kwa ajili ya kuteketezwa.”
Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.
14 Asubuhi, mtajisogeza wenyewe kwa makabila. Kabila lile ambalo Yahweh atalichagua litasogea karibu kwa koo zake. Ukoo ule ambao Yahweh atauchagua lazima usogee karibu kwa nyumba. Nyumba ambayo Yahweh ataichagua lazima isogee karibu kwa mtu mmoja mmoja.
Haddaba aroorta waxaa laydiin soo dhowayn doonaa qabiil qabiil, oo qabiilkii Rabbigu soo sooco ha ii soo dhowaado iyagoo reer reer ah; oo haddana reerkii Rabbigu soo sooco, ha iigu soo dhowaadeen xaas xaas; oo haddana xaaskii Rabbigu soo sooco nin nin ha iigu soo dhowaadeen.
15 Itakuwa hivi mtu yule atakayechaguliwa na aliye navyo vitu hivyo vilivyotengwa kwa ajili ya kuharibiwa, atachomwa moto, yeye na kila kitu alichonacho, kwasababu amelivunja agano la Yahweh na kwasababu amefanya jambo la aibu katika Israeli.'”
Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.
16 Basi, Yoshua aliamka asubuhi na mapema na aliwaleta Israeli karibu, kabila kwa kabila, na kabila la Yuda lilichaguliwa.
Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa'iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah.
17 Yoshua akazisogeza koo za Yuda karibu, na ukoo wa Zera ulichaguliwa. Akausogeza karibu ukoo wa Zera mtu kwa mtu, na Zabdi alichaguliwa.
Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii.
18 Akaisogeza karibu nyumba ya Zabdi mtu kwa mtu, na Akani mwana wa Karmi, mwana wa Zabdi, mwana wa Zera, kutoka kabila la Yuda, alichaguliwa.
Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.
19 Kisha Yoshua akamwambia Akani, “Mwanangu, niambie ukweli mbele za Yahweh, Mungu wa Israel, na ufanye ukiri wako kwake. Tafadhali niambie kile ulichofanya. Usinifiche.”
Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin.
20 Akani akamjibu Yoshua, “Kwa kweli nimetenda dhambi mbele Yahweh, Mungu wa Israeli.
Markaasaa Caakaan wuxuu Yashuuca ugu jawaabay, Sida runta ah waan ku dembaabay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo waxaan sameeyey sidaas iyo sidaas:
21 Nilichofanya ni hiki: Nilipoona miongoni mwa nyara mkoti mzuri kutoka Babeli, shekeli mia mbili za fedha, na kipande cha dhahabu chenye uzito wa shekeli hamsini, nilivitamani na nikavichukua. Vimefichwa chini ardhini katikati ya hema langu, na fedha iko chini yake.”
markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.
22 Yoshua akatuma wajumbe waliokimbia mpaka kwenye hema mahali palipokuwa na vile vitu. Walipoangalia, waliviona vimefichwa katika hema lake, na fedha chini yake.
Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii.
23 Walivichukua vitu hivyo kutoka katikati ya hema na kuvileta kwa Yoshua na watu wote wa Israeli. Walivimwaga mbele za Yahweh.
Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.
24 Kisha Yoshua na Waisraeli wote pamoja naye, walimchukua Akani mwana wa Zera, na fedha, na koti, na kipande cha dhahabu, wana na binti zake, ng'ombe zake, punda zake, kondoo zake, hema lake, na kila kitu alichokuwa nacho, na wakavileta hata bonde la Akori.
Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.
25 Kisha Yoshua akasema, “Kwanini umetusumbua? Leo Yahweh atakutesa na wewe.” Waisraeli wote wakampiga kwa mawe. Na wakawachoma wote kwa moto, na wakawapiga mawe.
Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen.
26 Kisha wakaweka juu yake kichuguu kikubwa cha mawe ambayo yapo hata leo. Yahweh akaachilia mbali hasira yake. Hivyo basi, jina la mahali hapo likawa Akori hata leo.
Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.