< Yona 2 >
1 Kisha Yona akamwomba Bwana Mungu wake kutoka katika tumbo la samaki.
Markaasaa Yoonis Rabbigii Ilaahiisa ahaa baryay, isagoo ku dhex jira calooshii kalluunka.
2 Akasema, Nimemwita Bwana juu ya shida yangu naye akanijibu; kutoka tumbo la Kuzimu nililia kwa msaada! Uliisikia sauti yangu. (Sheol )
Oo wuxuu yidhi, Dhibaatadayda aawadeed ayaan Rabbiga ugu yeedhay, Isna wuu ii jawaabay. Waxaan ka dhex qayliyey She'ool uurkiisa, Adna codkaygaad maqashay. (Sheol )
3 Ulikuwa umenitupa ndani ya kina, ndani ya moyo wa bahari, na maji yaliyonizunguka; mawimbi yako yote na gharika yalipita juu yangu.
Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.
4 Nikasema, 'Nimefukuzwa mbele ya macho yako; lakini nitaangalia tena juu ya hekalu lako takatifu. '
Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.
5 Maji yalifunika kunizunguka karibu na shingo yangu; kina kilinizunguka; mwani ukakizinga kichwa changu.
Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.
6 Nilikwenda chini ya milima; nchi na baa zake zimefungwa juu yangu milele. Lakini wewe umeinua uhai wangu shimoni, Bwana, Mungu wangu!
Waxaan hoos ugu dhaadhacay buuraha guntooda; Oo weligay waxaa i awday dhulkii iyo gudbayaashiisiiba; Laakiinse, Rabbiyow, Ilaahayow, noloshaydii waxaad ka soo bixisay yamayskii.
7 Wakati nafsi yangu ilipozimia ndani yangu, nikamwita Bwana; basi sala yangu ilikujia, katika hekalu lako takatifu.
Markii naftaydu itaal darnaatay ayaan ku xusuustay, Rabbiyow; Oo baryadaydii adigay kuu timid, oo waxay kuugu soo gashay macbudkaaga quduuskaa.
8 Wote ambao huzingatia miungu isiyofaa hukataa uaminifu wako wao wenyewe.
Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa Waxay ka tagaan naxariistoodii.
9 Lakini mimi, nitakuchinjia kwa sauti ya shukrani; Nitayatimiza yale niliyoapa. Wokovu hutoka kwa Bwana!
Aniguse codka mahadnaqidda ayaan allabari kuugu bixin doonaa; Wixii aan nidrayna waan bixinayaa. Badbaado waxaa leh Rabbiga.
10 Kisha Bwana akanena na samaki, akamtapika Yona juu ya nchi kavu.
Markaasuu Rabbigu kalluunkii amray, kalluunkiina wuxuu Yoonis ku mantagay berriga.